Gabar 14-sano jir Soomaali ah oo xanuunsan oo Sweden laga musaafurinayo

5

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa go’aan ku gaadhay in ay wadanka ka saarto gabar 14-sano jir Soomaali ah oo aad u xanuunsan. Gabadhaan oo u baahan daryeel caafimaad oo joogto ah ayaa iyada iyo hooyadeed laga musaafurin doonaa Sweden maadaama ay sharci ku leeyihiin Talyaaniga.

Gabadhaan yar oo lagu magacaabo Iman oo hada ku nool magaalada Göteborg ayaa la socota hooyadeed oo mudo sadex sano ah ku nool Sweden isla markaana ninkeeda uu wadankaan sharci ku leeyahay. Wargeyska Göteborgs Posten oo booqday gabadha yar ayaa soo bandhigay nolosha xanuunka badan ee ay ku nooshahay gabadhaan yar.

Laanta Socdaalka ayaa lagu eedeeyay in aysan naxariis u fiirin gabadhaan, iyadoo laga dalbaday in sharciga lagu siiyo sababo caafimaad balse waxay sheegeen in gabadhaan ay daryeel caafimaad ka heli karto Talyaaniga isla markaana hada aan Sweden laga saari doonin balse markii xaaladeeda hagaagto. Laakiin wax racfaan ah kama qaadan karto diidmada.

Iyadoo sharciyada Sweden ay ku taalo eegista danaha caruurta iyo in aan la kala qeybin familada ayaa arintaan keeni doontaa in hooyada iyo ninkeeda lakala fogeeyo. Hooyada gabadha dhashay oo lagu magacaabo Sahro Joha ayaa ninkeena Omar Raage Abdi waxa uu Sweden ku noolyahay 18 sano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here