Baasaboorka Swedishka oo noqday kan ugu caansan ee loo isticmaalo tahriibka

9

Warbixin uu daabacay wargeyska Dagens Nyheter ayaa lagu soo bandhigay in baasaboorka Swedishka uu noqday midka ugu caansan ee ay muqalasiinta u isticmaalaan tahriibka. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in qiyaastii 12,000$ meelaha qaar lagu kala iibsado baasaboorka Swedishka ah.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ilaa hada ay lumeen 177,000 baasaboor Swedish ah, iyadoo labadii sano ee la soo dhaafay ay 861 qof booliska ku wargaliyeen in baasaboorka ka lumay. Labo qof oo ka mid ah dadkaas ayaa 12 jeer sheegay in baasaboorka ka lumay.

Booliska ayaa sheegay in baasaboorka Swedishka ah ay isticmaalaan dambiilayaasha ka ganacsada dadka. Waxay intaas ku dareen in baasaboorka loo isticmaalo ka ganacsiga dadka iyo argagixisada. Sababta uu baasaboorka Swedishka ah u noqday midka ay  isticmaalaan dambiilayaasha ayaa lagu tilmaamay in ay ka dambayso maadaama ay sahlan tahay in qofka uu baasaboor cusub qaato marka uu kii hore lumiyo.

Dowlada Sweden ayaa hada bilowday baaritaan lagu samaynayo arintaan iyo in la eego sidii loo adkayn lahaa qaadashada baasaboorka marka qofku uu lumiyo midkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here