Dowlada Sweden oo lacag badan u qoondaysay Soomaalida cusub

13

Dowlada Sweden ayaa lacag gaaraysa 1,3 bilyan oo karoon u qoondaysay in lagu soo dhaweeyo Soomaalida cusub ee lala mideynayo reerahooda ku nool Sweden. Lacagtaas oo la siin doono kamuunada ay ku soo degaan dadka cusub ayaa waxaa la bixin doonaa mudo 4 sano ah.

Dowlada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dadka cusub ay ka mid noqon doonaan Xafiiska Shaqada oo siin doona lacagta iyo in ay ka caawiyaan shaqo raadinta. Qiyaastii ay dowladu ku dhawaaqday ee ahayd in 20.000 ay imaanayso sanadaha soo socda ayaa hada laga dhigay 4000 oo keliya.

Kamuunada ayaa horay uga qeyliyay in aysan lacag u hayn Soomaalida cusub ee imaanaysa. Arinta dhibaatadu ka taagneyd ayaa ahayd in marka Soomaalida ay u dhamaato labada sano ee ay ku jiraan xafiiska shaqada ay galayaan sanduuqa cayrta ee kamuunada. Sidoo kale waxaa qarash u baahan caruurta, arimaha waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

Kamuunka Köping oo ka mid ah kamuunada ay degenyihiin Soomaalida badan isla markaana la filayo in qaar badan ay yimaadaan ayaa soo dhaweeyay arintaan.

 Waa u baahanahay lacagta. Waxaan leenahay dad waxbarashadooda ay aad u hooseyso ama aan waxbaran oo waxay qaadataa muddo dheer in ay shaqo helaan. Waa talaabo hore loo qaaday in dowladu fahantahay in uu qarash ku baxayo – Ayay tiri Elizabeth Salomonsson oo ah gudoomiyaha degmada Köping.

Dowlada ayaa 4 sano ee soo socota waxay u bixin doontaa lacagta sidaan. Sanadka 2013 waxaa loogu tala galay 375 milyan, 2014 waxaa loogu tala galay 450 milyan , 2015 waxaa loogu tala galay 300 milyan iyo  2016 oo loogu tala galay 200 milyan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here