“Islaamka waa in la mamnuucaa oo Muslimiinta waa in cunsuriyeeyaa”

11

Mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa cadeeyay in uu doonayo in la mamnuuco diinta Islaamka isla markaana la cunsuriyeeyo dadka Muslimiinta. Isagoo ka hadlaya Muslimiinta ayuu yiri.

“Waa in aan qirtaa. Waxaan doonayaa in aan cunsuriyeeyo Muslimiinta oo aan mamnuuco Islaamka. anigoo u danaynaya bani’aadamka. Dadka oo dhan isku mid ma ahan, dadka aaminsan Quraanka ee beenta u sheegaya Kiristaanka iyo wadamada dimoqraadiga. kuwaas dadka lama mid ahan. “ ayuu yiri ninka lagu magacaabo Robert Quiding.

Ninkaan ayaa sidoo kale ah garsoore isagoo mar la waydiiyay in uu si cadaalad ah ugu garsoori lahaa Muslimiinta, sheegay in taasi laga yaabo in aysan dhicin.

Hadalka ninkaan ayaa ah mid aan la yaab lahayn iyadoo horay ay dhowr jeer hadalkaa mid la mid ah ka dhawaajiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbigaan. Laakiin hadalka cunsuriyiinta ayaa ah mid walwal leh maadaama ay si cad u muujinayaan naceybka ay u qabaan Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here