Cudurka Ebola oo laga cabsi qabo in uu soo gaaray Sweden

1

Hosbitaalka Karolinksa ee ku yaala Stockholm ayaa lagu baarayaa nin looga shakiyay in uu qabo cudurka qatarta ah ee Ebola kaasoo dad fara badan ku dilay wadamada galbeedka Afrika.

Ninkaan ayaa shalay galabtii tagay rugg caafimaad oo ku taala degmada Solna isagoo sheegay in uu dareemayo xanuun isla markaana uu waqti dhow ka soo laabtay galbeedka Afrika qaasatan wadamada uu saameeyay cudurka Ebola.

Isla markii ayaa loo wacay ambalaas qaas ah oo shaqaalaha ay xiranyihiin dhar difaac, isagoo loo qaaday hosbitaalka Karolinska. Ninkaan ayaa go’doon la galiyay isagoo kiiskiisa la baarayo in uu yahay Ebola iyo in kale. Ninka ayaa sheegay in uusan wax xiriir ah la samayn qof kale oo qaba cudurka Ebola.

Åke Örtqvist oo ah dhaqtar ku taqasusay cudurada faafa oo ka hawl gala Karolinska ayaa sheegay in ay aad u hooseyso qatarta in Sweden uu ku faafo cudurka Ebola. Jawaabta baaritaanka lagu sameeyay ninkaan ayaa la sugayaa maanta.

Cudurka Ebola ayaa cabsi weyn ka abuuray aduunka isagoo ay inta badan dadka uu ku dhaco geeriyoodaan. Isla markaana aan wali loo hayn daawo.

CUSUB: Baaritaankii lagu sameeyay ninka ayaa muujiyay in uusan qabin cudurka Ebola sida ay xaqiijiyeen maamulka caafimaadka ee gobolka Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here