Booliska xuduudaha oo ugaarsanaya Soomaalida

9

Booliska xuduudaha Sweden (Gränspolisen) ayaa beryahaan dambe ugaarsi ku haaya Soomaalida ka timid wadamada kale ee Yurub kuwaasoo iska dhiibay Sweden. Booliska iyo Laanta Socdaalka ayaa bilaaby qaab cusub oo ay ku ugaarsanayaan Soomaalida wadanka sharciga looga diiday.

Isbuucyadii u dambeeyay ayay dhacday in Laanta Socdaalka ay u yeedhay dhowr qof oo Soomaali ah, kuwaasoo loo sheegay in ay soo doontaan kaarka lacagta ama kan aqoonsiga. Dadkaas ayaa markii ay lugta galiyeen xafiisyada Laanta Socdaalka waxaa gacan ku dhigay booliska xuduudaha oo durbadiiba xabsiga u taxaabay.

Markii la qabtay ayaa loo sheegay in ay isku diyaariyaan tarxiil loogu celinayo wadankii koowaaad ee ay ka soo galeen Yurub marka la eego heshiiska Dublin. Booliska ayaa kuwii ka biyo diiday waxay qasab uga saareen wadanka iyagoo xabsi lagu siiyay hayay mudadii loo diyaarinayay safarkooda.

Ma ahan arin cusub in booliska xuduudaha ay wadanka ka tarxiilaan dadka sharciga aan lahayn, balse waxaa la yaab leh qiyaanada ay wada dajiyeen booliska iyo Laanta Socdaalka oo si kadis ah dadka u qabanaya ka dib markii loogu yeeray in ay lacag  soo doontaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here