Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Sweden oo Finland ugu Baaqay Inay ku biirto NATO la’anta...

Raisal Wasaaraha Sweden oo Finland ugu Baaqay Inay ku biirto NATO la’anta Sweden

0
Foto: Stefan Jerrevång / TT

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristershon ayaa soo jeediyay in Finland ay ku biirto Isbaheysiga North Atlantic Treaty Organisation (NATO) la’an Sweden.

“Qiimayntayada guud ayaa ah in suurtogalnimada dhacdadani ay sii kordhayso,” Ulf ayaa ku sheegay shir jaraa’id.

Wada xaajoodyada ku saabsan xubinimada NATO ee u dhexeeya Sweden , Finland iyo Turkiga ayaa dib u bilowday dhamaadkii bishii Febraayo ka dib markii Ankara ay joojisay wadahadalka, laakiin dalalku wali ma aysan gaarin wax xal ah.

Turkiga ayaa marar badan ka dhawaajiyay inay aqbali karaan oo kaliya codsiga Finland.

Ulf ayaa maanta yiri, “Sida qof walba maqlay toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaan meesha ka saarneyn in ansixinta codsiyada Sweden iyo Finland ay soo maraan heerar kala duwan,” isagoo carrabka ku adkeeyay in go’aanka uu ku jiro gacanta Turkiga, Swedenna ay diyaar u tahay inay wax ka qabato arrimahan oo kale.

“(Xoghayaha Guud ee NATO) Jens Stoltenberg waxa uu carabka ku adkeeyay in haddii tani dhacdo, aysan noqon doonin dhibaato mustaqbalka fog ah. Ma aha in Sweden ay xubin ka noqoto NATO, waa goorma.”

Ma cadda muddada ay Sweden sugi karto. Ulf ayaa sheegay in uusan jirin jadwal gaar ah sababtoo ah Turkiga oo kaliya ayaa go’aanka gaari kara, isaga oo tilmaamay in doorashada Turkiga ay kusoo fool leedahay bisha May ee soo socota.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here