Home News in English Denmark oo sii wada joojinta Qaabilaada Qaxootiga ka imaanaya dhanka Qaramada Midoobay.

Denmark oo sii wada joojinta Qaabilaada Qaxootiga ka imaanaya dhanka Qaramada Midoobay.

0

Dowlada Denmark ayaa wali sii wada hakinta qaxootiga ka imaanaya Dalalka kale ee soo mara dhanka Qaramada Midoobe.

Wasiirada isdhexgalka iyo Arimaha Socdaalka Inger Støjberg ayaa sheegtay in go.ankaasi uu yimid kadib markii Qaxooti badan oo Denmark soo gaaray aysan qeexin Naftooda gaar ahaan Qaxootiga qoysaska u soo gaaray dalka.

Dowlada Denmark ayaa sanadkii hore adkeesay Qaabilaada Qaxootiga ka imaanaya dalalka kale ee soo mara dhanka Qaramada Midoobe sida tirada qaxootiga dalka imaanaya.

Sanadkii ugu danbeeyay waxaa Qaxooti ahaan dalkaasi u soo gaaray ku dhawaad 3,500 kun oo qof waana tirada ugu yareyd tan iyo sanadkii 2008.

Habka Qaabilaada Qaxootiga ayaana qorsho Qaramada Midoobe ay dadka ugu soo qaado dadka dhibaatada ku heesata dalalkooda kuwaasi oo loo qeebiyo dalalka kale.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here