Faraha & Indhaha oo laga bilaabay safaaradaha

24

Waxaa na soo gaaraya warar sheegaya in safaarada Sweden ee ku taala magaalada Addis Ababa ay bilowday qaadista faraha iyo indhaha. Arintaan ayaa waxaa noo sheegay dad kharaabadooda ogolaansho la siiyay kuwaasoo markii ay xareysanayeen baasaborka främlingspass laga qaaday faraha iyo indhaha.

ilaa hada ma cada ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay arintaan iyo in farahaan ay ku xiranyihiin nidaamka loo yaqaan Eurodac ee lagu eego faraha qofka magangalyo doonka ka dalbada Yurub. Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii xaqiijiyaan arintaan iyo in ay faahfaahin iga siiyaan ujeedada ka dambeysa balse wali jawaab kama helin.

Si kastaba ha ahaatee haddii farahaan ka soo bixi karaan wadamada kale ee Yurub ayay tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa Soomaalidii qaraabada ku imaan jirtay ee wadamada kale u sii gudbi jirtay. Qaadista indhaha ayay u badantahay in laga leeyahay ujeedo la mid ah mida faraha.

Haddii aan jawaab ka helo Migrationsverket, halkaan ayaan ku soo qori doonaa. Insha Allah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here