“Baarlamaanka ayaan teendho ka hor dhisanaynaa”

Soomaalida Gävle ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in ay teendhooyin ka dhistaan irida baarlamaanka Sweden oo ay halkaas degenaadaan ilaa loo ogolaanayo in reerahooda lala mideeyo. Fikradaan ayaa waxaa warbaahinta u diray ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee Gävle (Somaliska kvinnoföreningen i Gävle).

Naciimo Cali Hussein oo ah afhayeenka ururka ayaa wargeyska Arbetarbladet u sheegtay in aysan go’aamin waqtiga ay sameynayaan arintaan balse ay ka go’antahay in wax uun ay sameeyaan.

Hadaba maka dhabayn doonaan ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee Gävle in ay teendho ka hor dhistaan baarlamaanka Sweden? Su’aashaas ayaan hada jawaabteeda cadeyn balse haddii ay ka dhabeeyaan ayay noqoneysaa mid ay ku baraarugi doonaan siyaasiyiinta Sweden.

Dhinaca kale dhamaan ururada soo galootiga ee ka dhisan magaalada Gävle ayaa heshiis ku gaaray in way wadashaqeyn sameeyaan oo dhisaan shabakad ay ku mideysanyihiin. Ujeedada dalada ayaa noqoneysa in la hor mariyo isdhexgalka bulshada. Dalada ayaa Soomaalida waxaa ugu jira 7 urur.

45 comments

  1. Ibnu julux

    Asc dhamaan aqristiyasha webkan iyo jicaale ok waxan su.asham weydina jimcale . Hadii lacala dadkas kadhabeyan iney teendhoyin kadhisan afaafka hore e barlamanka sweden malaga yaba dadkas in ey ceyrtoda kuwayan meshas madama schooladki anay aadin ? Suuragal matahay in barlamanka sweden ay xal kagaaran arimaha somalida madama laga yabo in saxafada arintas diirada saarto lana dhaho saxafada sweden saamen ayey ledahay ? Jwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. Jimcale

      Cayr keliya ma ahan balse waxay kaloo ka soo tagayaan guryahooda oo waxay seexanayaan banaanka balse waxaan filayaa in ay cayrta uga muhiimsantahay in caruurtooda loo keeno.

      Xitaa haddii aysan ka dhabeyn ayay ku dhawaaqista arintaan tahay guul oo ay hada saxaafada dhagaha u taagayaan. Marka waxaan qabaa sidaanba in ay gabdhaha guul ku gaareen.

      Raga 1 fikrad ayaan u hayaa. Gabdhaha waxay ku dhawaaqeen in ay baarlamaanka hor dagayaan. Arintaan markii saxaafada ay ka baxdo waa in ragu ay ku dhawaaqaan in ay cuntada ka soomayaan haddii aan xaasaskooda iyo caruurtooda loo keenin. Sidee u aragtaa fikradaas?

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      1. MASSAGO

        JIMCALE EBOOW WARKAAS WA WAR RAAYO ILOOWSA SOMALIDAN LAMA AMINI KARO IN SAAS KUGULA BALAMAN AY KAAGA BAXAYAN HADHOWTI. HADA KAHOR WAXAN XASUUSTAA IN XABSI NALAKU DAADSHAY AA 11-BILL SHIB NAKALA DHAHAY ASA LAGU HESHIIYAY IN CUNADA LAGA SOOMO DADKA QAAR AYAA SOOMAY HALKA KUWA KALENA AY KABEXEN BALANTI MUGA LAMA AMINI KARO SOMALI

