Dood ka dhalatay habeenka arooska iyo bikro jabinta

Dhaqaatiir ka tirsan cusbitaalada Sweden ayaa waxay kula taliyeen dumar ka soo jeeda wadamada dhaqanka bikrada laga xushmeeyo in ay xirbad isku mudaan si ay ninkooda ugu muujiyaan in ay bikro tahay. Arintaan ayaa dood dhalisay iyadoo dhaqaatiirta lagu dhaliilay in ay taageerayaan dhaqan qaab daro ah.

Wadamo badan oo ka mid ah bariga dhexe iyo aasiya ayaa aad looga xushmeeyaa xuubka bikrada ee gabdhaha iyadoo raggu ay doonayaan in habeenka ugu horeeya ee galmadu dhacdo in gabadha dhiig ka yimaado, haddii aysan taasi dhicin ayaa sharaf dhac ku imaanayaa gabadha iyo reerkeeda.

Sanadihii dambe ayaa waxaa xitaa soo baxay dhaqaatiir qaliin ku sameysa dumarka kuwaasoo u saara xuub bikro. Arinta yaab ka leh ayaa ah in rag badan ay iska tuntaan oo iyaga aysan cidi ku xirin in ay bikro yihiin, halka ay doonayaan in ay guursadaan gabdho bikro ah oo keliya.

Hadaba sidee idinla tahay, ma wanaagsantahay ninku in uu bikro dalbado isaga oo aan laftiisa bikro ahayn?

44 comments

  1. faa,id

    Waa anshax xumo wax laga hadlo maahin waa uun in ninka iyo naagtuba dhowr soonaadaan labaduba!!!!!!!!!!!!!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 3

  2. mohamed aweys

    waad salaamntihiin dhamaan
    waxeyna ila tahay in labdii is aaminto oo nolosha wadaagto
    ee si walboba ee isku adkeestaan iskuna ceeb qariyaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  3. ramla

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 17

  4. Runta lagama Leexdo

    salaan dhaamaan Jimcaale waxaan kaaga mahad celinayaa inaad fahantey in bulshada u baahneen kaliya war Sverige ku saabsan laakiin eey u baahan tahey xitaa Nolasha qooyska. Tan kale fakerkeyga wuxuu yahey gabar ayaa cid dhan korinayeen mudo 15 ilaa 17 ilaa 20 sano intaa Hooyada iyo aabaha wax kale maqan jirin waxey u arkayeen gabdhooda iney tahey mid dhoorsan weyna ogaa yeen maalintey dhalatey iney tahey gabar bikro ah hadaba waxaa is weydiin mudan habeen ka gabdhaas lakulanto odeygeedii maxaa cidaasi suyaan waa in la yiraahdo qeylo kama yeerin ubuxii aad bar baariseen Allah ajar ha idiin kasiiyo hadii arin kaas dhici waayo habeen kaas oo qoftii sidaa loo kool koolineyey eey noqoto ukun fuunto ah ileen hadii aad is ag dhigto 2 ukun oo midna fuunto tahey midna cusban tahey lama kala garanaayo ilee la wada jibo mooyane, hadii gabdhaasi habeen kaa fuunto noqoto ceebta kaligeed malahn reer kiina wuu lee yahey allah nama tusee midaas baalaya qabtada camal oo meeshey rabto soo mari jirtey waalidkeedna ceebeysey, marka walaashey Ramla gabdhaha waa xur laakiin lama dhihin meeshaad rabtaan lamara dahabkiina ileen raga waa bahalo mana daayan hilib dayacan .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 2

  5. Aden

    bikradu waa wax illahay abuuro gabadhii bikro ahna waa mid dhowrsoon tolninka wax latolo taasi mahan bikro ee waa ujeedo kale
    Ragu waa dameer baadi ah intooda badan waana qalad in laan lala xisaabtamin qofka hadii aan sharci gabana waa arin yaableh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  6. rashka

    a.s aqyaarta dhamaan aniga ra’yi ahaan waxay ila tahay iney wax cusub mahan oo xitaa somalida sameyaan, dhaqankii somalida hore ayaa waxaa mid ahaa in gabdha habenka la guri geeyo , subaxa dhiga la soo booqdo. waxa calamada u ahaa go’ cad oo dhig ah hadii la arko iney cadeyn u tahay in gabdhaas ay bikro ahyed, haddii ay bikro noqon weyso ninka waxa uu albaabka guriga ka qodi jiray god yar taas oo micnaheedu yahay ineysan gabdha bikroaheyn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. kaah bari boy

