Dowlada oo qorsheynaysa in la xadido mudada SFI-ga

sfi-somaliska

Dowlada Sweden ayaa la filayaa in bisha September ee nagu soo aadan ay soo bandhigto qorshe lagu xadidayo mudada dadku ay dhigan karaan koorsada lagu barto afka Swedishka ee lagu magacaabo (Svenska För Invandrare – SFI).

Qorshahaan oo ka dambeeyay baaritaan ay dowladu sameysay sanadkii hore, kaasoo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarashada SFI-ga isla markaana ay dadku waqti gaaban ku dhameyn karaan. Ayaa lagu soo bandhigayaa in dadka loo ogolaado in ay SFI-ga dhigtaan 2 sano oo keliya. Marka labada sano dhamaato ayaysan cadeyn halka loo diri doono qofka. Ma waxa uu gudbi doonaa  waxbarashada dadka waaweyn ee (Komvux), mise hawl kale ayaa loo diri doonaa?

Dowlada ayaa aamisan in sida hada uu ku socdo SFI-ga uu yahay mid aan hufneyn oo dadku ay mudo badan iska fadhiyaan fasalada, lacag badana ku qasaarto. Dowlada ayaa muhiimada siineysa in qofku uu shaqo raadsado inta uu ku jiro SFI-ga.

Qorshaha dowlada ayaa waxaa dhaliilay qaar ka mid ah macalimiinta SFI-ga oo sheegay in aysan macquul ahayn in dadka oo dhan ay ku dhameeyaan 2 sano. Qaasatan dadka aan horey wax u soo baran oo dhibaatooyinka dagaal ka soo cararay. Balse dowlada ayaa u muuqata mid aan ka fikirin arintaas. Xitaa waxaa ku jira qorshaha in haweenka caruurta haysta ay waqti la qeyb sadaan ragga caruurta dhalay si ay waxbarashada u wataan.

Hadaba waxaan ka war sugnaa waa in dowladu ay soo bandhigto go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan arintaan. Sidee u aragtaan in SFI-ga lagu soo koobo 2 sano? Ma aamisantahay in aad ku dhameyn karto labo sano, haddii aad hada dhigato?

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

27 Comments

  1. Ibrahim said:

    wlh way ficnanlahayd in sfi lagu dhameyo labosano waana soo dhaweynena

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • ABDI HAKIM said:

      HAA WAAN AAMINSAHAY INAAN LABA SANO KU DHAMEEYO.WAA LUUQAD AAD U FUDUD HADDII QOFKU DADAALKA AY DAWLADU LA TIMI MID LA MID AH LA YIMAADO,QOFKUNA HADAANU DADAALIN WAXBA MA BARRTO,LABA SANO WAX KA YAR BAA LAGU DHAMEYN KARAA QOFKII XIL ISKA SAARA

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. omar said:

    Asc dhamaan muslimiinta meel kasto ay dunida ka jogaan gaar ahan soomalida walaal jimcaale wad mahadsan tahey aniga waxa ay ila tahey in luqanadi ay tahey luqad dhib badan haduu qofka ugu tala galana waxaa lagu dhameyn karaa 6 bilood waa qofka hore wax usoo bartey in kastoo ay jiri karan caqabado yar yar oo ka mid ah tusaale ahaan qofka hadii uu yaqaano english wax walbo uu u baahdo waxa uu isticmaalayaa english taas oo hadhow ay ku adkaaneyso siduu uga gudbi lahaa dhameynta luqada swedishka ah mida oo ah macalimiinta oo aan kuu hagar baxeynin ayagoo doonayo in aad iska dhex fadhiso schoolka halka soomaalideena qaarna ay ku qanacsan yihiin ayagoo daliishanaaya hadii aanu dhameyno SFI waxaa naloo diraa CNS taas oo ka qarash yar mida ceyrta laga qaato CSNKANA aysan ka bixineynin hadii aad guri leedahey intaas caqabadood iyo dhib jiraayi waxa wanagsanaan laheyd in dowlada ay u baahan tahey in ay wax badan ka badalan wax u qabashada soogalootiga tusaale qofka hadii ay baraktik u diraan oo uu ka helo shaqo wacwacasho ah in aysan ka goosan lacagta uu ka qaato dowlada maadama ay ku dhiiri gelineyso in uu qofkaas shaqeysto ugu danbeyntiina uu ka maarmo ceyrta taas oo xataa qof uu ka helaayo inuu ku braktikgeeyo luqada ileyn school aan laguu hagar baxeyn waxba laguma bartee wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. aw nabad said:

    haa waan aaminsanahay in lagu dhamayn karo laba sanno, hadii qofku dadalo, gaar ahaan, dadka dhalinyarada ah,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. rashka said:

    Asc aqyaarta dhamaan.Waxaan filayaa wax cusub mahan in SFI-ga lagu dhameeyo waqti kooban waayo magaalada aan daganahay qofka waxa uu xaq u leyahay 525-550 sacadood.Haddii ay ka dhamatana badanaa qofka iskuulka waa laga buriyaa oo muddo ayuu sugaa kadibne qofkii u bahan dib ayuu u soo codsadaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Ar day said:

    Asc aniga waxan aminsannahay swedhish in ow yaay luqad aday waxaysa ku xiran tahay sida ad u dadasho aniga waxan ku dhameyay 1 år lakin way jiran dad badan oon aqano oo 5 sano dhiganayo sfi hadane loo turjumo dukanka wax laga gato isfahmi karin csn wan qata wax isbadal ahne ma ila so darsin ee somali hadi an nahay ayan rabin in an wax barano

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. najmo hasan said:

    asc aniga ma qabo in lagu dhameenkaro sfi 2sano walow ay dadka aysan isku mit ahayn oo ay jiraan dad da,wayn dad aan wadankooda wax ku soo baran marka waxaan dhihi la haa halasiiyo janis dadkaas aniga hadaan iska hadlo waxaan ku dhameyayay 1 sanoiyo6bilood. marka waxaan qabaa ha loo asxaanfalo dadka caruurta haysta iyo dadka da.da ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. xirsi said:

    asc dhaman wan idin salamay runtu luqada walugu dhamen karaa 2 sano wax kayar weliba laakin runta waxay tahay sfiga waxaa qofka fasaxo macliminta kuma xirna qofka inuu wax barto ama inuu wax baranin qofki ay maclaminta ay ka helaan wuxu ku dhamenaa wax ka yar 6 bil runti waxaan arkay aniga ahaan qof dhahayo waxan dhameyey sfi hadane aan hadli karin ama aan xalin karin wax uu rabo oo qof kale oo luqada dhamenin cawinayo marka yaanba lesku mashqulin sawabto shahada sfi ga wuxu gacanta ugu jiraan maclinkada marka sidaasi ula socda waxaan dad badan oo imtixan wada galay wax basane aan la arkin hadan intay raban way siyeen shahada intay rabaan way u diideen marka aniga waxaa talo ila ah in aad adiga nafsiyen oo barato luqada oo aadba isku xirin sfi iyo wax la mid ah dadka hadii aad dhaxgasho ama aad fiirasato tvga waad baraneysaa marka intaasi ayaa talo iiga ah wbtq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdirahman said:

    aniga ahaan waxaan aamin sanaha inlagu dhameen karo 2 sano kayar hadaa dadaasho qof walbo waxey ku xiran taha dadaal keeda waan soo dhaweynaa arintaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Maxamed Qatarooz said:

    2 sano wey badan tahay qofkii horujeed ah wuxuu ku dhameyn karaa Sfi hal sano ,, wallahi dadkaan hadii la dhihi lahaa hadaad intaas ku dhameyn weysaan Sfi ga lacag dhan ma la idin siinaayo wallahi habeen iyo maalin ayay aqrin lahaayeen kuna dhameyn lahaayeen Aniga Sfi Iyo Komvux 18 Bilood Ayaan Ku Dhameeyay ,, War Hana Ceyninee Dhiig Isku Yeela

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. ali said:

    ASC WALAALAHA MUSLIMKA WAXAAN KAWAAYEY QOFTIRAA ANIGU WAAN KU WAREERAY EE MIYAA LAFAANAA MISE WAA RUNTIIN AF AADAN UDHALAN LAGU DHAMEEY KARO 1 SANO AMA 6 BIL EE AAN RUN ISKU SHEEKNO ANIGUU WAXAAN DHIGAAYEY 2 SANO WELINA WAXAAN KU JIRAA C, WAANA KU DHACAY , MANA AQAANO ENGLISH , EE MAXAAN SAMEEYAA HALA II SOOQORO HJÄLPSAM
    CALAASHAAN CAAWIN TALO BIXIN WALAALAYAAN ASC,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Abdullahi said:

    This the first that i commenting in this Website. Much Thanks and bra jobbat Jimcaale!

    Waxaan Aminsanahay in lagu Dhamayn karo Wakhti Gaaban. Qofku marka oo bilaabayo Wax barashada Wax la Dhaho SMARTMÅL PLANERING in oo samaysto weyaan.