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. a rashid

    asc dhamaantiin,waa arin runtii aad iyo aad u qiimo badan lana odhan karo waxa kasoo bixi kara natiijo deg deg ah,su,aashu waa somalidu ma leedahay dadnimo iyo isku duubnaan ay arintaas oo kale ku sameeyaan,hadii la helo dad waxyaabahaas oo kale isku raacaa oo sidii mudaharadkii dhawaan dhacay ee guusha ku dhamaday oo kale sameeyaa,waxay ila tahay in wax fiican kasoo bixi doono,marka waxa ka codsanayaa dhaman dadwenaha somaliyeed inaan isku duubnaano oo aan dhiiri galino waxii gabdhaha somaliyed ee rer gavle ay soo jeediyen ,teendhooyinka aan ka hor dhisano oon waliba seexano si ay u arkaan waxani inaysan ahayn wax laab la kac ah wabilahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. a rashid

    walalkayow waxay ila tahay inay tahay fikrad wanagsan kolayba raga waxa ka firfircoon hada gabdhaha meshan ragii waa u dhamatay,intii dhibku dalkeenii ka dhacay waxii ka dambeeyay gabdhaha ayaa ka firfircoon raga,in cuntada laga soomo oo maalin kasta mudaharad laga SAMEEYO MAGAALO KASTA AYAAN ANIGU KU TALIN LAHAABA,ANIGU MAGAALADA AAN DAGANAHAY SOMALIDA JOOGTA WAA KUWII OOGU XUMAA DADKA,COL IYO ABARBA MOOG ,WAXBABA LAMA SOCDAAN,MARKA BAL INTA FAYOW EE MAGALOOYINKA KALE JOOGTA HA DADAALAAN ,ILAAHAYNA ABSHIRTA HAYNA WAAFAJIYO AAMIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdikarim

    Aniga waxay ila tahay in la sameeyo banaanbaxyo badan oo abaabulan maxaa baarlamaan teendho laga dhistaa sow ma wanaagsana in mudaahaadka la badiyo oo si fiican loo muujiyo dareenkeena Sweden oo dhan si isku duuban oo aan joogteynaa.Cuntada ha laga soomo aniga ilama wanaagsana sababtoo ah cunta ka soonka alle ayaa lagu caabudaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. faracade

    Maashallaah! waa fikrad aad u wanaagsan oo media soo jiidaneyso marka waxaan oran lahaa gabdhaha walaalehey ah arintaas halaga dhabeeyo,,ragana cunto ka soomid haku xijiyaan…
    waan ka xumahay waan idinkala qeyb gali lahaa halganka laakin sweden ma dagani…ALLAHA IDIIN SAHLO AMUURAHA! AAMIN…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. cabdibile

    asc walaal aniga waxaan qabaa in la hore dago xarinta baaralmaanka aniga waxaan rabaain aan fore faristo xarunta barlamaanka aniga mashaan dagan ahaye madagan waxa somali ah oo curuuta danayaa marka waxaan rabaa in aab ka bilaw magaladye in aan ka mudaharado oo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. faadumo

    maasha,alaah. waa arin wanaagsan oo lagu farxo waa loo baahan yahay in baarlamaanka teendhooyin laga hor dhisto raguna cunda kasoo maan,welba waxaan jecelnahay inaan megereeshinada teendhooyin ka hordhisano, waa inaan sa maynaa wax walba oo ciyaan keena, ninmankeena iyo xasas keena la inooku keenayo waxaan lee yahay isku duubni insha,allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ahmed

    asc dhamaan… gabdhaha wa so dhawenaya fekradooda waana wax lo baahanyahay in somalida qof walbo wuxu awoodo inu ku dhaqaaqo,, laakin waxan dhihi laha in aysan teendho dhisan, mudaaharad sameeyan o kaliya, maxa yeelay waxa dhici karta in poliska marka hore aysan ogolaansho ka helin, mida labaad hadi ay iska dhistan waxa laga yaba in xoog looga kiciyo oo la xiro, madama saxafada gaartay arintan intaas aya guul ah. laakin waxa fican in hal maalin bananbax dhaman somalida wada sameyso..60 kun somali aya degan sweden 10 kun kaliya haday banan baxan aa guul ah…waxan ilah ka baryaya in carurtiina la idin keeno..asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xaali

    Maasha allaah arintaan mid yar ma aha maskax fiyow ayeyna ku soo fikireen gabdhahaan marka annigu waan la qabaa diyaar ayaana nahay meeshaan joogideeda dhan ayaanba nacney maxaa yeeley ciyaalkeena iyo nimankeena nalama joogaan raggana waxaan dhihi lahaa fikirka jimcaale qaata walaalayaaloow oo wax kastoo lagu heli karo arinteena aan sameeyno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. jama

    wale waa arin lagufarxo gabdhahenana weydadalen masha allah waa in swden ee dadka ee farahoda siyan oo ey kasaran farahoda computerka si ey dadka uadan wadamada kafican sweden oo carurta dadka usoqadayan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Daade yare

