Iskuulka iyo fashilka waalidiinta Soomaalida

3

Horumarka ay ardadu ka gaaraan waxbarashada iskuulada Sweden waxaa qeyb weyn ka qaata waalidiinta, oo caruurtooda ka caawiya casharada iyo la socodka iskuulka. Doorka waalidiinta ayaa ah mid si weyn uga duwan kii Somalia. Marka la joogo Somalia ayaa waalidiintu aysan sidaa isugu hawli iskuulka maadaama macalimiinta Somalia ay yihiin waalidka labaad ee ardada.

Maadaama uu hooseeyo heerka waxbarashada ee qaar badan oo ka mid ah waaliidinta Soomaalida, isla markaana ay dhibaato ka haysato luuqada ayaa taasi waxay keentay in caruurta Soomaalidu ay dhibaato kala soo daristo iskuulka. Dhibaatada kala haysata waalidiinta Soomaalida iyo iskuulada Sweden ayaa ah mid aan wax badan laga qorin balse qeyb weyn ka ah sababta aysan ardada Soomaalidu u dhamaysan iskuulada. Xaalada ayaa maraysa in xitaa waalidiinta iyo caruurtu aysan isku luuqad ku halin.

Xalka arintaan ayaa noqon kara sida magaalooyinka qaar laga sameeyay in jaaliyadaha Soomaalida ay caruurta ka caawiyaan casharada balse taasi ma buuxinayso booska waalidka oo laga doonayo in uu si buuxda ula socdo caruurtooda iyo hawsha iskuulka. Xitaa haddii uusan waalidku ahayn mid waxbarasho leh ama aan luuqada ku hadli karin, wali waxaa  muhiim ah in waalidku uu xiiso u muujiyo waxbarashada caruurtisa iyo halka ay wax marayaan.

Haddii la doonayo in caruurta Soomaalidu ay horumar ka gaaraan iskuulada isla markaana uu guud ahaan kor u kaco magaca Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in xooga la saaro sidii taageero buuxda loo siin lahaa caruurta iyo waalidka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here