Haweeney Soomaaliyeed oo lagu cunsuriyeeyay Tomelilla

3

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Malyuun ayaa lagu cunsuriyeey kamuunka Tomelilla oo u dhow magaalada Malmö ayadoo ay dhalinyaro ku nool halkaas dhagaxaan ku tuureen oo hadalo aflagaado ah u geysteen. Malyuun ayaa ogeysiisay iskuulka ay dhiganeysay ayagoo booliska uga dacwootey arintaas balse booliska ayaan waxba ka qaban cabashadeeda.

Ardada iskuulada ayaa jidka u istaagay Malyuun oo ku yiri hadalo aflagaado ah sida “nigro” iyo ayagoo wax ka sheegay xijaabkeeda. Dhibaatadaan ayaa Malyuun ku haysatay Tomelilla xili ayadoo waqtigii qaboobaha ay ilmaha ku tuurayeen dhagaxaan baraf ah iyada iyo gabadheeda.

Hadaba dhibaatada ku dhacday Malyuun ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay wargeyska Sydsvenskan oo mowduuc aad u dheer ka qoray. Mowduucaas ayaa gaaray dhamaan dadka ku nool magaalada Tomelilla iyo gobolka Skåne ayadoo maamulka kamuunka ay hada go’aansadeen in ay sameeyaan gudi ka hortaga cunsuriyada.

Cunsuriyada iyo neceybka loo qabo Muslimiinta ayaa siyaadey ka dib markii ay baarlamaanka soo galeen xisbiga cunsuriga ee SD ayadoo weeraro fara badan lagu qaaday dadka muslimiinta ah oo ay ku jiraan Soomaalida sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale waxaa xaalada sii kiciyay ka dib markii nin isku qarxiyay magaalada Stockholm bishii December.

Waxaa muhiim ah in qofkii lagu sameeyo ficilo xumaan ah ama la aflagaadeeyo in uu war galiyo cida ay quseyso oo ay la xiiraan booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here