“Dadka Qaangaarka ku dhow waa in ay dacwada hada xareystaan”

19

Johan Rahm oo ah madaxa warfaafinta ee Laanta Socdaalka Sweden ayaa wareysi uu siiyay idaacada Sverige Radio u sheegay in ay muhiimtahay in dadka da’dooda ay ku dhowdahay 18 sano ay dacwada sii xareeyaan ka hor inta aan la gaarin bisha July 2012 waqtigaas oo sharciga cusub la filayo in uu dhaqan galo.

Arintaan uu ka hadlay Rahm ayaa ah mid jawaab ka bixineysa su’aalo badan oo horey ay noo waydiiyeen dhalinyaro badan oo markii sharciga ay dalbadeen ama hadaba 18 sano ka yar balse bisha July 2012 da’dooda ay gaareyso 18 sano ka badan. Dadkaas ayay u muuqataa in loo tixgalin doono da’dooda intay ahayd markii ay dacwada xareysteen, sidoo kale waalidiinta u dacwooday caruurtooda oo 18 sano ka yar balse buuxinaya da’daas ka hor July ayaa la mid ah.

Johan Rahm ayaa sidoo kale sheegay in laanta Socdaalku ay ku sii soconeyso sharcigii hore ee ay gaartay Maxkamada Socdaalka (kaasoo sababay in la diido soomaalida) ilaa laga gaaro bisha July 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here