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 10

  8. Nimco

    ASC dhamaantiin aduunyada waxa ugu xun hadal aanan xigmad lahey alaha naga koriyo midaas waxaan aad ula yaabanahey nin kaan wata ( kaah bari boy ) walaaloow waxaan kaala yaabanahey ma 8 jir ayaad tahey uma egid nin garaad lehe markasta oo fikrad laga hadlaayo waxaad tahey mar aad gabdhihii ku ceeyso Qabiil iyo deegaan marna aad ku ceeyso xubnaha jirkooda midna hamoogaan waxaad soo qoreyso dadka aqrisaanyo waxey ubadan yihiin dad wax bartey hadana dad waaween ah mana ahan 8-10 jiryaal ee bal xishoo oo sidaan isu dhaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 20 Thumb down 1

  9. Nimco

    dadkaba wey hadlayaan kaliya looma hadlee xigmad iyo wax daku fahmi karaan ama ka faa’deysan karaan sheeg hadii kale iska aamus sidaa baa ajir ka heleysaaye ileen xadiis ayaa aha Qofkii allah iyo Rasuulkiisa SCW rumeysan wax qeerleh sheeg ama iska aamus.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 1

    1. supper

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

      1. Gnosjö

        Asc dhamaan, mida kale walaalka la magac baxsaday Supper gabadha walaashaa waxa oraahda aad ku qabsatay waa xadiis ee ma ahin xikmad lasoco hadii aan kusoo xasuusiyo qeybta hore ee xadiiska wuxuu ahaa: Man kaana yu’minu billaahi wal’yowmi Al’akhiri fal’yaqul khayran aw liyasmut… waana xadiis sidaa u garo akhii, sidaa sheegtayna balanteenu waa barashada diinta. Shukran

        Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

      2. Mohammed

        Super, Nimco weey sax santahay waana xadiith kasugnaaday rasuulkeena SCW wuxuu kuyaalaa kitaabka arbaciinka ah ee imaamu nawawi waxaana isku waafaqsan bukhaari iyo muslim: Qofkii Allah iyo maalinta qiyaamaha rumeeyay khayr hakuhadlo ama ha iska aamuso. Kaah bari boy Illahay kabaq xishoodkane wuxuu kamityahay iimaanka!

        U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. Ragiihore

    Wlahi aniga ahaaan, maqabo in ladabagalo wax lagasoogudbay oo ah waxii kahoreeyey adiga iyo gabadha aad wadaageysaan nolosha, lakin habdhaqanka xiliga aad wada socotaan kabilowda ookaliya xoogaa saaar wanaageeda iyo daveecadeeda, lakin hadaaan dhahno maxaad soosameynjirtey gabdho badan oo waarid sookoriyey waqtibadana lagusoo lumiyey ayaaa daaqada kabaxaya, waan wada ognahay kii nin ahaaa habeen walba gabar ayuu agfadhiyaaa, shaxaaadayaaa, barayaaa waxaysan aqoon, xataa caqliyan ama diiniyan ayaaa qabta inaad qofka xumaanta uu kudhexjiro aad kasaaarto, nimanbaaa kasoo wata gabdho clubyada guursadayna noqdayna kuwo wanaagsan, marka aniga waxaan idin dhihilahaaa majiro nin somaliyed oo jecel in walaashiis habeenka aroooska subaxiiisa loosoo ceyriyo oo ladhaho way furneyd, caqliguna maqabo qof xanuunsanaya ama dhiig kasocdo inaad garuun dabada kala socoto qofkii oo dhiigbaxaya,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Raaqia

    asc/ wad salaman tihiin bahada somaliska intaa hadan soo dhafo arintan cawa laga hadalayo waa sida uu u shegay walalaka RUNTA LAGAMA LEXDO hadan u soo labto tii ninka aan bikrada ahayni ma inuu raadiyo inan bikrada miyaa waxan leeyahay maya maha inuu radiyo inan bikrada waayo siganba ahayn haduu ka wayo gabdha bikirkii maha inuu ku ceebeeyo waayo isaguba waa la mid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. aabbe

