Aflagaadada nabiga, xoriyada hadalka iyo xamaasada Muslimiinta

Waxaan filayaa in akhristayaasha inta badan ay ka daawadeen telefishinada caalamka xiisada ka taagan wadamada Masar, Libaya iyo wadamo kale oo Muslim ah taasoo ku wajahan jawaab laga bixinayo filim lagu aflagaadeeyay nabiga (nnkh) oo ay soo saaareen dad ku nool maraykanka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa mudaharaadyo rabshado wata ka dheceen wadamo badan iyadoo safiirkii Maraykanka ee Libya iyo 3 kale lagu dilay magaalada Benghazi ee dalka Libya. Safaarada maraykanka ee Masar ayaa iyadana gudaha loo galay oo calankii la gubay laguna badalay midkale. Yemen ayaa sidoo kale ka dhacday.

Carada muslimiinta ayaa waxaa kiciyay ka dib markii niman aan magacooda saxda ah soo sheegin ay internetka soo galiyeen filim aad loogu aflagaadeeyay nabi muxammed (nnkh) kaasoo ay ku tilmaameen waxyaabo aan xitaa lagu tilmaami karin qof caadi ah iskaba daa rasuul Allah soo diraye. Filimkaas oo la soo galiyay Youtube ayaa ah mid aad u foolxun oo qofkii daawada uu dareemayo caqli xumada iyo ciyaal suuqnimada dadka abuuray.

Wamada reer galbeedka ayaa ku tilmaamay in aysan waxba ka qaban karin filimkaan maadaama ay dadka abuuray leeyihiin xoriyada hadlaka (Freedom of speech). Iyadoo ay jirto waxa loogu yeero xoriyada hadalka ayaa hadana ay tahay mid munaafaq nimo ah oo markii ay doonaan ay ka hor yimaadaan markii kalena ay dhahaan waa jirtaa. Waxaa ka mid ah wadanka germalka oo aan la amaani karin Hitler ama aan Yuhuuda wax laga sheegi karin balse markii Muslimiinta wax laga sheego ay tahay xoriyada hadalka.

Arinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah in filimkaan iyo sheekadaan loogu yeero xoriyada hadalka ay labada yihiin dabin ka dhan ah Muslimiinta iyo Islaamka. Waxaa muuqata in Muslimiinta ku nool wadama aan kor ku xusay in ay ku dheceen dabinkaas.

Iyadoo ay sax tahay in laga caroodo oo laga xumaado aflagaadada ka dhanka ah nabi muxamed (nnkh) ayaa hadana waxaad u malaysaa in xamaasada Muslimiinta qaarkood in ay xadka dhaaftay. Waxaad la socotaan in nabi maxammed (nnkh) uu yahay kheyru khalqillah, oo hadal xun oo macno daro ah ama filim uusan waxba u dhimayn sharaftiisa. Islaamka waxaa taageersan Allah oo dacaayad kasta oo laga sameeyo waxay abuurtaa in dadku ay diinta u soo galaan si ka badan sidii hore.

Aniga waxay ila tahay in arinta ugu weyn ee dhaawici karta magaca Islaamka iyo Muslimiinta in ay tahay xamaasada rabshada wadata ee ay ku dhaqaaqeen Muslimiinta qaarkood, waa in la helaa wado kale oo lagu cambaareeyo aflagaadada ka dhanka ah nabigeena iyo diinteena balse rabshaduhu waxay keenayaan in aan ku dhacno dabinkii naloo dhigay ee ahaa in “Muslimiintu ay yihiin dad rabshado jecel, in islaamku uu yahay diin colaadeed” sida ay ku doodaan cunsuriyiinta iyo kuwa neceb diinta Islaamka.

Waxaa kale oo xasuus mudan in la ogaado in uusan nabi muxammed (nnkh) uusan rabshad iyo xamaasad ku dhaqaaqi jirin markii la aflagaadeeyo ama xitaa dhaawacyo loo geystay.

Sidee kula tahay  adiga?

