Booliska Sweden oo la ogaaday in uu diiwaan galin sharci daro ah sameeyo

8

Sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyey gudiga ilaalinta amniga iyo habsami u dhaqanka, booliska Sweden waxa uu dadka dambiyada lagu tuhunsanyahay ku sameeyaa diiwaan galin sharciga ka baxsan.

Booliska ayaa halka uu ku kaydsho maclumaadka dadka dambiyada looga shakisanyahay wuxuu ku diiwaan galiyaa qofka diintiisa iyo halka uu ka soo jeedo,taas oo aan dambiga qofka lagu tuhunsanyahay wax xariir ah la lahayn sharcigana ka soo horjeeda.

“ Waxaan aragnay dhacdooyin lagu diiwaan galiyey qofka halka uu ka soojeedo ama diintiisa, sida Roma ama Shia Muslim, taas oo aan loo baahnayn sharciguna uusan qabin ,”  sidaas waxaa tiri, Sigurd Heuman, gudoomiyaha gudiga baarintaankaan sameeyey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here