    Salan kadib halsual oo jimcale kusocoto oo ah macqul matahay sida bugag ta logu qato iskulka subax walba isla sidas inloguqato bor yar oo qorta lasurto o ey kuqoranyihin waxan ubahanahay famikeyga iyo manolankaro la antot iyo ereyo naxaris giliya cidkasta o arakto cebna uma arko qofleh familkeyga ayan raba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. Jimcale

      Daade fikradaas waa mid wanaagsan, waxay ila tahay wax naga hor istaagaya in aysan jirin in sidaa la sameeyo. Internetka ayaa laga dalban karaa qoraalo nuucaas ah oo markaan eegay 50xabo ayaad ku dalban kartaa wax labo 200kr ka yar. marka waa fikrad macquul ah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Nuradin

    A.s.c. Salan kadib runti fikrada u walalkey daade yare inokenay wafikrad ad iyo ad an usodhaweyay sabato ah borkas wuxu sojidanayo dhaman siyasiyinta sweden iyo saxafada iyo iswedhashka laftoda macnaha borka u xanbar sanyahay aya wuxu yahay waxa iheyso tiranyo murugbadan wax walbo o ad isisona waxba imaqabtan ila an familkeygi kahelo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. cabaas

    A.s.c salaan kadi b waxaa mahad leh alahi na abuuray kadibne waxaan umahad celinaa gab dhaha somliyeed oo fikirkas wanaag san keenay waxaan leeyah waa arin aad u wanaag san aniga waxaan diyaar u ahay in aan fikirkaas in aan ka her galiyo magaalada aan daganahay ee Falköping aad kacod sado Jaliyadena in ee hoo shaas u kacdo in shalaahu waxeena ku dhamaahee guul.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. umu hani

    mashaa allh reer gävle waa dad karti iyo soomalinimo ku danbeyso xaqiiqo arinta ay ka dhawajiyen waa wax wanagsan wana ku racsanahay diyarna waan u ahay inaan ka qeeb qato malinta ay qabanayan hadu alle idmo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. said

    anigu waxaan odhan lahaa arintani waa arin la odhan ka wax bay kabadli kartaa arimahan imika jira wali waxaan o dhan la haa hablaha soomaliyeed arinta soo ban dhigay inay ku saxan yihiin waxaan odhan lahaa kaga faaidaysta wakhtiga sammarka ka soo ah wati barlamaanka hortiisa la seexan karo waxaanay noqon kartaa arintan hadii lagaga dhabeeyo arin najiida cusubi ka soo bixi karto kuna dhamaan karta guul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Sandviken

    Jimcaale sxb gabdhaha hadii ay ka dhabeeyaan inay teendhooyin ka dhistaan baarlamaanka hortiisa armaa gabdhaheena loo arkaa sidii kacdoonadii Tunnis, Masar iyo Yaman iyo Baxrayn ay teendhooyinka ugu dhisteen fagaarayaashii Xoraynta????? Anywhy gabdhuhu waa howl muuqata oo la arki karo oo hadii ay saxaafada sawiro ka qaadaan saamayn ku yeelan karta dowlada iswiidhan waxaana filayaa in aysan ogolaan doonin in arintaa la sameeyo balse waa sidaad u sheegtay xitaa in wargaysyada lagu qoro ayaa guul ah, BALSE sxb ragga haday raashiinka ka soomaan yaa u og??????
    Soomaali waxay dhahdaa Ganfuur cawo qofkiisuu dhibaa!!!!! markaa wax kaloo la taaban karo oo muuqan karo maa la sameeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. beelo

