Home News in English Britain oo cunaqabatayn ku soo rogtay 59 shirkadood iyo shaqsiyaad cusub oo...

Britain oo cunaqabatayn ku soo rogtay 59 shirkadood iyo shaqsiyaad cusub oo Ruush ah

0

Britain ayaa khamiista maanta cunaqabatayn kusoo rogtay 59 shirkadood iyo shaqsiyaad cusub oo Ruush ah, oo ay ku jirto shirkadda amniga ee Wagner.

Kooxda Wagner waxaa loogu yeeraa “ciidanka gaarka ah ee Putin” waxaana ku jira calooshood u shaqeystayaal Ruush ah.

Dowladda Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xannibaadii ugu dambeysay ee lagu sameeyay hantida ay ku wajahan tahay 33 qof iyo 26 shirkadood, marka lagu daro lix shirkadood oo xiriir la leh maamulka Belarusia.

Dadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah inanta uu adeer u yahay oo fadhigeedu yahay London, Polina Kovalev oo ah wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov.

Britain ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay shirkado badan oo Ruush ah, badeecooyin iyo shirkado ganacsi oo uu ku jiro milkiilaha Chelsea Roman Abramovich. Warbaahinta dawladda Ruushka ee RT ayaa sidoo kale lumisay shati ay ku baahin lahayd gudaha UK.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here