Booliskii ugu horeeyay ee xijaab xiran oo ka shaqo bilowday Sweden

7

Gabadha lagu magacaabo Donna Eljammal ayaa sadex sanno ka hor dood kulul ka dhalisay Sweden iyadoo noqotay ardaygii ugu horeeyay ee xiran xijaabka ee ku biira Kuliyada booliska. Donna ayaa sadex sanno ka dib waxay maraysaa dhamaadka waxbarashadeeda iyadoo hada si tijaabo ah shaqo uga bilowday qeybta soo dhaweynta ee saldhiga booliska Södertälje.

Donna ayaa sheegtay in ay soo dhaweyn fiican kala kulantahay shacabka. Waxay intaas ku dartay in Swedishka ay ku cusubtahay gabadh xijaab xiran oo boolis ah balse ay doonayso in ay muujiso in dumarka Muslimiinta aysan guriga keliya joogin oo cuntada keliya karin.

Sweden ayaa 10 sano ka hor mamnuuca ka qaaday in calaamadaha diimaha ay xiran karaan booliska. Iyadoo 5 sano ka hor la ogolaaday in boolisku ay madaxa duuban karan sida xijaabka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here