    a s c dhamaan waan idin salamay walal jimcaale iyo bahda somaliska salaan ka dib walal waad ku mahadsan tahay sida sharafta leh oo aad wax walba noola gayb gaadanaysid walal jiraa tahay mida kale aniga waxay ila tahay in meeshaas dadaalka laga wado si alaale iyo sidii aan ku heli lahayn faamiladeena diyaar ayaan u nahay in aan sameeyno ilayn swedan kuu dadaali maysee waxay kaa aragto unbayna kugula dhagmaysaa marka aan fadhiga ka kacno oo aan dadaalka labo laabno mida walakey daade ayare oo ka shangariyayna wlh waa arin aad iyo aad muhiim u aha la isna weydiin lahaay oo maxaa ku kalifay iyo caruurtoodi ayaa loo diiday waa arin fakir laga gaadan karo midka baarlamaanka ka shageeyo iyo kan macalinkaa iyo magareeshinkuba waa ay wada xiriiraan marka aan fadhiga ka kacno oo jaaliyadaha ha na hawgaliyaan anagu diyaar ayaa nahaye adinaa ragii noo ehe wax uun sameeya na dhaha aan dadaalno si arinkeenu noogu her galo calfna lama seego iyo wuxuu ala goree anagu yaanan is eedine aan da daalno angoo dadaalayno oo shacuuro naga moogato haba noo diidaan hadey rabaane mahadsanidiin dhamaan ilahey hanooga soo gaado sidi gayr noo eh a s c

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. leyla

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sheeko ayey keyntay arag iney dadka siraan ayey rabaan walaaley runta aan ku sheego sweden cunta iyo guri ayey ku siiyey ee caga dhigo mese afrika ayaa lugu celinaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. xasan

    ururkaani kuma raacsani aniga maxaa yeelay warkeeda wey cadeeysay waxeyna tiri dad afika jooga lacag uma haayo yaa lees ku daalinin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. yusuf

    ururkaan wuxuu yahay aniga garaano **[AFLAGAADO WAA KA MAMNUUC SOMALISKA]** waaa kuwa beenta ka faafiyo somalida iney caruurta ka ganacsadaan , hdane wuxuu iska dhiga inuu soomali u daneynaayo teydhooyinayaa ka dhisneyna barlaamka **[AFLAGAADO WAA KA MAMNUUC SOMALISKA - HADDII MARKALE AY DHACDO WAA LAGAA XIRAYAA IN AAD FIKRAD KU DARSATO]** somalia ayaa soo gubtey koox ka mid ha somalia ayaa lacag u dirtiin waa niila ogyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Aadan deeq

    Waa salamantihin mark hore intaas ka dib somalida sweden dagan wey muuqataa intoda badan in dadalkodu yaryahay inyar oo isxilqaantay moyaan waxa arinkan u sabab ahna waa in dhibku daremayan oo kali ah inta ay ka maqanyihin walidkood. xasaskoda. carurtoda.walalahod. iyo inta yar ee daremay dhibatada heysta walalahoda somaliyed ugu danbeyn xalka wuxuu ku jira sida aniga ila tahay in arinkan xooga lasaaro sikasta oo shacurtena lagu mujin karo lagu muujiyo hadii la banaanbaxayo hadii ardayda loosurayo qoorta erayo lagu mujinayo dhibadtadena dadaalaa wuu gaaraa midnimo somaliyey wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Daade

    Waxan idinshegaya dadka lakala baxay LEYLO IYO XASAN IYO YUSUf Waxat ogatan hadi magac ben ah at soqadato macnaheda maha in at naqiyantay balse waxan cabireyna dadnimadada iyo muwadin nimadada iyo insan nimadada intaba waxa cadenkara qoralkaga qabka uyahay marka otamatikli waxa igu sodhacayo mid an bargaranayo odokala ah adna kii okale in atahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Nuradin

    Kkkkkkkkkkkk DAAE VIVA NOLOW wlh 3dan doqomo wan ufikirayay o cilkoda aya ihayay lkn markan arkay sidat ulahadashay wanqoslay waxan soxasustay midladhoho abukarbaac osawiraha dade lol

