Home Wararka Maanta Bangiga dhexe ee Dalka Norway oo kordhiyay Lacagta Ribada ama dulsaarka.

Bangiga dhexe ee Dalka Norway oo kordhiyay Lacagta Ribada ama dulsaarka.

0

inkastoo ay aheyd qorsho horay loo saadaalinayay hadana waxaa markii ugu horeesay mudo 7 sano kadib uu bangiga dhexe ee dowlada norway saro u qaaday lacagta ribada ama dulsaarka.

Bangiga ayaa lacagta ku kordhiyay bangiyada kale ee dalka gaar ahaan kuwa loo leeyahay goonida ee Privat Banka waxana arintaasi saameyn ku yeelandoono dadka caadiga.

Bangiyada caadiga ayaa lacagta ku kordhindoono dadweynaha madama dhankooda lagu kordhiyay lacagta ay ka qaataan bangiga dhexe ee dowlada.

Lacagta la kordhiyay ayaa gaareysa 0.24 % boqolkii taasi oo kadhigan in lacagta dulsaarka ama ribada ay gaarto boqolkiiba 0.75%.

Dadka saadaaliya dhaqaalaha Norway ayaa sheegaya kororka ribada ay muujineyso dhaqaalaha wadanka oo sii feecnaanayo isla markana saro u kacayo.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here