    waayo araga markiisa halooga wareego, alaah wuxuu yiri azzaaniyu laa yankixu ilaa zaaniyati, taas macnaheeda waa zaaniga ma guursanayo ilaa naag zaaniyad ah mooyee. Teeda kale hadii god dheer afka xaabo laga saaro maxaa dhacaayo, yacni waxaa la mida inantii isku dayda iney isfarsameyso awal ayadoo banoonigeeda iska soo baleejeysan jirtey, incase hadii aad la kulanto qof saas ku dhacdey waxaa haboon in aad aqbashid, waxaan hubaa in ay maanta joogaan hooyooyin badan oo soo baashaaley guurkooda ka hor maanta maamooyin ah, xaqna waxey u leedahay in ay dhaqanto, tan ah wiil asagaba gabdho dadoow soo baleeyey see u rabaa gabar nadiif ahna waa cadaalad daro qof laguu soo cayaarsiiyey uunbaa jazadaada ah waana heli. Marka dumarka haloo naxariisto, incase tii wax ka halaabeena nasiib darona ha qirato oo yeysan dhihin geedaan ka soo dhacay, gambaraan salka ku dhufsadey habartii i gudeysaa si xun ii toshey anoo saqiiraa wiil dariskaa igu falaadey. IWM.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  13. aabbe

    halka arin oo aan ku darsanaayo waa in wiilka xiliga uu amooraha soo jilayo uu iska soo kasbeeyaa qorta si waxuu hubo u guri keensado, waxaana hubanti ah iskastoo naxariista ay fiicantahay hadana in ay raad kugu yeelaneyso oo waswaas, cunugaan sanka dheer iima eka tii maanta macaamiisheedii hore mey raadsatey, xitaa inaad cuqdad ah qofka armeysa ku qanacsaneen cayaartaada coz naag ninkii dhiigeeda ku soo qubeystey uunbeey nin u taqaanaa, maybe hadana raganimo kaasho oo aqbal. Aan ku soo xirayaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  14. Qaboobe

    asc dhamaan ragoow waxaad haleysay hadana adiga inaad ceeb kasheegto maaha gabar yaroo maskiina intaad u oysay hadey beer jilacdana ku ciyaartay inaan hadana ku ceebeyso qalad waaye gabdhahana waxaan dhahaa wiilku markuu isukaa jilciyo shimbir ookale waaye yur iska dhaha tii kuftana bila qarsoodiyahaan soomaray ayaa kuu furane bikro aadan aheyn haysku sheegin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  15. Cabdiwahaabyare

    Asc dhamaan walaalaheeyka Soomaaliyeed , hadii aan ka hadlo fikirkeeyga aniga wexee ila tahay in aaanan sharafta gabar Somaliyeed la ku cayaarin sabab too eh gabdhaha waa loo seex seexanayaa ayadana weey aamineeysaa dabadeedna wuu ku boodayaa Zaaniga wlhil cadiim waa wax laka dhinto in gabar walashaa eh mustaqbalkeeda nin ku cayaaro adiga oo nool marka Adiga maxaad ugu cayaareeysaa mid aaad adiga ka dhiman laheed tan kale Gabadha Somaliyeed dhib walbo oo ku dhacaba wee heleeysaa calafkeeda weeyna heleeysaa farxad iyo nolol wanaagsan wiil la qeebsado insha’allah weena noqoneeysaa Hooyo somaliyeed lkn adiga mar intii aad u seexseexatay gabadha sharafteeda ku dheelayoow maxaad ayada uga carareeysaa maad guursatid ayada ileen waad ogtahay in la guursan doono e. hadaba aan dadaalno dhalinyarooy aan Allah ka cabsano wsc ww waana maahsantigiin dhamaantiin Viva Gabdhaha Somaliyeed

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Abdiraxman

    Asc all dhalinta somaliyed arinta bigrada wadhagan ismal hadan usolabto tan jimcale oo ah raga bigrada raga gar baa erid qaldan gargaraco kas iyo mida ayadana gogol dhaf samesay labada bigrada kumajiraan bigrada macnaheda runta wadadka dinta islamka kudhorsan raga bigrada ahen waxa waye raga oo kajilco xubinta taranka jelecas waxu kuemada gogol dhafka shrci darada taladeyda qofkii samra ba sadkisa helaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Abu Muxamed

    Asc Wr Wb..