    Personligen aniga waxa ay egu Qaadatay ilaa 4 bilod in ann ku dhameyo. Iyo Dad badan oo dagan magalada ann daganahayna sido kale. So waxa ann Amminsanahay qofku hadi oo SMART MÅLPLANERING oo samaysto inoo Guul Ka gaadhayo Hadafkisa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. jeekey said:

    asc walaha somaliyeed ramadan kariim waxaan anigu qabaa in ay fiican tahay in la waqtiyeeyo sfiga waayo wax aan waqti lahayn waa wax aan qiima ku fadhin saas darteed waxa amuhiim ah inuu waqtiyeesnasdo sfiga dadka waxay ay samaayn lahayen inay kudadalan inay ku bartan dhaqsi lkn ahaday noqoto arainta inleska fadhiyo muddo badan taasi ma fiicna sidee ila tahay aniga waxii ron rabiyaa og

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Mohamed said:

    Asc wr wb walaalaha soomaaliyeed dhamaantiin Ramadan karim waxaan anigu qabaa in dadka loo kala saaro labo laguna xidho da´a cayiman , waayo dad waxay isgugu jiraan dad waa weyn ah oon wax fahmikarin si dag dag iyo dad yar yar oo oo si dag dag ah wax u fahmi kara , oo xataa ku dhamayn kara bilo yar . markaa hala kala saaro dadka ..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ibraahim said:

    ASC dhaman waa idin salaamey shaqaalaha somaliska.A niga waxaan amin sanahay in lagu dhameen karo 2sano yio wax kayar .Qofkii rabo in uu horey usodo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. jaamac dheere said:

    aniga waan la qabaa fikirkaas waayo dadka waqtiga in laga qaado ma ahan tusaale ahaan aniga SFI waxaan ku dhameeye 7 bilood qofka haduu ku dhameen waayo 2 sano xal kale waa in loo helaa oo wax kale ku baran karo ama uu shaqo loogu abuuri karo ama uu ku heli karo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. deeq said:

    war waa dad walan aniga waxaan daganaahy sweden 11biloow ayaan wax barnayay waliba sfi C ayaan dhameyay kadib waqtika aa kadhamaday ayaa layku dhahay dadkii iskumar wax bilawnay waa dhigtaan marka waan layabay sida ay u shaqeyaan dadkaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. fatima said:

    abdulahhi luuqadaada hooyo alaha kuu maceeyo eedo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. somaalidhaba said:

    haybad waxaad ku leedahay afkaaga hooyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. abdi mohamed said:

    is badel waa uu fiican yahay yaan laga hor dhicin qorsha ah dowlada.SFI LAFTIGIISA AYAAN LUGOYO U ARKAA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. taakow said:

    ASC dhaman waa idin salaamey shaqaalaha somaliska iyo dadka ku xiran somaliska.com aniga sfiga waxaan ku dhameeyey 3 bilood laakin magaalada aan degan nahay ayaa ka fudud sfiga waayo skoolka sfiga ayaa la sugayaa 4 bil ilaa 6 bil´marka wey u qasbanyihiin qofka asagoo diyaarsaneen inay siyaan shahaadada sfiga ileen ardeyda ayaa ku badan, walaal yaal qofkii doonaaayo inuu luqadaan meel iska saaro ha u guuro kommunada aya ka fudadyihiin sida fagersta ama Eskilstuna iyo ETC Waayo hadaad inyar kusoo xirtid waxii kale waa iska easy, det er mit råd, tack ock hej!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. taakow said:

    Aniga waxaan isku garuubka eheenay waxay kusoo xireen sfiga inta u dhaxeyso 3 bil ilaa 6 bil marka runtii waxaan guushaasi ku gaarnay skoolka oo dad badan sugaayaan waayo galaaska naluguma haayi karo eleen dad ayaa saf ugu jiraan skoolka xiliga ay bilaabi lahaayeen waa inaa anaga nala fasaxaa sidaasi weye arinku ASC AQYAARTA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. taakow said:

    Aniga waxaan isku garuubka eheenay waxay kusoo xireen sfiga inta u dhaxeyso 3 bil ilaa 6 bil marka runtii waxaan guushaasi ku gaarnay skoolka oo dad badan sugaayaan waayo galaaska naluguma haayi karo eleen dad ayaa saf ugu jiraan skoolka xiliga ay bilaabi lahaayeen waa inaa anaga nala fasaxaa sidaasi weye arinku ASC AQYAARTA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. duceysane said:

    Asc dhamaan asxaabta waa ok laakiin waxaan dhihi lahaa ha sameeyaan qorsha kale oo dhamaystir ah sida in ay dadka laba ama saddex sano ay u balan qaadaan shaqo si uuu uga maarmo iskool iska fadhigaa markaas aqoontiina way u sii siyaadi dhaqaalaha kiisa iyo kan wadankana wuu kordhi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. anas yare said:

    haa lkn waxaa fiican in la is taageero oona lagu dadaalo wax barashada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. aryaana said:

    asc alla aniga waxan qabaa in lagu dhmeenkaro 2sano waa qofkii dadaa una bahan in u mustaqba yeesho waxan ku takinayaa in ay somalida jaaniska ka fa idestan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Comments are closed.

Top