Dukaamada Expert oo qasaaray iyo xaraash la samaynayo

Dukaanka lagu iibiyo qalabka elektorooniga ee lagu magacaabo Expert ayaa qasaaray. ilaa 73 dukaan oo uu leeyahay Expert ayaa irdaha la’isugu dhuftay iyagoo dhamaadka isbuuca la filayo in ay sameeyaan xaraash.

Sababta ka dambaysa qasaarada dukaamada Expert ayaa maamulka shirkada ku sheegeen in ay tahay suuqa oo ciriiri ah iyo dukaanka oo mudo badan qasaare ku jiray. Bilowga isbuucaan ayaa maamulka dukaanka waxay maxkamada Linköping ka codsadeen waxa loo yaqaan (konkursansökan) oo ah in dukaanka uu uusan daymaha iska bixin karin.

Shaqaale gaaraya 80o qof ayaa ku shaqo beeli doona qasaarada Expert. Balse arinta xiisaha leh ayaa ah in isbuucaan dhamaadkiisa Jimcada ama Sabtida uu Expert xaraashi doono dhamaan waxyaabaha yaala dukaamada. Xaraashka ayaa la filayaa in dadku ay qiimo jaban ku qaadan doonaan alaabada kala duwan sida kombutarada, telefishinada, moobeelada iyi iwm.

4 comments

  1. hanna

    Waaaaaaaaaaaaaw yaabo helikaro dukaan qayaaray iga fiiri albaabkaas Expert waa dukaan aankahelo lol

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. xamad

    saaxiibayaal waxaan doonayaa inaan la wareego dukaanka isaga oo alaabata iigu celinaya qiimo macquul ah oo jaban marka yaa diyaar u ah in uu uu igula shirko waxaan insha allaah ka heleynaa faaiido waa dukaan aad u wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  3. Somali

    Aad ayaan kuugu mahadcelinayaa Jimcaale waayo maba ogaadeen dukaan kaan dhan ee wax soo jabinaayo xataa xayaysiiskiina waa iska xiray markaan kaheli waayay wax la soo jabiyay shukra walalkeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. iftin cabdullahi

    Waa yaab waa aragti gaab nidii iyo aqoon xumadii aduun yadu nugulayaabtay dadka yiri waan kahelaynaa iyo waan ku faraxnay shirkad ama dukaan kacay walow aan maalin kasta lakulano dukaaman alaab soo jabinayo oo baahi umaqabno wax aanu halmar gadano eemuhiimadu waa inay dukaamadu shaqeeyaan oo canshuurtana dhiibaan cayr gurato dalkoodii soogubay oo hadana kay yimaadeen musalif laraba alow alle talo xumo waa mida halkaan nadhigtay hadana dukaanku waxa uu dhiibijiray canshuur shaqaalaha dareerayna waxay dhiibi jireen can shuur idinkaana laydin siiyaa soomaaliyey fakara sifiican

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga bulshada Soomaaliyeed ee Sweden. Kala soco wararka Sweden.