    Ikhwaani Wa Salamtahiin Ilaahey Kuwii Xaqa Fahma Kuna Dhaqma Ilaahey Hanaga Dhigo.. Waxaan Ku Darsan Lahaa Kalamado Waaqici Ah oo Lagu Xad Gudbay..
    Waxaa Jiraan Dad Xun Xun iyo Dad Fican .. Dadkii Ilaahey Wanaajiyo Dad Xun lama Kulmaan.. Qofka Meesha Uu Ku Dax JIro Ayaa MarWalba U Maleyaa in Meelaha Kale Yihiin Sidaas oo Kale.. Halkan Waxaan Ka Fahmayaa Rag Badan in Ey u Badinayaan Gabdhihii Soomaaliyed in ey Yihiin bah Gabdho Xun Xun oo So Tuntay Kan Fikirkaasi Qabo Wa Mid Asaga So Tuntay Tas ogaada Horto. Lakiin Qofkii Dhowrsan ee ilaahey Ilaaaliye Waxuuu Aaminsan yahay in Gabdhaha Somaliyed ee Wadada Ah in Ilaahey Dhowre Marnaba isma Dhahaayo Gabar Saan u Xijaaban oo rer Fican ka DHalatay Ayaaa So Tumatay kuma So Dhaceyso…

    Waan Wax aan So Arkay Dhalinyaro badan oo Tumata Ama So Tumatay Ayaaa Shaaki aan caadi aheyn ka Qaado Gabartii eey Bartaan Bo .. Waaayo tasi asaga ayee ku noqoneysaa waxuuu ogyahay inta Dambi uu So Sameeye..

    Ilaahey Kuwii u Towbad Keena Towbad Sax ah ilaahey hanga dhigo..

    Gabdha Somaliyed ee Dhowrsan ilaahey Niman Fican oo Dhowrsan ilaahey ha Siiyo

    Dignin Gabdha Wali aan Dhowrsanen ee aan badnen ilaahey u Towbad keena Towbad Sax ah..

    Dignin Wiilasha Aan Dhowrsanen ilaahey u Towbad keena Towbad sax Ah.
    Ogaada in ilaahey Caadil yahay . Hadaa Radineysaan Gabdho Dhowrsan idinkoo Towbad keenin in aad heshaan heli meysaan kuwa aan Dhowrsanen ayaa Helaysaan…

    Wcs Wr Wb// Abu Muxamed.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  18. alle ha laga cabsado

    walaal waxa inaga ka muslim ahaan ina saaran in rag iyo dumarba aan dhawrsoonaano nin iyo gabadh toona wax free ah ma jiraaan diinteena iyo shareecadeena ilahay waxa uu u baneeyay rag iyo dumarba in laga dhawrsado xaaraan oo guur xalaal ah la isugu tago markaa arintaas inama khusayso inaga ee waxay khusaysaa dadka ka doodaya allena ha ina ilaaliyo wiiil iyo gabadh ba waad salaamantiin dhamaaaan…………………..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  19. xamdi sweden

    masha Allh intii aan fikrad qof aqriyay waxa ugu qiimo badnaa, una qaalisanaa walalkeyna Abu mahamed aan u maleeyo qofkaas inuu yahay Abu xufeyfah….bishaar ali
    Allahu aclam….lkin waxa lagu soo koobi karaa dooda dhan aayada quraanka ku jirto oo ah
    Allah waxuu dhahay: Raga xun xun iyo Dumarka xun xun ayaga ayaa isku meel ah
    Raga wanaagsan iyo Dumarka wanagsan ayaga aya isku meel ah
    meeshaas waxa ka fahmee in qof kasta waxa uu yahy oo kale helaayo
    Banii,aadan aya la yahay qalad wuu dhici karaa hadane inta ee nafta dhuunta kuu imaan toobad ayaa kuu banaan oo Alle waa naxariis badane oo dhoorsoon
    horta somalida dhaqankeeda intiisa xun aad ayaan necbanahay
    hadane waxa jiro labo sheey ee isku qaldaan hadii aan ka hadlo barnaamijka
    taas oo ah tuliinka iyo bikrada
    . toliinka waa mid oo qof sameeyay
    . bikradane waa mid uu Alle sameeyay
    in kastoo ee tahy qalad weyn oo laga galay gabdhaha somaliyeed toliinka hadane RAGA ayaa aaminsan toliinka inuu yahy bikro, oh my Allah
    Alle garaad yaraa oo garaad yaraa in badan oo jaahilnimo ku danbeeso
    Alle hanoo wada danbi dhaafo oo ogaada hadii aad gabar ku caasaan wax aan ficneen sababta waa idinka lee hadane ogoow gabar waa hooyadaa, habaryartaa , walaashaa ,eedadaa ,xaskaaga si walbo caay kaama mudna
    aad ayaan u salaamayaa walakeyga Abu mahamed fikirkiisa dahabiga ah masha Allh
    hadal waxa ugu qiimo badan midka wanagsan oo mutida leh
    thnks all
    jimcaale sidoo kale thnks

