Dowlada oo doonaysa in ay xirto iskuulada SFI

23

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu doonayo in albaabada laysugu dhufto iskuulada lagu barto koorsada SFI-ga. Dowlada ayaa doonaysa in SFI laga dhigo qeyb ka mid ah iskuulada dadka waaweyn ee (Komvux).

“Haddii aan SFI u wareejino waxbarashada dadka waaweyn waxay fududaynaysaa in koorsada lagu saleeyo baahida ardada iyo in ay la wadaagaan shaqo ama baraatiik” ayuu yiri wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag.

Dowlada ayaa intaas ku dartay in ardada la siin doono fursad ay ku doortaan xiliga ay koorsada luuqada qaadanayaan, iyadoo dhamaan kamuunada waajib looga dhigi doono in ay habeenkii koorsooyinka bixiyaan. Ullenhag ayaa intaas ku daray in ardadu ay sidoo kale heli doonaan fursad ay isku dhex qaataan koorsada luuqada iyo maadooyin kale ee dugsiga hoose ama sare.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ardada doonaysa in ay jaamacadaha dhigtaan tusaale ahaan ay halkii lagu qasbi lahaa in ay SFI soo dhamaystaan, ay toos u qaadan karaan waxbarashada sare iyagoo dhigta Swedishka.

Sidee u aragtaa qorshahaan cusub? SFI in la xiro oo lagu daro Komvux?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here