Kaniisad lacag u aruurinaysa dhismaha Masaajid

8

Kaniisada Svenska kyrkan i Nacka ayaa go’aan ku gaadhay in ay ka qeyb qaadato ololaha lacag loogu ururinayo masaajid cusub oo laga dhisayo xaafada Nacka ee Stockholm. Maamulka kaniisada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ka qeyb qaataan dhamaystirka mashruuca loogu magacdaray “guriga ilaahay”.

Sanadii 2012 ayaa Muslimiinta laga iibiyay dhul lacagtiisa gaarayso 300,000 kr  taasoo ay balantu ahayd in ay lacagta bixiyaan kama dambaysa bisha December ee sanadka 2014 balse Muslimiinta ayaa u muuqda kuwo aan ku guuleysan in ay soo ururiyaan lacagta loo baahanyahay in lagu iibsado dhulka isla markaana lagu bilaabo dhismaha Masaajidka.

Arintaan ayaa dood ka dhex abuurtay Kiristaanka, iyadoo hada mid ka mid ah xubnaha maamulka kaniisada uu dacwad u ka gudbiyay arintaan. Ninkaan oo lagu magacaabo Anders Lundberg ayaa ku doodaya in Islaamka iyo Kiristaanku ay yihiin diimo kala duwan isla markaana aysan sax ahayn in lagu caawiyo Muslimiinta in ay dhistaan masaajid. Qaasatan waxa uu sheegay in Muslimiintu ay diidanyihiin Illaah nimada Nabi Ciise (nnkh). 

Si kastaba ha ahaatee, Dhismaha Masaajidkaan ayaa dood dhaliyay markii lagu dhawaaqay sanadkii 2010, maadaama la sheegay in kaniisada iyo Masjidka isku goob laga dhisayo oo Muslimiinta iyo Kiristaanku isku goob ku tukanayaan. Qorshahaas in wax laga badalay iyo in kale ayaan hada cadayn maadaama Muslimiintu ay heshiis ku galeen in ay dhul iibsadaan. 

Baahida keentay in Muslimiintu ay lacag taageero ka helaan kaniisada ayaa muujinaysa isku xirnaan la’aanta ka dhex jirta Muslimiinta iyo in aysan awoodin in ay ka qeyb qaataan dhamaystirka ama dhismaha Masjidka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here