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Cali cabdi

    Xaqiqatan maangaab lamawayo meel kasta kuwan hadal carured ka ku hadlayo yaan loo bixin. waxan filayaa waxey ismoden swedesh waa damer farda la daaqay oo kale kkkk. afrika waa cidena hoyo lama huran waa cowska jilaal. dadalka hala wado qasatan ragga aad baan ugabinayanaa. dumarkena allah daayo waa indhaha kaliya ee manta somalida wax walba oo wanaag ah u taagan. allaha idin lagarabgalo. wax walba guul ayey nogu dhamandonan insha’allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Hussein

    sc dhamaantiin, salaantaas kedib gabdhaha feker fiican ayey keenneen, runtii aad iyo aadbaan ugu farxay fekerka gabdhaha, waxaan oranlahaa indhamaan somalida ku nool sweden ku gacan siiyaan fekerkaas, aanan ka wada qayb qadano wax walba oo naloogu ogolaan karo in sweden noo keento reereheena, waayoo sweden waxay nagu sameysay arin aysan jirin qoomiyad lagu samaysay sidaasi daraadeed waa in aan teendhooyinka ka dhisano irida baarlamaanka, airporada laga dhoofo iyo weliba xaafisyada UNHCR ay ku leedahay sweden si aan u fahansiino aduunka godobta sweden naga gashay. Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Björksätra

    Asc waa idin salaamey reer gävle in loo dalbo waye jaadkey ku dhasfi la hayeen looooooooolx

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. ahmed

    waxas wa af somali af somalina ma dhamaado marbo meel aya lo jiid jiidi karaa jimcale sxb masuul sara tahay noolow lkn ogoow somali inesan laheen go’an

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Ahmedyare

    Asc waa arin natiija yeelan karta hadi ay sameeyan gabdhahas. Mida kale dowlad waxa la ogona iney tahay mid ku xad gudubta xuquuqda dadka soogalotiga ah .ugu yaran gobol kasta 20gabdhod ha u so diran mesha.2beri gudahood aya jwb cad laga hela qeyril masuuliyinta sweden u taliya.war waxad cuntan ala kafala qaday mesha hadi caruurtina dhiglaha ku cunaya africa maxad u jiftan.so dega parlamanka hortisa boraar la imada. Reuter aya idin so boqoneysa war jecel.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Bandarqaasim

    Asc

    Soomaalida waxa loogo dhegayan waa in kuweenii hore lagu sirmay !

    Wadanka markii nala keeno , waxaa naloo keenaa in faa iido nagala helo , waa sida ay doonayaane , – unbaana wadankii gelinay iyo qasnidihii Cayrta maxaa marka kuwe kale ka suganee !

    War hala shaqaysto , oo Cayrtaan baas halaa xoroobo !

    Mida kale Gabdhahaan , fikradaa kuma raacsani , maalin walba saxaafada in ay afka nagu hayso ma doonayno ee Alle kabaqa , oo Dhulkaan Gaalada ee lala yaaban caruurtii la keenay ka joogsada !!

    Wallaahi waa la keenaa , ee sidii loola noqon lahaa ayaan laga fekerin , waxaana dhici doonto mar lagu CATAABO yaa uun mar ii baxsha !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Magacaaga...wadani

    Bandar qasim waxi aad dhashay iyo wixi ku dhalay hada cabtoynimo iyo wax daran ku og tahay dadkan kale dadkoda ka maqan oo saxan ha qaldine iskaga aamus

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. ibrahim

    waaxaa layaab leh dadaka ku fakaraya in ay teendho kadhistaan barlamaanka hortiisa sidaas in aan wax ku raadino waa laga qurxanyahay waxaa arimaheena sii adkeeyana waxaas reer baadiya nimada ah ayaa kamid ah wayba kasii daraan Swediska marka ay arkaan qoxooti indha adag oo anan xishoonayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Abdulahi

    Asc/ dhamaan iyo somaliska.com teyda kale daade sxb waaku mahadsantahay fikirka aad soo jeedisay kuwaan xasan yusuf iyo leyla isku sheegay waakuwo xaasidiin ah waxaa dhibeyso dadka imaanaayo waxaan usheegaa dadka idinka wax masiisaan waxna ma,uqabankartaan xiligii alle ugu talagalay ayey imaanaayaan lkn anaga ubadkeena sidii eyku imaan lahaayeen waaku dadaaleynaa ama ka xumaada ama ooyo ama inkaartama idinka ley caloosha idiin gubahey inta xaasidka ah warkooda ka baxa ee howsha aan wadno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. abdulahi

