Duufaantii ku dhufatay wadamada waqooyiga Europe oo laga cabsi qabo in ay Sweden soo gaarto

6

Dadka dagan magaalada Gothenburg intoodii badnayd xili hore ayay guryaha ku xaroodeen gobolka Skåne-na waxaa la hakiyey gaadiidkii dadweynaha cabsi 51052[1]laga qabo duufaantii maantay galinkii hore ka bilaabatay UK , Netherlands iyo France darteed. Gothenburg dadka ku nool waxaa laga codsaday in xili hore qof walba uu guriga aado, waxaana si taasi la mid ah dhamaanba dad galbeedka Sweden ku nool oo dhan looga dalbadan in ay guryahooda ku sugnaadaan, waxaana la xiray dhamaanba meelihii loo madadaalo tagi jiray. Waalidiinta waxaa loo sheegay in ay caruurta waqti hore iskuulada ka soo wadaan, galabtay oo isniin ah ka dib markii saadaasha hawadu muujisay in duufaanta loo baxshay Storm St. Jude Sweden ku soo wajahantahay.
Hay’ada Swedan u qaabilsan sidaasha hawada, SMHI ayaa heerka digniinta gaarsiisay heerka 3 oo ah heer khatar ah, waxay website-kooda ku qoreen ” Duufaanii digniinteedu nambar 3 gaarto waxay bulashada u keeni kartaa qatar culus waxayna sababi kartaa qal-qal dhanka habsami u socodka bulshada ah. ”
” Gudaha ku jir hadaad awoodo . Banaanku halis buu noqon karaa ,” saana waxaa tiri Eva Strandberg oo ah khabiir dhanka cimilada ah waxayna intaa raacisay in ay filayso in roob dhulka ka sara mara in kabada 40 milimitit uu ka da’o dhanka galbeed ee Sweden.
Gobolka Västra Götaland ayaa la sheegay in uu bilaabay in uu isku diyaariyo sidii uu u hawl gali lahaa hadii xaalad adag dhacdo waxaana ay diyaariyeen ambalaasyo iyo qalabka kale ee gurmadka deg-dega ah ” waxaa haboon in aad haysato batari,toosh, kabriid iyo agab kale ayey ku sheegeen war bixin maamulka gobolku soo saaray ” Labada shirkadood ee korontada Eon iyo Vattenfall waxay dalbadeen shaqaale dheeraad ah waxayna ku tala galeen in wax un dhici doonaan.
Dufaantaan ayaa inta la ogyahay sababtay dhimashada 3 qof waxayna kuronto la’aan dhigtay in kabadan 220,000 guri oo UK ku yaala iyo 75,000 kale oo France ku yaal, waxayna saamayn ku yeelatay Britain , France , Netherlands, Germany , Denmark, waxaana laga cabsi qabaa in ay soo gaarto Sweden iyo xeebaha Finland oo laga yaabo in ay gaarto talaada galinka hore .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here