Home News in English Akhriso Qaabka loo qaabilo Qaxootiga gaara Dalka France.

Akhriso Qaabka loo qaabilo Qaxootiga gaara Dalka France.

0

Wixii ka danbeeyay sanadkii 2016 Waxaa gaaray Dalka france qaxooti badan kuwaasi oo ka tagay wadamada Denmark , Finland iyo wadanka taliyaaniga.

Qaxootiga gaaray Dalkaasi waxaa u badan wadamada Somaliya iyo Suuriya waxana badankooda la siiyay Sharciyo kadib markii laga qaaday wareysiyo la xiriira kiisaskooda.

Warbaahinta somaliska ayaa xiriiro la sameesay qaxootiga halkaasi ku sugan ee dhawaan la siiyay sharciga.

Ila labo qaab ayaa loo qaabilaa qofka marka uu gaaro Dalkaasi waxaana ay kala yihiin in qofka loo qaabilo sharciga Dublin ee ah in qofka wadan kale faro kasoo qaaday kaasi oo wadamada yurub u dhaxeeya halka Qofka kale loo qaabilo in uusan laheyn faraha dublin taasi micnaheeda uu yahay in loo cafiyay.

Qaxootiga ka tagay Wadanka Finland ayaa loo cafiyay faraha Dublinka waxana ay badankooda heleen sharciyo 10 sano ah halka kuwa kale ee aan laga cafin faraha uu kiiskooda yahay mid nasiib ah.

Qaababka loo qaabilo Qaxootiga.

Waa qasab in qofka uu marka hore uu isaga uu dabaro naftiisa inta kiiskiisa laga bilaabayo waayo hadii ay dowlada ku dajiso kaam waxaa dhici karta in aad seexato meelo cidlo ah oo qabow dheertahay.

Dadka isdhiibay badankooda ayaa qaatay adress taasi oo kuu sahleysa in aad hesho nolol dhameestiran halka ay kuu soo dhaceyso lacagta gunada ee laguugu tala galay.

Dhanka kale mucaaradka dowkada iyo xisbiyada cunsuriyiinta ayaa badankooda kasoo horjeeda qorshaha qaxootiga waxana ay wadaan sidii loo hakin lahaa Qaxootiga dalkaasi gaaraya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here