    salaan dhamaan asaxaabta
    salaantaas ka dib waxaan rabaa xogta dhabta ah kusaabsan xaalada soomaalida inaan halkaan idin ku soo gudbiyo mana ahaan wax la iskaleeyahay waa warkii ugu danbeeyay
    arintaa somalida waxaa loo saaray gudi kasocda miljöpart iyo moderat waxaana loogu tala galay ugu badnaa 1sano inay kaga warkeenaan xaalka soomalida kdibna loo gudbiyo xubnah kale ee dawlada

    wixii faahfaahin ah waad isoo waydiin kartaan emailkaga khadar-4@hotmail.com
    kuturukuteentakalana iska daaya
    sababtu maxay tahay loo baarayo waliba hadii nalagu helo xaalku xumaanaayo waa dib isu dhiibka waayo safaarad walba waxaa laga bixiyaa intaas oo viso waxa i,aanayana way yaryihii arinka labaarina waa kaas
    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. xaali

    Bandarqaasim waxaan kuu sheegaa hadii ilmahaaga aad u baqeysid ma swedenaa kugu dhagan xor baa tahee hada maad la laabatid adoo kale waaye kuwa nolosha ka dhaco ama ciyaalka ka halaabaan sababtoo ah uurkaad ka buktaa ilaahna wuu kuu jeedaa sidaad u jirantahay marka xaasid ma bulaalo nax ama dhimo annaga mar ey ahaataba ubadkeena waa naloo keenaa iinsha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. sandviken

    Asc waan idin salaamey Koley Fikradan aniga waxaan u arka Mid qaldan sababto ah barlamanka aad le dahey waa hor jiifana adiga ma lihid waa mid dat eey lee yihiin intaad ku mashquuleyso wadan dat isku day in aad kaga aad hor seexato oo aad tiraaho nabad aan rabna waa ogahey hadi xita ilmaha lidiin keeno waxaad bixineysan lacak taas oo ah tii somalia gubi laheet somalia waxaa gubey datka qurbo joogta ah ilaaahow wadankeena noo wanaaji wadan kale wax kuma fali laheena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. ceydiid

    sandviken adigaaba dad waanihaayo runtii magaca horta soo badalo midakle lacagta wax baxiya waa adiga nuucaada ilmahaan afrika laga keenaayo waaku dhibayaan gabdhaha fakirkooda xor ayey uyihiin adiga lama lihid kan kle oo ibraahim isku sheegay adiga lee dantaada ka adkow webkaan intii somalia ah ayaa iskale inta xaasid ahna anaga warkood waxaan ka dhignaa dhuuso geel dadka nolasha ka dhacay waligood fakirkii fiican ayey dhahaan waa ila qaldanyahay waaidinkoo kale inlee ilmo idinkama maqno gabdhahaas ciyaalkooda aa afka kutaageysaan war xishooda oo edeb yeysha wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. samira

    Asc kuligina waxaa jeclahay ina ku darsado figradeyda oo ah inti laga hordhisi lahay tendho baarlamanka hoortisa waxaa ka fican in mudaharado la dhigo hadi kale inti go.aan laga garayo meel cidla lama jifo kara ile swedan subax kaasta waa la ordaya ama skul ama shaqo hadi kale caruurtini ayaa xata bilki uu diri kariin hadi lacaagta lidinka gosta ragana hadi ey soman yaa og ina wax cunay iyo inkale waxaan dhihi lahay waa figrad an ile tosneyn waxaa so dhaan waxaa ka fiican mudaharaad lawada og yahay somaliyo dhaan.waxaan kale jeclahay ina dhaho leylo hadi sida uu hadleysid aad uu modid nolosha iney tahay kini waa sugeysa hadi caruurtadiyo qadeyso adigana cuneysid ana cabeysid oo hadale wadaan dagaala ku nol hadi aad ka toradaay swedan ku nolaw qado ceyr waxaa tahay hooya afka ka ah hooyo lakiin ille ma ihid qof ubaad dhalaay ille naxarisba kagama jedo ee alle ha ku yelo naxariis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. ibrahim

    soomali yaa imaqlo soomaliyeey aan is jeclaano anagaa nolol isu diidnay anagaa isdilay anagaa is cunay qabiilka tuura dalka iyo diinta aan ulaabano ;waa reer hebel , muxuu galaa ,anagaa kafiican waa tan maanta ina keentay halkaan ,aqoon yari iyo waxa ka jira wadanka oo aanba warloo hayn ,waxaan ay jaraa,ida wadankaan nagu tilamamaan ,(Manniskör avfall) dad xun oo adoon aanba war uhayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Magacaaga...wadani