32 comments

  1. Dooyaale

    Jimcaale,, maan iska fariisanaa oo waxaan iska fiirsanaa Kitaabkena oo la gbaa, Rasuulkeena oo la caayhaa ??
    ////Ma sidaasa taladaadu ? Mise isku bax kaliyaan dhignaa ,, oo BOORAR ayaan kusoo qoronaa\\ Qaramada Midoobe waxaan ka codsaneynaa ,, ineey Maxkamad soo saaraan , kuwii nabigeena caayay??

    Sidaas talo wanaagsan ilama ahan , wallaahi haddeey nabigeena caayaan ,, waxaan gubeynaa ,, safiiradooda iyo safaaradahooda. Waxaana xayireynaa ganacsigooda .

    Teeda kale yaysan kaa hoos bixin. Nabiga in haddii la caayo usan ka caroo jirin. Macnaheedu maahan in inaga muslimiina aanan sameyneen. Isagu Nabigii maadaama uu ahaa ,, dabcan inuu Diinta u caroodaa uga wayneed tiisa.

    Lkn anagan waa inaan rasuulka difaacnaa,, meeqa nin oo nabiga caysay ayuu CUMAR iyo saxaabada dhaheen qoorta aan u dheereyno,xitaa qaar ka mida loo dheereeyay qoorta……..

    Wallaahi/Wabillaahi, watallaahi gaalada QOORTOODA oo la gooyo waxaan ahayn ineysan xaqq u laheyn kuwa nabigeena caayay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 25 Thumb down 0

  2. Abubakr

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  3. abdihamiid

    aniga waxay ila tahay wey ku saxsan yihiin dhamaan dadka muslimiinta ah aadna waan ugu mahadcelinayaa lkn jimcale adiga muslimta rabsada wadayaal waxaasi leedahay nabigii dhamaa ayay aflagaadeeyay markaas leedahay ha la joogiyo rabsada waar wixii gaala ee la arko ha la dilo khuduu xidra kum
    aad u faraxsanahay nimankasi safarada lagu dilay cidkasta oo sidaasi sameysa hadaa nahay muslimta carabta iyo adinkaba waanu kale dagaalameynaa asc

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  4. mandeeq

    waa arin fican tv ayana kadawaday in laguu madaharaado wixi dinteena iyo NABIGEENA CSW lidku ah wana ku tageersanahay waxan kulaa talinaa musliminta mel walba ay jogaa ina aysiwataan mudaharadyada waayo xaq ay uleenahay wixi islaamka mucarad kuu ah inaa kaso horjesano waana ku saxan yihin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. masayrbadan

    JIMACAALE IYADOO AAN OGNAHAY INAN NABIGEENA CSW AANAY AFLAGADO GAAL URAY WAXABA YEELAYN MISNA MIYAAN ISKA FADHINAA OO SHUCUURTA IYO JACAYLKA AAN U QABNO NABIGA CSW AANU QARINAA TAS KA YELI MAYNO HADAY ADIGA KULA QURUXBADAN TAHAY INAD MAGAC KA RADISO GALADA URTAY ANAGU KAM RADINAYNO ILAHAYBANU MAGAC IYO DARAJO KA DOONAYNAA WANA INAY MUJIYAAN DHAMAN MUSLIMIINTU SHUCUURTOODA

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  6. AHMED SAID

    JIMACAALE waxay gaaladu aamin san yihiin adigu ha aaminin, waxaad ku leedahay gaaladu diinteena waxay ka aaminsan yihiin qas iyo diin fawdo ah waxaas adigu ha aaminin waa beentood walaahibaan ku dhaartee haduu islaamka mid ka soo haraayo walaahibaanan gaalo nabad ka tuugeyn mida kale ku darsoo ilaa aad gaalo qoorta ka gurtid nabad qaadan maayaan walaahi intaan gacmaha isa saarto inaanan ka baryeen nabigeyga NNKH yaan la aflagaadeen ka baryimaayo .ku xisaabtama nabigeena suubanaa aduunkan ma jooga aynagaa maanta joogna waa ineynu difaacnaa xabad iyo gacan baanan ku difaacaynaa maanta ciika i hayaanad ogeyn markaasaad leedahay boodhan qaato oo qaramada midoobey barya iyadu yey tahay miyaaney gaalo aheyn ma waxaad ka sugaysaa iney kuu niikiyaan waar ilaahay halaga baqo oo gaalada waxay lee yihiin yaan la rumeysan aniga iyo gaal nabad nama dhex taal waxaan xabad aheyn ilaa uu ka islaamayo ama uu ogolaanayo canshuurta inuu bixiyo hadii kale dagaalka waan wadeynaa intaan ka guuleysaneyno ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  7. Maria mohamud

