Home Wararka Maanta Booliska sweden oo Xaafada Rinkeby ku toogtay Qof watay..

Booliska sweden oo Xaafada Rinkeby ku toogtay Qof watay..

0

Abaaro 23:42 pm ee xalay waxaa booliska Stockholm ay toogasho ka geesteen Xaafada Rinkeby ee ku taalla dhanka waqooyi ee Stockholm.

Toogashada xalay ayaa timid kadib markii booliska lagu soo wargaliyay in qof sita Mindi ama toorey uu ku sugan yahay aagaasi.

Booliska oo halkaasi gaaray ayaa ugu horeyn rasaas u riday kor kadib markii qofkaasi sitay tooreyda uu dhankooda u soo dhaqaaqay.

Booliska ayaana ugu danbeyn qofkaasi rasaas kaga dhuftay lugta taasi oo keentay in dhaawac ahaan loogu qaado isbitaalka sida uu sheegay Mats Almqvist oo booliska ka tirsan.

Xaafada Rinkeby oo kamid ah xaafadaha ay daganyihiin ajaanibta ayaa badanaa waxaa ka dhaca falal la xiriira dhanka amaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here