Cunsuriyiinta Islaamka neceb oo Stockholm ku kulmaya

14

Cunsuriyiinta ugu waaweyn caalamka ee faafiya naceybka Islaamka ayaa waxay mudaharaad ku qaban doonaan magaalada Stockholm bisha Augusti.

Dadkaan oo ku caanbaxay isla markaana ka bariiseeya faafinta beenta ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ayaa waxay ku mideysanyihiin xulufo loogu magacdaray Xulufada ka hortaga Jihaadka (Worldwide Counter-Jihad Alliance) kuwaasoo ay ku jiraan inta badan ururada cunsuriyada ugu weyn ee wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo inta badan Yurub.

Waxaa ka soo qeyb gali doona kulankaas ragg aad ugu caanbaxay naceybka Islaamka iyo ka faafinta beenta. Dadkaan ayaa ah kuwo caadeystay in Islaamka ay la xiriiriyaan dhamaan wixii xumaan ah iyo in ay yihiin kuwo guud ahaan aan kala soocin Islaamka balse cadeynaya in islaamku uu midyahay oo la doonayo in guud ahaantiisa laga hortago. Ururadaan ayaa waxaa ka mid ah koox isku magac dartay  Stop Islamisation of Europe ama Joojinta Islaameynta Yurub iyo English Defence Leaguue (EDL). Ururo nuucaas oo kale ah ayaa sidoo kale ka jira Maraykanka.

Cunsuriyiinta ka soo qeyb galaya dhacdadaan ayaa waxay ka kala imaanayaan wadamada Maraykanka, Inta badan Yurub, Israel iyo India. Sababta ay u doorteen in ay Stockholm ku qabtaan arintaan ayay ku sheegeen in ay ka dambeyso qarixii sanadkii 2010 ka dhacay ee ninka Muslimka ah isku qarxiyay bartamaha Stockholm kaasoo isaga keliya naftiisa gooyay. Ururadaan ayaa waxaa Sweden ku soo dhaweynaya kuwa kale ee cunsuriyiinta ah sida xisbiga SD.

Cunsuriyiinta ayaa sheegay in kulankooda ay ku soo qaadan doonaan arimaha ay ka midyihiin Mamnuucida Islaamku uu mamnuucayo in Nabiyada wax laga sheego iyo waxa loo yaqaan Xoriyada hadalka, sida Islaamku ula dhaqmo dadka diinta ka baxay iyo xoriyada ay leeyihiin dumarka iyo dadka aan Muslimka ahayn.

Kulanka cunsuriyiint ayaa dhici doona 4 Augusti 2012 balse waxaa la hubaa in ay jiri doonaan mudaharaadyo kale ee oo laga soo horjeedo afkaarta qaldan ee ay faafinayaan cunsuriyiinta. Amaanka ayaa la sheegay in si weyn loo adkeyn doono.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here