Home Wararka Maanta Akhriso Sharci Cusub Somalida Norway oo looga baahanyahay Basaboorka Somaliga Xiliga dalbashada...

Akhriso Sharci Cusub Somalida Norway oo looga baahanyahay Basaboorka Somaliga Xiliga dalbashada Basaboorka weyn ee Norwegianka.

0

laga bilaabo 1 january ee sanadka cusub waxaa dalka norway ka bilaabanaya Sharci cusub oo ku aadan qofka dalbanaya basaboorka dalkaasi ee Norwegianka ah.

Sida uu daabacay websiteka laanta socdaalka ee Dalka Norway loona yaqaano UDI:NO waxaa dadka qaar looga baahanyahay in ay wataan basaboor somali hadii ay dalbanayaan Basaboorka weyn.

Dadkee ayaan looga baahneen Basaboorka Somaliga.

1 Qofka ku dhashay Dalka Norway

2 in aad timaaday dalka Norway adoo ka yar 18 sano jir ama waalidkaaga ay heestaan Basaboorka norway xiligaasi.

3 dadka heesta daganaanshaha Rasmiga ee Dalka kuwaasi oo u baahan caawinaad difaac ama heesta Basaboor cagaarka ee Qaxootiga.

Dadkee ayaa looga baahanyahay Basaboorka Somaliga.

Hadii aadan buuxin sharuudaha hore waxaa qasab ah in aad wadato basaboorka somaliga.

Tusaale hadaa heysato midka Baluuga waa kugu qasab Basaboorka Somaliga.

Sharcigan ayaa saameyn ku leh somalida dalkaasi ku nool oo horay sharciyo badan loogu soo saaray kaasi oo saameyn ku yeeshay noloshooda.

Somaliska Oslo

Xigasho/UDI.NO

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here