    As ani rayigaygu waa in diinta la difaaco laakiin in rabsho la abuuro maaha diinta illaahbaa leh alle ayaana difaacaya haday gaaloo dhami isu tagaan ayaga uun baa daalin allaah ninka mujrimkaa wuu u kaadiyaa markuu qabtana qabashadiisu waa mid daran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    1. cabdiraxman

      ilaahayi;isagaa diintiisa ilaashanaya anaguna sharafteeda ayaan ilaalinaynaa.waayo ilaahay quraankiisa wuxuu ku tiri.inaa naxnu nasalna dikra wa inaa lahu lixaafiduuna.isla markaana liaahay ma banayn in qof la dilo hase ahaatee siyaabo badan ayaa gaalada la iskaga celin karaa.safaaradahoodii iyo shikadahoodii baa dowlaha muslinka kagan.marka arintu sidaa moodeen maaha

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. sudeis

    asc wan idin salamay dhamantina marka salanta halkas uga baxo halkan waxan arin yar usoo jedinayaa ninka la dhahayo JIMCAALE sxb hadii adiga galadan iney qawi leyihin at amin santahay sxb wax ay leyihin malahan sidas ula soco maxad ka wadaa wadamada at kor usoo xustay oo dawinka ku dhacay ma qof NABIGENA NNKH miyaa hadii sxb dinta waxey qabtaa hadaa qawi leedahay inaa galada iska dhiciso hadaa sidada cml layahayna qolubta laga naca hadii afka lagala dagalami karana lagala dagamalo sxb marka aniga wan tagersanahay sida ay jawabta uga baxshen guul guul ayan leyahay muslimka waxana soo dhawaday dagalkii muslimka iyo galada sxb sidas ula soco JIMCAALE gaal mel kasta o joga in lagu dhiba dinta ayaa qabta hitaa hadii wadad kaga hor imada inaa ku caririsid sxb marka sidas ula soco waxad ka hadleyso oo ah cunsurinta waxey amin san yihin dinta muslimka iney dagaal tahay adiga cunsurinta ayaba cabsi ween kugu haysa war wadan kaga nabad ayu noqday ka carara hadii cabsi kugu jirta maraxow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. miski

    waan idin salaamay aqyaarta aniga waxay ila tahay in loo dhaqmo sida hada dhacdey waayo uma noqonayaan aflagaado danbe ta,kale jimcaale xiliga aad sheegeyso rasuulka CSW baa noolaa laakiin hada waa inaan difaacnaa hadii kale waxaan noqoneynaa dad aan damiir lahayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. miski

    TAN KALE SOMALIDA WAY WEYNEYAAN QABIIL TUSALE HADAAD WAX KA SHEEGTO NIN MADAX AH WAXAAD ARKEYSAA DAD DIFAACAAYO MAXAA LOO WAAYEY SOOMAALI DIFAACDA RASUULKEENII SUUBANAA SCW WALAAHAY AAD IYO AAD AAN UGU HAMBALYEYNAA WADAMADA U ISTAAGEY DIFAACA SIDA MASAR YAMAN LIIIBIYA GUUL GUUL GUUL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Maria mohamud

    Anigu wax aan ku eedeeyo jimcaale ma garanayo xumaan-xumaan in laga horgeeyo maaha dad aan wax galabsana la laayo safaaradana la gubo taasina diinteena uma fiicna diinteenu waa diin nabadeed waa diin nasteexo ..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. ali bashi

    asc salan ka dib aniga waxee ila tahay rasulka qof walbo wax ka shego ama dinteena ceeya waxan xaq u leenahay inaan difacno jimcaale fakarkaga aad ayuu u qaldanyahay ee ka noqo fakir mesha kuma heysit qof dintada ceynayaya ma ina iska dhicisa ama inaa ka amustaa wllal alle ka baq ee qoralka badal waxad so qortay nin suxufi sida uma hadlo side ila tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. geele