    Sorry!!!!…walahi aad an uga xumahay inta wax ma garatada oo xata qoraalka AFKI HOOYO aqonin hadana jahilnimo ku darsaday somalida adunka dhibka hesto waxa ugu weyn qof mucarad hadana fikrad ka liidato xata ma hesto pull-sheyt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. samiya

    aniga waxaan qabaa in waxaanoo dhibaate ah aan anagalee isku keeney markan daldaleeney ma aanan kafikirin in naloo dhabanaayo midda kalle waxan ku aragnaa iskoolada sfiga dad madow ah kenyaan,eretariyaan, etoobiyaan, iwm. oo soomaali sheeganaayo ama isku dhiibey. adna soomaali aa sheeganeesaaa marka see la idiin kala saaraayaa adi iyo dadkaas aniga waxaan u arkaa in dowladaan sweden ey dhibaato kala kulantey soomaalinimo macneheeda. illah hanoo sahlo in ehelkeena nalala mideeyo laakiin soomaaliyey hala taxadro hadda wixii kadambeeyo insha alaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Abdi nasir

    Asc waan idin salaamey marka Hore tan labaad somaliyeey aan run isku sheekno sweden waxba ma diidin ee somalida ayaa wax isku diidey ka soo biloow 2006 ilaa 2008 waxaa la soo qadey kumanan qof somalia ah oo loogu soo dacwoodey aniga dhaley aniga qabo hadan marki danbo la yiri meel eey ka baxeen aan weyney taas ka sii gudub waxaa la direy gudi xaqiiqo raadin ah oo loo direy addis ababa 4 nin oo swidhish ayeey ahaayen kadib waxeey soo samesten basaboro somali ah yaa geyey mesha lagu gado baasaborada somali yaa waye ki shaley laha wey uga dhumeen yaa waye kan hada joogo oo qabiilka maskaxda uga buuxo war somali hadii aan nahey wadan kale intan ku fikireyno wadankena in aan dhisno maxaa diidey waxaa diidey datka qurbaha joogo ee lacakta u dira qabiilka marka runta haleesku sheego barlamankada hortiisa jiifo mid dadkale dhaaf wasalmu caleykum

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. najma

    Asc dhamaantina saqir iyo kabiirba anigo jeceyl ina ku darsado fikradeyda waxaa dhihi lahaay somaliye wixii aad is dhaheysan wax ku heli kartaan sameya ille meesha waxaa ku jiro caruur waliid la.aan koroyaan maanta anigo iga maqaan yahay odaaygeyga ayaa wareeray iskaba dhafe caruur iga maqna lehed waan ka si dari lahaay waxaan kale ku dari lahaay qalbiga bini adiinka waa lacif ille meesho rabo marnaba kama soo labanayo ille hooyo uu baradaay iney ka hoskacdo caruurteda uma adkeysan karto guri shanqaro dhaan laheyn ille wey isla haadleysa waxaan dhihi lahayn hooyoyiinka iney nafta maweliyaan ey xata qofkasta la haadlan sideyna dawaac uu garsinin naftoda hadi tini aad gabtaan midkale wax uma dari kartiin sidas ayeey talo iga tahay waxaan kale ku dari lahay dadka figradaha qaldan soo qorayo walaalayal biri yeyna idiin qabsanin walaalihina niyada ha ka dilina waxaa kalo ku daraya ma ogtihiin wax kaasta wanagsan ama qorid ama hadal aad qof dhibateysan ku cawineysin ino ajiir idiin socda . ee carabkina bara wixii wanaagsan kana dhereya wixii xun hadi qalad ku jirana ka rali noqda asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.