Gabar 9-jir Swedish ah oo lacag u aruurineysa abaaraha Soomaaliya [Video]

21

Gabadh 9 sano jir ah oo Swedish ah ayaa lacag gaaraysa 35,000kr u aruurisay caruurta ku tabaalaysan abaaraha geeska Afrika. Gabadhaan ayaa lacagta ka ururisay ka dib markii ay bilowday mashruuc ay ugu magacdartay (Bullhjälpen) oo macmacaanka ay ku iibinayso wadooyinka Stockholm.

Gabadhaan oo lagu magacaabo  Milla Martin ayaa sheegtay in markii ay waxbadan kala hadashay arinta abaaraha ka jira geeska africa waalidiinteeda ay go’aansatay in ay arintaan wax ka qabato iyadoo biloowday iibinta macmacaanka taasoo lacagta ka soo baxda ay ugu deeqday hay’ada Radiohjälpen oo gacan ka gaysanaysa abaaraha geeska Afrika.

Hawsha Milla ayaa soo jiidatay caruur badan iyadoo hada qeybo badan oo Stockholm ka mid ah ay bilaabeen caruur kale in ay iibiyaan macmacaanka si ay taageero ugu fidiyaan abaaraha. Xitaa arintaan ayaa soo jiidatay wasiirada dowlada iyadoo Axadii ay kala qeyb galeen iibinta macmacaanka oo lagu qabtay Sollentuna Centrum wasiirka isdhexgaka Eric Ullenhag iyo wasiirada horumarinta Gunilla Carlsson.

Gabadhaan yar ee ilaahay caqliga iyo dareenka ku manaystay ayaa barnaamijkeeda ku faafisay internetka sida bogoga Facebook iyadoo kumaan qof ay la dheceen hawsha ay qabatay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here