Home Wararka Denmark Dowlada Denmark oo Afar Sano Xireysa Waalidka Caruurtooda u dira Dugsiga Quraanka...

Dowlada Denmark oo Afar Sano Xireysa Waalidka Caruurtooda u dira Dugsiga Quraanka Dalka Dibadiisa ah..

0

Dowlada Denmark ayaa dooneysa in mudo Afar sano ah la Xiro waalidka ubadkooda geeya Dugsi Quraan oo Dalka dibadiisa.

Wasiirada Soo galootiga Dalka Denmark inger støjberg ayaa sheegtay in ay dooneyso in mudo Afar sano la xiro waalidka Caruurtooda geeya dugsiga Quraanka ee dalka Dibadiisa.

Wasiirada ayaa intaasi ku dartay in Waalidka Falkaasi sameeya aysan ixtiraam u heynin dhaqan nololeedka Denmark isla markana ay dhibaato u geysanayaan Nolosha Caruurta ee dhanka koritaanka.

Sida ay shaaciyeen warbaahinta,  Dowlada Denmark ayaa lamid ah kuwa Norway oo Bilihii u danbeeyay baahinayay Caruur somali ah oo lagu celiyay Dalkooda si ay u soo bartaan Quraanka kuwaasi oo kala kulmay jirdil inta ay ku guda jireen barista Quraanka.

Hadalka wasiirada ayaa dood ka dhaliyay gudaha Dalkaasi madama ay adagtahay in Sharci ahaan waalidka lagu xukumo Ciqaab intaasi la eg.

Somaliska Copenhagan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here