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  20. saciid cali

    Asc walaalaheyga muslimiinta ah Raga caaytamaayo afkiina ka adkaada gabdhaha somaliyeed yaalagu xadgubin adiga hooyadi ku dhashay danbi miyaa ku ogtahay kuma ogid gabdhaha somaliyeedna waa saas Raga caaytamayow allah waa idiinjeedaa maalin aan maanta aheyn ayaa allah idinle xisaabtamidoonaa hadii aad ummad dhan aflagaadeysid Wsc wr wb

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  21. disowboy

    aniga waxay ila tahay mawduucyadaan oo kale inaan lasoo qorin sababtuna waa in anagu aanu nahay dad diin iyo dhaqan aan u leenahay waxa la rabo in halkan wax xun lagaga dhigo hadaba warkaan oo kale ma ahan war loosoo bandhigo dad xishood leh ee waa war gaaleed!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. farxaan

    asc marka hore waan idin salaamay marka xigta aniga waxaan halkaan ka dhaliilayaa mr jimcaale sababtoo ah waxuu yiri raga laguma xujeeyo bigro marka hore ogoow mr jimcaale waxaan nahay umad islaam ah misna gabadha hadeesan guur soo marin ee waajib tahay mar waliba in xuubkaas uu ku yaalo haduusan ku oolina in qofkaas qof fiican eesan aheyn ayee u egtahay mgrty tan labaad hadaan usoo noqdo raga horta ninka raga waxaan nahay dad islaam ah marka macsidana ilaah ayaa xaaraan timeeyay hadalkagana qofki sifiican u eega waxuu u egyahay in aad dhaheesid ninka lama dhihi karo naag buu soo maray waana runtaada midaas balse ogoow waxaan nahay dad islaam ah waxaad ka hadleesidna anaga waxba nagama quseeya eeboow any way mr jimcaale hadaan si qaldan kuula hadlay kun jeer iga raali noqo jaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. Jimcale

    Farxaan fikradaada xaq ayaad u leedahay. Waa sax in aan dad Muslimiin ah nahay balse Musliminadu waxay quseysaa ragga iyo dumarkaba. Haddi gabadha lagu xaqiijin karo in ay soo sineysatay iyada oo la eegayo in sariirtu dhiig leedahay. Sidee ayaa lagu xaqiijinayaa wiilka?

    Diintu uma fasaxayso ragga in ay iska tuntaan gabdhahana haddoow cadaadis la saaro. Qofka saaniga ah waxa uu xaq u leeyahay saani kale sida quraanka dhigayo marka waxa aan ka hadlaayay waa midaas, oo waa in ragga kalaabyada iska aada aysan haddoow dalban gabadh muslimad ah oo isdhowrtahay ee waa in uu raadsadaa kuwa kalaabyada jooga.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  24. mohamad

    sxboow shekaadan waa mid yaab leh lakiin gabdhaheena waligood ayagaa dhowrsanaa oo ka roonaa raga marka shekadan waxaad uso qortay miyaa gabdhaha
    ha iska tuntaan iskadaaya hadaad ragoow tumanaysaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  25. dantii racaa

    haa walal dhaman allaha astuuro niin iyo gabadahbaa intaa xun allah maa naa jiina faladahaaa gabdahaa lee gee dayoo asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. Somalilander

