“Aniga ayaa tusaale u ah Soomaalida Sweden”

19

Haweenay lagu magacaabo Mona Walter oo ah Soomaali qaadatay diinta Kiristaanka ayaa maanta mowduuc ay ku qortay wargeyska Göteborgs Posten waxay ku dhaliishay bulshada Soomaalida ee ku nool Sweden, iyadoo ku baaqday in qofka Soomaaliga ah ee doonaya in uu dhexgalo bulshada Sweden uu la mid noqoda iyada.

“Haddii Soomaalidu ay doonayaan in ay dhex galaan bulshada Swedishka aniga ayaa tusaale wacan u ah” ayay mowduuceeda ku qortay kaasoo ay kaga hadashay sida ay u dhexgashay bulshada Sweden, iyadoo meel iska dhigtay dhaqankii Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Waxay Soomaalida ku dhaliishay in aysan doonayn in ay qaataan dhaqanka Sweden oo ay ku adkaysanayaan dhaqankooda iyo diintooda. Waxay sheegtay in sidaa darteed iyada laga ceyriyay ururada Soomaalida oo loo arko in ay noqotay “Swedish”.

Meelo badan ayay ku xustay sida wadaada Muslimiinta ay dhaqanka iyo diinta ugu dhiiri galiyaan Soomaalida. Iyadoo ku doodaysa in dhaqanka Soomaalida iyo Diinta Islaamka aysan ahayn kuwo ku dhex noolaan kara bulshada Sweden.

Hadalka ay ka qortay haweeneydaan Soomaalida ayaa ah mid meel ka dhac ku ah Soomaalida iyo Islaamka, iyadoo dhamaadka mowduuceeda ugu baaqday Soomaalida in ay cadeeyaan waxa ay ku siyaadiniyaan bulshada Sweden, oo halkii ay cayr ka qaadan lahaayeen ay sameeyaan arin bulshada waxtar u leh.

Ma ahan markii ugu horeysay ee haweeneydaan ay Soomaalida, iyo Diinta Islaamka ay weeraro ku qaado, iyadoo dhowr bilood ka hor ka cabanaysay in Muslimiintu ay weerar ku hayaan iyada maadaama ay diinta ka baxday.

Balse waxaa muuqata in ay iyadu tahay mida doonaysa dhibaatada, isla markaana weerar joogto ah ku haysa diinta Islaamka. Isbuucii hore ayay ahayd markii ay ka qeyb gashay bandhig buug ay qoreen cunsuriyiinta oo lagu aflagaadeeyay nabigeena Muhammed (nnkh). Iyadoo cunsuriyiinta u jeediyay qudbad ku saabsan Muslimiinta iyo waxyaabaha ay masaajida ka sheegaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here