Laanta Socdaalka oo diidmo ka saftay Soomaalida dacwada xareysatay

15

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay waxay diidmo ka saftay Soomaalidii reerahooda u dacwooneysay ee codsiga xareystay. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa i soo booqday dad badan oo la yaaban diidmada isku mid ah ee isku waqtiga loo soo diray dadka oo dhan.

Sidii caadada noqotay ilaa markii la diiday mideynta reeraha Soomaalida ayaa Laanta Socdaalka waxay Somaalida ka dalbatay in ay soo bandhigaan warqado kala duwan oo ay ku cadeynayaan xiriirkooda iyo xitaa masuuliyada ay ka yihiin caruurtooda. Dadkii aan la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa aabbe lagu yiri noo keen warqado cadeynaya in aad caruurtaada masuul ka tahay.

Inkastoo rajada Soomaalida khaarkood ay isbedashay ka dib markii lagu dhawaaqay in la mideynayo reeraha Soomaalida ayaa waxaa u maleysaa in dadka khaarkood ay ilaabeen in aysan waqtiga hada la joogo wax isbadalin oo Laanta Socdaalka ay ku soconeyso sharcigii hore oo keliya. Ilaa baarlamaanka ama Dowlad Sweden ay go’aan rasmi ah soo saaraan ayaa Laanta Socdaalka waxay tahay mid qasban ku socoshada wadadii hore xitaa iyaga oo og in ay ku adagtahay dadku in ay fahmaan.

Warqadkasta oo hada loo diro ayay ka soo qaadayaan mid aan macno lahayn maadaama aysan aqoonsaneyn cadeymaha Soomaaliya isla markaana uusan jirin isbedel cusub. Hadaba maxaa la kudboon dadka laga codsaday in ay warqadaha soo bandhigaan? Su’aashaas ayaanan jawaabteeda ka helin Laanta Socdaalka balse waxay ila tahay in labo ay furantahay hada, in layska dhaafo xiriirkooda oo dib loo bilaabo dacwadada July 1 2012 ka dib ama in aad xiriirka sii wadaan oo lagu maaweeliyo warqado oo aad u sheegto in aad diyaar u tahay in DNA lagaa qaado iwm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here