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  27. Dr. Alwadajiri

    Waad salaaman tihiin, marka hore ogaada in ay haboon tahay dumarka in diin iyo akhlaaq loo guursado, wixii ka soo harana ay bur bur iyo baaba’ yihiin.
    Haddii aad gabadh ku dooratay oo aad u guursatay diin ay ku tilmaaman tahay inta badan ceeb kama timaado, haddii incase aad aragto wax hubso walaalle, waayo xuubkaa isaga ah had iyo jeer laguma waayo gogol dhaaf, may be in ay gabadhu haleeleen cudurada qaar kadibna ay laazim noqotay in uu dilaaco xuubka ama la dilaaciyo, waxaa kalo dhici karto in ay meel dheer ka soo dhacday, may be in ay is ilaawday kadibna she played with her self, so waa in malaheena aan ku wanaajino hablaha mu’minaatka ah, iyana ay caddeeyaan ceybtooda guurka ka hor.
    Nabadey.
    [ka raali noqda qalad hadii aan galay, waayo khibrad uma lihi arrimahan, because i'm still single and waiting for My wife in the future] if Allah says.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Bashka xaaji

    Asc

    RUN AHAANTII JIMCAALE DOODU WAA ISKA GAABAN TAHAY MEEL DHEER MA JIRTO NINKU HADII UU HORE GABAR UGU SOO GALMOODAY BIGRA IN UU RAADIYO MA AHAN SAAS MARKA AAN KU LEEYAHAYNA WAXA UU XASUUSANAYAA HABEENKII UGU HOREYSAY GABADHAAS WIXII OOYIN KA BAXAY.
    LKN HADII UUSAN SOO ARKIN WAA IN UU RAADIYAA WAAYO QIBRADBA UMA LAHAN. INTAAS WAXAA DHEER GABADHA HADII AAD JECLAATO WAA BIGRA MAHAN MABA IS WEYDIINEYSID KK RABITAANKAAGA AYAA KA BADAN

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  29. Daule

    Asc, Waxa markasto lagu decesytaa in ilaahey ku soo sahlo naag an zaaniyo aheen , ama nin aan zaani aheen, qofkasto oo aduunkan saaran maalinta Qiyaamo waxad rabtaa waji aad ilaahey hortiisa aad ku tagto , marka ilaahey waxan ka tuugeyna in jirkeena xafido

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. waayeel

    marka hore waan idin salaamyaa dhamaan dadka ka qeyb qaatay fikirka arintan bikarada markaan intaas ka imaado haddii aan uleexdo fikirkayga xadiis ayaa odhanayey qofka sinaysataa ma guursado illaaa qof sinaystay maahane, markaa sida xadiisakaa ka muuqata haddii ninku soo ciyaari jiray siduu caqligiisu u siinayaa in uu gabadha safi ah helo gabdhuhuu xumanta la soo sameyey bulshaday ka mid yiihiin oo weliba guur u joogaan markaa walaalow haddad qof saafi ah tahay ilaahayba qof fadaro ah kuma soo beegayo haddi kalena waa ina ad ku qanacadaa waayo cadaalada rabbi ayaa sida ah. hablaheenana hala sharfo.

    wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. ifrah sharaf

    aniga waxan amiisanahay inay lagama marman tahay in hadii wil an wali guursan uu so gursado gabar an waliged cidna guursan hadana an ahayn gabar maxay ka so doontay wilkan masakinka ah hadii aysan ahay bikro wana muhim hadii aysan waliged gabadhu guursan in laga helo gabarnimadii maxa kale

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  32. Nasranasiib

    Asc walalayaal marka hore dhamaan waxaan idiin dar daarmayaa cabsida Allah naftayda iyo naftiinaba. fikradayda hadaan kadhiibto waa qalad in dhaqaatiirtu wax habeeyaan wayo dadbadan ayaa ayaa kalsonidu kalumaysaa .dad badana wax baa ufududaanaya wayo qof waxaa jira ilaalinaya taas ookaliya ee aan ala kacabsi jirin. waxaana xaaraana in lais qayaano oo qof aad noolasha wadaagaysaan hadii lais qayaano noolashu ma hagaagayso rag iyo dumarba midna uma haboona qayaanada ugudan bayn waaqalad in bigra beena lasameeyo aad ah waa in lala dagaalaa qofka saas samaynaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Axmadeer diikow

    asc självklart sxb yaal adoo doog arkaayo lama dego abaar aniga waxaan guursan lahaa gabar bikro ah kuma jirto . Naag garoob ah taasi waaba ogtahay iney garoob tahay lakin mida ku dhahday aniga gabar ayaan ahay hada meeshi ey tahay garaash . taasi kama yeeleen meeshiiba hadey jeeb tahay meesha wax yaalo ma jirto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  34. samsam

