In aad doorato SFI iskuul fiican ayaa fure u noqon karta horumarkaaga

7

In mudo ah ardada doonaysa in ay dhigato SFI waxay xaq u leeyihiin in ay doortaan iskuulka ay dhiganayaan. Taasoo ardada siinaysa fursada in ay doortaan iskuulka ay ka heli karaan waxbarashada ugu fiican.

Wiilka lagu magacaabo Milan Filipovic waxa uu xili dhow bilaabay barashada koorsada SFI, intii uusan dooran iskuulka waxa uu sameeyay baaritaan iyo isbarbar dhig iskuulada, isagoo ugu dambeyntii doortay iskuulka Lernia.

Isaga oo ka hadlaya sababta uu u doortay iskuulka Lernia ayuu yiri Milan Filipovic “Lernia waxaan ka dhignaa Swedish. Labo bilood ka dib markaan bilaabay SFI luuqada waan ku hadli karaa oo waan fahmi karaa. Hada waxaan helay shaqadii iigu horeysay Sweden, anigoo shaqeeya dhowr maalmood iskuulkana dhigta”. 

Maadaama barashada luuqada Swedishka ay tahay wadada lagu galo suuqa shaqada Sweden, ayaa iskuulka Lernia waxa uu xooga saaraya in ardada uu la garab istaago caawimaad joogto ah. Shaqada iskuulka ayaa ah in ardada laga caawiyo sidii ay u abuuran lahaayeen mustaqbal shaqo iyo waxbarasho. Si loo gaaro ujeedkaas ayaa iskuulku waxa uu ardada ku caawiyaa in ay helaan shirkad ay tababar ka sameeyaan inta ay waxbarashada ku jiraan iyo quburo talo bixin siisa.

Si dhamaan ardada ay u helaan macluumad sax ah ayaa iskuulka Lernia waxa uu macluumaadka ku turjumay 11 luuqadood oo Af-soomaali ku jiro. Macluumaadkaas ayaa laga heli karaa bogga iskuulka Lernia. Iskuulka ayaa xitaa waxaa ka shaqeeya shaqaale ku hadla luuqado kala duwan kuwaasoo faahfaahin kaa siinaya waxbarashada iskuulka.

Si ardadu ay u helaan dareen ku saabsan waxbarashada iskuulka Lernia ayay booqan karaan xarumaha iskuulka ee Stockholm, maalmaha talaadada saacadaha u dhaxeeya 13-15:00. Booqashada ayaa fursad kuu siinaysa in aad la kulanto ardada hada dhigata iskuulka iyo macalimiinta.

FIIRO GAAR AH: Mowduucaan waa war saxaafadeed ka soo baxay iskuulka Lernia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here