Gabar Soomaali ah oo Islaamka ka baxday ka dibna sheegtay in Muslimiintu weerar ku hayaan [Video]

20

Gabadha lagu magacaabo Mona Walter waa gabar Soomaali ah oo diinta Kiristaanka qaadatay sanadkii 2006. Gabadhaan ayaa markii ay diinta Islaamka ka baxday ku dhaqaaqday cambaareyn ay u jeedinayso diinta Islaamka iyo abaabul ay u samaynayso isku xirka Soomaalida kale ee Kiristaanka noqotay.

Wareysi ay siisay telefishinka Sweden ayay kaga hadashay sida ay ugu nooshahay cabsi joogto ah iyo in Muslimiintu weerar ay ku hayaan. Waxay sheegtay in meelkasta oo ay tagto Muslimiintu ay aflagaado iyo weeraro kale ay ku sameeyaan oo in la dilo oo keliya ay u dhimantay. Xitaa gurigeeda ayaa waxaa ku xiran alaamka.

Sababta ay uga baxday diinta Islaamka ayay iska cadahay in aysan macquul ahayn in rabitaanka nolosheeda iyo shuruudaha Islaamka aysan is waafaqayn. Gabadhaan ayaa markii ay Soomaalia ka soo tagtay oo ay Sweden soo gashay sheegtay in ay doonaysay xoriyad iyo in ay u dhaqanto sida reer galbeedka balse arintaas uusan Islaamku ogolayn. Markii ay qaadatay diinta Kiristaanka  isla markaana y guursatay nin Swedish ah ayay sheegtay in ay dareentay farxad iyo xoriyad. Iyadoo sheegtay in Bible uu ka duwanyahay Quraanka. Waxay intaas ku dartay in weerarada ay Muslimiintu ku hayaan ay ku salaysan yihiin Quraanka.

Haweeneydaan ayaa ah mid waqtigeeda qeyb badan oo ka mid ah ku bixisa cambaareyn Islaamka iyo sidii ay Soomaalida uga leexin lahayd wadada Islaamka. Wareysi ay siisay wargeyska Dagen ee ku hala afka Kiristaanka ayay sheegtay in ay muhiimtahay in Islaamka isbedal lagu sameeyo. oo Soomaalidu ay fahmaan meelaha uu Islaamku daciifka ka yahay.

Gabadhaan iyo dadka la mid ah ayaa u muuqda in ay qalad ka fahmeen xoriyada. Inkastoo ay xoriyad u leedahay in ay doorato diinta ay rabto isla markaana ay tahay iyada iyo Allah arin u taala haddii ay Islaamka ka baxaysa iyo in kale , laakiin waxay qalad ka fahantahay in xoriyadu ay tahay in ay weerar joogto ah ku qaado Islaamka iyo Muslimiinta. Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta waxaa la gudboon in aysan waqtiga iyo sumcada isaga lumin in ay weeraraan dadka nuucaan ah maadaama taasi ay kordhinayso qaladadaadka laga fahansanyahay Muslimiinta isla markaana ay taageero ku helayaan dadka nuucaan ah ee diinta ka doortay dhaqaale iyo rabitaankooda nolosha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here