Gudoomiyaha SD oo booqday Forserum

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriyada ku dhisan ee Sverige Demokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa booqasho ku tagay tuulada Forserum ee Soomaalida lagu dhibaateeyay. Åkesson ayaa booqashiisa ku sheegay mid uu wax kaga ogaanayo xaalada dhabta ah ee ka jidha tuulada, isagoo sheegay in warbaahintu sawir qaldan ay ka bixisay xaalada ka jidha goobtaas.

Gudoomiyaha degmada Nässjo Anders Karlsson ayaa horay uga digay in Åkesson uu booqdo Forserum. Gudoomiyaha ayaa sheegay in siyaasada Åkesson aysan ahayn mid ay jecelyihiin isla markaana ay xaalada kaga sii darayso. Si kastaba ha ahaatee, Åkesson ayaan dhagjalaq u siin dalabka gudoomiyaha.

Gudoomiyaha cunsuriyiinta ayaa dhowr sawir isaga qaaday degmada isagoo horay u sheegay in uu doonayo in uu la kulmo Soomaalida ku nool degmada, balse jaaliyada Soomaalida ee Forserum ayaa diiday kulankiisa. Sidoo kale waxa uu la kulmay xubnaha ka tirsan xisbigiisa. Åkesson ayaa u muuqdaa mid ka faa’ideysanaya arintaan. Waxa uu sheegay in dhibaatada lagu sameeyay Soomaalida ay ka dambeysay siyaasada Sweden ee ku aadan soo galootiga. Balse waxa uu diiday in uu arinta u aqoonsado cunsuriyad.

Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulada Forserum ayaa dhaweeyay booqashada Åkesson iyagoo sheegay in Soomaalidu ay dhibaatada qeyb ka leeyihiin.

 

9 comments

  1. saredo1

    Asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. fuaad

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 7

  3. Muslima

    Waan kaxumahay Soomaalida dhibaataysan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha,idinka qabto cadawga meelkasto oo aad joogtaan. “Shaydaankaana” halakulmina.insha,allah waad kabaxaysaan dhibka! Aaamiin.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. Khadija

    Waxay anniga ila tahay inuu Jimmie iyo qoonkiisu yihiin qolyaha ka danbeeya dhalinyarada dhibaatada ku haysa soomaalida deggan Forserum uuna ugu yimid inuu ugu hambalyeeyo howsha ay qabteen ee cunsiriyadu ka danbeyso maadaama uu diiday inuu arrinta cunsiriyad u aqoonsado.
    Waxuuna isoo xusiisiyay oraah dhahaysa haddii waraabuhu xaakim noqdo arigu xaq ma laha.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. Khadija

    Waxaan halkaan hambalyo uga soo gudbinayaa jaaliyada soomaalida ee Forserum oo diiday iney la kulmaan sheydaan Jimmie.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. ahmed kosovo

    waxaa ad iyo ad ugaa xumahay walahayga somaliyeed oo dhiibka sogaray ilhayna waxaan ka baryaya in u kahayo waxii shara badbadiiyana taan daadkan cunsuriga ah ama neceeb so galootiga waa daad degan daalkan waxana haboon in lasameeyo kahoortag oo layska ilaaliyo shakhsiiyaadka an jeeclayn ajaaniibta hadana layskaba dhowro waxii dhiib keenaya wayo malihiin daalkan waxaan kunahay qaxootii kow waa in an iyaga nabad siinaa dhowrana dhaqaankooda kuna nabad galiina waa inaan yeelana dulqaadbadan iyo samiir wayo maha meshan joogna somaliya nabada wa noolosha waa in an sodhawayna kuwa ina sodhaweeya ee swidhashka ah inta yaar ee cunsuuriga waa in an uduul qadana xataa hadii gacaan laydiin qaado hadagaalamiina daalkan dagaalka waa danbii wayn iska ilaaliya goor horana guryinna galaa an is dhowro w b towfii

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. faysa cawo

    dad kii foonka xaska ah xerastay 2009 ee an wax ba isu dhalin arinkiisa wa sidee walal adoo amhdsan jawban ka sugaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. SOMALI GANG I STOCKHOLM.

    ADEER WAAN LA YABAY NIMANKAN YAREE SOMALIDA AH ANAGA STOCKHOLM NOOGU KALAYA DHEH, IYAGAAN WALAAHI DHIRBAAXO LA DHACNAA WABAN U QADAN LAYAHAY SOMALI LA DILAYO, SOMALIGANG.
    IN AAD DOONATAAN WAA KHALAD LAKIIN NAFTIINA DIFAACA OO ISKA CELIYA WAX ILAYN XOOLO MA TIHIINE.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. qnciyedumar

    saxiibiyaal maxa lagu haystaa dadka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga bulshada Soomaaliyeed ee Sweden. Kala soco wararka Sweden.