Home Wararka Maanta Helista Suuqa Shaqooyinka Dalka Sweden oo Wanaag sananeysa Sanadaha soo socda.

Helista Suuqa Shaqooyinka Dalka Sweden oo Wanaag sananeysa Sanadaha soo socda.

0

Saadaasha cusub ee xafiiska shaqada ee ku aaddan suuqa shaqada ayaa muujineysa in fursadaha helitaanka shaqada sanadaha soo socda ay wanaagsan yihiin.

Suuqa shaqada Sweden ayaa sanadihii ugu danbeeyey ahaa mid aad wanaagsan iyadoo taasina ay sii socon doonto sanadaha soo socda sida ka muuqata qiimeynta xafiiska shaqada.

– Waxa Sweden sii soconeysa helitaanka shaqada iyadoo waliba ay xaaladda saadaasha suuqa shaqadu iminka ka fiican tahay sida aan saadaaliney bishii juun, ayuu yiri Håkan Gustavsson.

Sanadkan ayey dadka shaqeeya ee da’doodu u dhaxeyso 16-64 ku kordheen 85 000 qof iyadoo sanadka soo socdona tirada dadka shaqeeyaa ku kordhi doonto 65 000 qof.

”Guud ahaan dalka Sweden waxa sanadka 2019 kordhi doono tirada dadka shaqeeya iyadoo sanadka 2020-kana la saadaalinaya in dad gaaraya 46 000 ay ku kordhaan dadka shaqeeya, sida uu sheegay HÃ¥kan Gustavsson, madaxa saadaasha xafiiska shaqada.

Saadaasha xafiiska shaqada ayaa salka ku heysa wareysi lala yeeshay 13 000 shaqo bixiyeyaal ah iyadoo qaar badanoo ka midana ay sheegeen iney kordhin doonaan shaqaalahooda.

Somaliska Stockholm

Xigasho Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here