Kooxda kubada cagta Darfur oo Sweden iska dhiibtay

6

Kooxda kubada cagta Darfur United oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii ay ka qeyb galeen ciyaaro lagu qabtay maagalada Östersund ayaa hada iska dhiibay Sweden. Kooxdaan oo markii ay wadanka soo galeen ka koobnayd 13 qof ayaa ka qeyb galay ciyaaraha wadamada aan la aqoonsanayn (ConIFA World Football Cup) ee lagu qabto Östersund.

Ka dib markii ay ciyaaraha dhamaadeen oo la filayay in ay ku noqdaan wadankooda, ayaa 13 ciyaartoy ee reer Sudan la waayay meel ay qabteen. Hada ayaa 7 ka mid ah ciyaartoyda waxay iska dhibeen magaalada Gävle halka 6 kale ay iska dhiibeen Norway. Ciyaartoyda oo ka soo duulay wadanka Chad ayaa sheegay in aysan amaan ahayn halka ay ka yimaadeen oo sidaas darteed ay Sweden isaga dhiibeen.

Ciyaaraha ConIFA World Football Cup  ayaa ah ciyaar loo qabto dadka laga tirada badanyahay iyo wadamada aan la aqoonsanayn iyadoo la qabto marka ay dhacayaan ciyaaraha aduunka ee FIFA World Cup. Ciyaarahaan ayaa ah kuwo ka madax banaan FIFA.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here