Dowlada Denmark oo adkaynaysa bixinta sharciyada

1

Dowlada Denmark ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu adkaynayo sharciyada la siiyo qaxootiga. Denmark ayaa bilaabaysa in dadka qaxootiga ah la siiyo sharci 1 sano ah oo ka dibna qiimeyn lagu samayn doonom, iyadoo dadka lagu celin karo wadankooda marka uu dhamaado waqtiga.

Haddii xaalada wadanka aysan degin ayaa sharciga lagu dari doonaa 2 sano, iyadoo markaas ka dib qiimeyn lagu samayn doono. Dowlada Denmark ayaa sheegtay in tirada qaxootiga imaanaysa wadankooda ay xad dhaaf noqotay. Sanadkaan ayaa 7,900 qof iska dhiibtay Denmark taasoo ka badan tiradii sanadkii hore. Marka loo barbar dhigo tirada qaxootiga ee timid Sweden sanadkaan ayay kor u dhaafaysaa 50,000 qof.

Dowlada Denmark ayaa sheegtay in bixinta sharciga rasmiga ah lagu qiimeyn doono xaalada shaqsiga, balse inta badan dadka hada iska dhiiba wadankaas aysan haysan dhibaato shaqsiyeed ee wadankooda lagu celin doono marka dagaalka uu dhamaato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here