Home News in English Fardosa oo ku guuleysatay Mudo 3 Bil ah in ay iska jarto...

Fardosa oo ku guuleysatay Mudo 3 Bil ah in ay iska jarto Culees dhan 11 KG.

0

Fardosa Abdi Farah oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somaliya isla markana ku nool dalka Sweden ayaa ku guuleesatay in ay iska jarto 11 Kg mudo Sadax Bil ah iyadoo aan isticmaalin wax dawo ah.

Warbaahinta Somaliska ayay ugu warbixisay qaabka ay ku gaartay guushan iyo waxa ku dhaliyay in ay iska jarto miisaanka intaasi la.eg oo dadka qaarkood ay ku adagtahay in ay iska jaraan.

Waxay sheegtay in marka ay yareyd ay laheyd miisaan ama hilib lakin marka ay soo weenaatay ay ku fakartay in ay iska dhinto miisaankaasi waxay intaasi ku dartay in miisaankeeda hore uusan aheyn mid weyn lakin uu gaarayay 75 KG halka maanta ay gaarsiisay 64.

Fardosa mar ay ka hadashey qaababka ay ku gaartay guushaasi ayay sheegtay in ay joojisay Cunista cunooyinka ay ku badanyihiin Maadada Fett-ka.

taasi badalkeeda ayay bilowday cunista raashinka ay ku yaryihiin maadada fett-ka iyadoo intaasi ku dartay in ay bilowday aadista jiimka isbuucii afar ama sadax maalin oo joogta ah.

Guulaha ay Fardosa Abdi ka gaartay dhimista hilibkeeda waxaa kamid ah in ay isticmaasho dharka ama bacaha loo yaqaano ( sauna suit weight loss ) waana dhar la xirto marka la sameenayo jiimka isla markana kaa keenaya dhidid badan.

Halka Hoose ka fiiri sawirka dharkaasi.

Jadwalka Cunada.

Cunada ay cunto jadwalkeeda ayay wax badan ka badashay iyadoo Subixii cunta cuna fudud oo kaliya sida tuxaaf ama cabitaanka loo yaqaano ( protein whey) kaasi oo aan gaajo ku qabaneenin marka aad cabto.

Waqtiga Qadada ayay ka dhigtay in ay cunto Cuno culus oo jirka siin kara Nafaqo madama aysan quraac feecan cunin halka Xiliga habeenkii ay sidoo kale cunto cunada Fudud sida (conflex) ama cunooyinka kale ee fudud.

ugu danbeyn ayay sheegtay in qofka uu markasta miisaanka iska dhimi karo lakin ay adagtahay in qofka uu is cayilsiiyo waqtiga uu rabo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here