Home Wararka Maanta Ilhaan Omar oo ku guuleysatay Kamid noqoshada Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Omar oo ku guuleysatay Kamid noqoshada Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka.

0

Ilhan Omar ayaa ku guuleysatay tartanka gobolka 5th ee  Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo k amid ah noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.

Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo  Aqalka Congress ,islamarkaana kasoo galay dhanka Minnesoto.

Ilhan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreeysay ee loo doorto  Congress-ka oo Soomaali ah.

Waxaa ay sidoo kale noqonaysaa  mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka.

Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aamisan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo 36 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii.

Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah

Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab

Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah

Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen “hello” iyo ”aamus” oo kali ah

Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here