Goob uu leeyahay ninkii nabiga aflagaadeeyay oo lagu xiray aadaanka salaada [Video]

8

Goob uu leeyahay ninka lagu magacaabo Lars Vilks ee caadeystay aflagaadada nabi Muxamed (nnkh) ayaa koox dhalinyaro ah waxay ku xireen Aadaanka Salaada.

Goobtaan oo lagu magacaab Nimis ayaa Lars Vilks waxa uu ka dhisay Kullaberg sanadkii 1980. Dhismayaasha ka samaysan dhirta ee uu sameeyay Vilks ayaa ah kuwo shabaha minaarada Masaajida. Dhalinyaro Swedish ah ayaa go’aansaday in ay ku xiraan Aadaanka salaada Muslimiinta oo si otomaatik ah maalintii 6 jeer u adimaya. Dhalinyaradaan oo video ka sameeyay hawsha ay qabteen ayay sheegeen sababta ka dambaysa in ay tahay in ay muujinayaan xoriyada diinta ee wadanka Sweden ka jirta iyo in ay muujiyaan xushmada dhaqamada kala duwan.

Lars Vilks oo wax laga waydiiyay arinta lagu sameeyay goobta uu isaga dhisay ayuu sheegay in uusan waxba ka qabin arintaas. Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa Lars Vilks waxaa aad u cambaareeyay saxaafada Sweden ka dib markii uu la soo baxay wajigiisa dhabta ah ee ku dhisan naceybka Muslimiinta. Waxa uu ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabiyeen cunsuriyiinta ugu waaweyn Yurub iyo Maraykanka oo lagu qabtay magaalada New York.

DAAWO VIDEO

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here