Home Wararka Maanta Xisbiyada S iyo M oo diiday saaka in ay ka qeyb galaan...

Xisbiyada S iyo M oo diiday saaka in ay ka qeyb galaan isku waqti Dooda Raadiyaha Sweden.

0

Labada xisbi ee kala ah Socialdemokraterna iyo Moderaterna ayaa u muuqda kuwa saameyn ku yeelatay doorashada sweden oo ilaa hada la gaarin cida hogaamineysa mustaqbalka.

Hogaamiyaha Xisbiga S ee barlamaanka Anders Ygeman oo saaka ka qeyb galayay dooda raadiyaha Sweden ayaa diiday in doodaasi isku mar loo qabto dhigiisa Gunnar Strömmer oo ka tirsan moderaterna.

Diidmada labada dhinac ayaana keentay in siyaasi walbo loo wareesto gooni iyadoo mid kastana uu soo bandhigay sida ay u arkaan natiijada doorashada ee lasoo bandhigay.

Anders Ygeman ayaa sheegay in natiijada doorashada ay tahay mid iska cad isla markana xisbiga (S) uu yahay xisbiga ugu weyn doorashada dhanka xisbiyada isbaheestayna uu Garabka Rödgröna uu yahay kan ugu weyn.

Gunnar Strömmer ayaa dhankiisa sheegay in natiijada doorashada ay tahay in guud ahaan dowlada hada jirto labadalo laguna badalo kuwa isbaheestay oo heesta boqolkiiba 40 codadka la tiriyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here