“Dad mahan kuwa niqaabka xiran”

6

Mid ka mid ah musharaxiinta baarlamaanka ee xisbiga Kristdemokraterna (KD) ayaa sheegay in uu doonayo in Sweden laga mamnuuco xirashada niqaabka ama indhoshareerka. Isagoo ku tilmaamay in aysan dad ahayn kuwa xiran indhashareerka.

Falco Güldenpfennig oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer xisbiga KD ee magaalada Borås isla markaana u sharaxan baarlaamanka ayaa ku doodaya in aysan habooneyn in ay bulshada dhex maraan dadka xiran niqaabka.

Mar la waydiiyay inta qof ee niqaab xiran ee ku nool magaalada BorÃ¥s ayuu ku jawaabay in uu la kulmay hal qof oo keliya, isagoo sheegay in uu ka xunyahay xaalada ay ku sugantahay. “Waxaan hubaa in lagu qasbay” ayuu intaas ku daray.

Ma ahan markii ugu horeysay ee siyaasi ka tirsan xisbiga KD uu ka dhawaajiyo hadalo ka dhan ah Muslimiinta, iyadoo beryahaan dambe ay soo bandhigayaan wajigooda dhabta ah. Xisbiga KD ayaa ah xisbi Kiristaan ah, iyagoo u muuqda in ay la soo baxayaan dabeecadaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) oo ay siyaasadooda ka midtahay mamnuuca niqaabka.

Sidee kula tahay xaalada niqaabka ee Sweden? Fikirkaaga ku darso..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here