    Every zaani will end up with zaania.Arimaha ha isku mashquulinena.Ilaahyba already sheekadan sii sheegay, somalidana waxay ku maahmaahda shimbir kasta shimbirteeda aya la duusha.Nin kasta naagta oo istaahilo wuu helay ee ilaahy uun ka cabsada.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  35. ak114

    asc. wad salamantihhin aqyaarta sharafta leh. aniga rayigeyga waa in gabadha lagu xirin bikro matahy ee guurka dacad ma utahay taas ayaa ah in ey waarto nolasha labada qof.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  36. Ahmed

    Sas waye asxaabey gabdhaha soomaliyed qaar xun iyo qaar wanagsanba wey kujiraan lkn inta wanagsana badan nimankana waa sidas oo kale marka gabdhaha yaan il gara lagu fiirin nimankuba intaysan gursan kahor wey iska dhaqmaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. mustafe carab

    samsam & nimco & inta hadalada wanaagsan ku hadashay ee gabdhaha ah waad mahad san tihiin qasatan nimco abaayo wilka aad shegeyso waa u qaldan yahay lakin ha ogaado gab dho sharaf leh oo edeb leh oo somali ah aya la dhashay hadii banaanka lugu caaynaayo walhi kuma fiirsan leheen lakiiiiiiiiiiiin nasiib xumo asaga aya gabar inuu caayo bilkaabay sorry s0rry abaya yaal ka raali ahaada wiilka somaliga ee qaldan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  38. Abu bashiir

    Asc wr wb hadaan fikirkayga kadhiibto horta bikradu dhawr siyaabood ayey kujabtaa in ninku gabadha utago oo qudha bikradu kuma jabto , wax fiqi dhigtay idinkuma jiraan miyaa qof arinkaa kubaraarugay idinkuma jiro , bikradu waxay gabadha kaga jabikartaa inay iyadoo yar booday oo sixun udhacday in ay farteedaba kaga jabto diinta lama xishoodeee wixii xaq ah amaba qofkale kaga dhacday culumaduna weykusheegaan kutubtooda xitaa boodadada ayay kaga jabtaa gabadha markay yartahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    1. CISMAANWALI

      ASC dhammaan walaalaheyga muslimiinta ah ee soomaaliyeed oo ka soo hadashay fikirkooda,anigu waxeey ila tahay in aan laga tegin xishoodka iyo cabsida ALLE waayo waxaan

      nahay umad islaam ah sidaas darteed diinteena macaan nama fareeyso in aan fara xumeeyno ama aan zino sameeyno ragg iyo dumarba sidaa darteed ragga waa in eey iska ilaaliyaan ku xadgudubka gabdhaha soomaaliyeed ee walaalahood ah waxaana hubaal ah in haddii eey raggu dhowrsanyihiin oo eey ALLE ka cabsadaan in eey imaaneynin wax zino ah oo laga wada hadlo iyo wax bikro jebin ah toona ileen haddii uu raggu xumaan dumarku ma xumaadaan inta badan sidaas darteed walaalayaal aan alle ka cabsano kuna dadaalno sidii aan diinteena u baran laheeyn uguna dhaqmi laheen si aan uga badbaadno dhammaan arimahan aan hadda ka soo doodnay igana raali ahaada walaalayaal waadna mahadsan tihiin. viva gabdhaha soomaaliyeed ee sharafta badan.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  39. shucayb

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    interestuubg story

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. Cali

    waxan guursaday gabadhaydii kadib ..inan isku sheegtay bikirad oo degan yurub hase ahaatee habeenkii ugu horaysay ayaan ka arkay kana dareemay inaanay bikirad ahayn. waxaanay iigu sheegtay inay xanuunsatay kadibna dhakhtar uu farsameeyay oo sidan u galay .. suaashu waxa weeye ma jiraa qof isinka mid ahoo ay kudhacday tanoo kale? ma rumaysanlahaydeen take inay dhacdo tanoo kale?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga bulshada Soomaaliyeed ee Sweden. Kala soco wararka Sweden.