20 sano ka dib muxuu soo kordhiyay ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet)

22

Isbuucii tagay waxaa ka dhacay magaalada Stockholm xaflado si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanad guurada 20-aad ee ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet) kaasoo la aasaasay sanadkii 1995. Hadaba su’aasha ayaa ah ururkaan muxuu faa’iido u keenay Soomaalida ku nool Sweden?

Sababaha loo aasaasay ururkaan ayaa ahaa kuwo muhiim ah, oo ay ugu horeyso midaynta Soomaalida ku nool Sweden. Ujeedadaas kowaad ayaa la dhihi karaa ururku waa ku fashilmay maadaama aan ognahay in aysan wax midnimo ah ka dhex jirin Soomaalida Sweden, oo waliba waxaa la dhihi karaa in uu horseeday kala qeybsanaan iyo qilaafaad dheeri ah, iyadoo wadanka Sweden ay hada ka jiraan boqolaal jaaliyadood oo u qaybsan qabiil qabiil iyo deegaan. Qaar ayaa la shaqeeya ururka, halka qaar kale ay ka soo horjeedaan.

Ururka ayaa sidoo kale ku haminayay dhowr arimood oo kale, kuwaasoo iyagana la dhihi karo wax horumar ah kama gaarin, arimahaas ayaa waxaa ka mid ahaa.

1. In ururku ka shaqeeyo in aan Soomaalida Sweden la cunsuriyayn isla markaana ay bartaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Qodobkaan ayaa ah mid kale oo fashil ah, maadaama Soomaalidu maanta ay yihiin kuwo cunsuriyad joogto ah ay lagu sameeyo, isla markaana inta badan aan aqoon xuquuqdooda.

2. In la siyaadiyo sinaanshaha ragga iyo dumarka Soomaalida. Qodobkaan ayay adagtahay si loo qiimeeyo, balse waxaan ognahay in ragga iyo dumarka Soomaalida ku nool Sweden ay dhamaantood haysato dhibaatooyin badan.

3. In kor loo qaado waxbarashada Soomaalida si ay guul uga gaaraan bulshada. Qodobkaas ayaa ah mid kale oo fashil ah, maadaama ay aad u liidato waxbarashada Soomaalida, qaasatan kuwa cusub oo u baahan taageero dheeri ah balse aan wax taageero ah ka helin ururka iyo jaaliyadaha la shaqeeya.

4. In Soomaalidu shaqo helaan taasoo abuuraysa kalsooni iyo in ay wadanka wax ku siyaadiyaad. Qodobkaan ayaa ah mid isagana fashil ah, iyadoo qiyaastii 65% Soomaalida ku nool Sweden ay shaqo la’aan yihiin, isla markaana aysan jirin wax kalsooni ah. Dhalinyarada Soomaalida ayaa ka xishoonaya in ay sheegtaan Soomaalinimo, taasoo lala xiriiriyo shaqo la’aan, cayr qaadasho, iwm.

5. In Soomaalida cusub lagu caawiyo isdhexgalka bulshada iyo in ay helaan macluumaad ku saabsan Sweden. Waxaan dhihi karnaa in ka hor Somaliska.com aysan Soomaalida Sweden haysan il ay kala socdaan nolosha wadankaan, isla markaana wixii macluumaad bulsho ah ay bixiyaan kamuunada.

Guud ahaan, waxaa iska cad in ururka Somaliska Riksförbundet uusan wax la taaban karo u qaban Soomaalida Sweden balse uu yahay goob ay ku shiraan dad u taagan danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Lacagaha uu qaato ururkaan ayaa ku dhamaada natiijo la’aan.

Arinta ugu fudud ee ururkaan uu wax ka qaban karay ayaa ah ka dhex muuqashada saxaafada Sweden iyo difaaca magaca Soomaalida balse taasi xitaa ayay ku fashilmeen, iyadoo maanta aan ognahay in Soomaalida tusaale loogu soo qaato fashilka siyaasada isdhexgalka wadanka Sweden, isla markaana aysan jirin cid u hadashada Soomaalida oo difaacda.

Dhawaan ayay ahayd markii dowlada Sweden ay 2 milyan oo karoon siisay ururka si ay uga shaqeeyaan ka hortaga xagjirnimada dhalinyarada balse waxaa iska cad in taasi ay tahay sheego magac u yaal ah, oo aan wax natiijo ah keenayn. Isla markaana ay tahay sheekooyinka maanta lagu raadsado dhaqaalaha.

Haddii ay daacad ka tahay wax u qabadka Soomaalida, ayay raggii iyo dumarkii aasaasay ururkaan 20 sano ka hor ay noqon kareen tusaale wanaagsan oo ay ku day’daan Soomaalida ku cusub wadanka. Iyagoo ku caawin karay dadka cusub in ay helaan macluumaad sax ah iyo taageero wanaagsan balse taasi ayaan dhicin, iyadoo dadkii wadanka soo galay ay la kulmeen, kuwii ka soo horeeyay oo shaqo la’aan ah, luuqada aan baran, jaaliyado is haysta iyo qabyaalad ka daran midii ay Somalia uga soo tageen.

Waxaan isleeyahay waxaa la joogaa, xiligii Soomaalida Sweden ay samaysan lahaayeen hogaan cusub oo ka shaqeeya midnimada bulshada iyo waxqabad natiijo leh. Qaasatan waxaa la joogaa xiligii dhalinyarada Soomaalida Sweden ay hogaanka la wareegi lahaayeen.

Sidee kula tahay adiga? Fikradaada ku aadan ururka Somaliska Riksförbundet..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here