Home Wararka Maanta Dibad-baxyo ka dhacay Magaalooyin badan oo ka tirsan Dalka Sweden.

Dibad-baxyo ka dhacay Magaalooyin badan oo ka tirsan Dalka Sweden.

0

Hogaamiyaha Xisbiga V Jonas Sjöstedt, dhowr siyaasiyiin iyo ururo kale ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin miisaaniyadda Xisbiyada M iyo KD

“Waxaan qabannay miisaaniyad musiibo ah, laakiin ma lahaan doonno xukuumad masiibo” ayuu yiri Jonas Sjöstedt.

Inkastoo baraf uu dhacayay hadana boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool Stockholm gaar ahaan medborgarplatsen ayaa ku mudaharaaday moderatka iyo xisbiga Christian
ee ku aadan miisaaniyada uu ‘ansixiyay baarlamaanka oo taageero ka helaya Sweden dimuqraadiga.

Jonas Sjöstedt, ayaa carabka ku adkeeyay in uu hadalka muhiimadisa uu yahay sidii loo ilaalin lahaa arrimaha sida jinsiga iyo isbeddelka cimilada,

“Ma doonayno inaan noqono wadanka adduunka ugu fiican dhoofinta hubka, waxaan dooneynaa inaan heer caalami ah ku yeelanno cimilada iyo sinnaanta jinsiga,” ayuu yiri.

Banaanbaxyo noocaan oo kale ah ayaa lagu qabtay Lund iyo Visby maanta halka, maalinta Arbacada lagu qabtay Göteborg, Umeå iyo Örebro.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here