Koox ciyaarta kubada barafka oo loo dhisayo Somalia

5

Magaalada Borlänge ayaa waxaa looga dhawaaqay koox ciyaari doonta kubada Bandy oo ku ciyaari doonta magaca wadanka -Somalia. Kooxdaan oo uu hogaamiye u noqon doono ninka lagu magacaabo Per Fosshaug  oo horay u ahaan jiray tababare caan ah ayaa ka qeyb gali doonta koobka aduunka ee sanadka 2014 lagu qaban doono ruushka.

Ciyaarta Bandy ayaa ah mid lagu ciyaaro barafka oo kubada lagu hagayo ul. Soomaalida oo aan ahayn dad barafka u bartay isla markaana ay ku cusubtahay isticmaalka kabaha barafka ayaa tababaraha cusub waxa uu sheegay in ay noqon doonto mid qosol badan isla markaana xiiso leh.

Kooxda Somalia ayaa sanadka soo socda ka qeyb gali doonto ciyaaraha lagu qaban doono magaalada Irkutsk ee gobolka Siberia ee Ruushka. Kooxda cusub ayaa ka ciyaari doonta guruubka C oo loogu talagalay wadamada soo koraya.

Gudiga olombikada Somalia ayaa soo dhaweeyay aasaaska kooxdaan iyagoo taageeray fikrada. Tababaraha kooxda Per Fosshaug ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid isdhexgal. Isaga laftiisa ayaa ku dhashay magaalada Borlänge. Sanadihii u dambeeyay ayaa magaaladaasi waxaa deegaan ka dhigtay Soomaali tiradooda gaareyso 3000kun

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here