    ASC aniga waxayila tahay kuwa afkooda qadhmuun maalin walnba afkooda qadhmuunku aflegaadeynaya nebigeena suuban SCW inay yihiin caruurtii fircoon waxaana inala gudboon inaan nolosha adunnyada ka kadabgoyno ama ay baqdin meela la geli waayaan inta ay ifka ku noolyihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ibraahim

    Jimcale waxaad moodaa in uu fikirka reer galbeedka aaminsanyahay, wadamadani wax dabina oo ay ku dheceen ma jirto waxna laguma samaynkaro, waxay muujiyeen dareenkooda islaami

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Dooyaale

    Oo waayahay gOORMEE , qofka Muslimka ah ,, QIIROONAA ,, hadii YAHUUDII xumeed ee Nabigeena cayday aan ka amusno , SU\AASHAAS jimcaale haka jawaabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Jimcale

    Dooyaalee/Abuxudeyfa sxb horta anigu ma dhihin yaan la qiiroonin ama yaan laga caroon aflagaadada ka dhanka ah nabiga (nnkh). Inta aad jeceshahay ayaan jeclahay rasuulka Allah oo aad ayaan uga carooday markaan arkay filmka fadeexada ah balse waxa aan ka hadlayo waa qaabkee ayaa loo qiiroonaayaa? Ma waxaan u qiiroonaa qaab dhalinaya dhibaato kale? oo ma waxaan hadiyad siinaa kuwa doonaya hadiyadda dagaalka iyo isku dhaca? ma waxaan laynaa dadka martida ku ah wadamada Muslimiinta? taasi ma sameyn jireen asxaabtii iyo rasuulka?

    Dadka meeshaan dhahaya waxbaan laynaynaa, anigu waxaan leeyahay beenta yaan laysku sheegin…wadan gaallo ayaad joogtaan…cid kuu banaysay ma jirto in aad ka aarsato qof aan waxba samayn ficil uu sameeyay qof doqon ah oo aan diin isaga laftiisa haysan (taasi waa midii soomaalidu qabyaalada aarsiga isugu dhamaysay).

    Aniga fikirkayga mid reer galbeed ma ahan, ee waa mid ku dhisan caqliga saliimka ah iyo ku dayashada nabiga (nnkh). nabi muxammed kama aarsan jirin kuwa aflagaadeeya ee cafis iyo naxariis ayuu u fidin jirin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. abdi mohamed

    Xoriyatul qowlka ma ahaan in qof la aflagaadeeyo ciddi nabi MUhammed wax ka sheekto wallahi in aan ay ka shalaayi aduun iyo akhiro.waana la dagaalamenaa meel kasta on joogno-

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Cabdirisaaq

    AL MAHDIYUL MUNTADAR xilligii uu soo bixi lahaa ayaa soo dhawaatay daandaansigaan waxaa laga yaabaa in uu ka bilaawdo jihaadkii ugu dambeeyay, ALLAHAYOW dhul gaalo anagoo joogno SAACADDA hanu ridin.
    DHULEEKNOO NABADA aamiin!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Hassan

    ASC dhammaan muslimiinta meelkasta ay joogaan
    waxaan leeyahay Xuriyada hadal ma jirto waa afka oo keliya!!! Qofka wuu hadli karaa lkn waa mamnuuc in uu qof ku xad gudbo ama la aflagaadeeyo. Gaaladaan sharciga sida ay iyaga u samaysteen xitaa hadii ay ugu dhaqmi lahaayeen waxba kama haloowdeen. In RASUUL ALLE WAX LAGA SHEEGO looguma dulqaadanaayo meelkasta oo aan joogno waa in aan muujinaa caradeeda!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. axmad caaqil

    asc walaalahayga muslimiinta ah ee meesha ku kulantay, walaalayaal xoriyad hadal waa hadba macne lagu bedelayo dadka aan caqliga u saaxiib ahayn ma suurata geli karto in nebitullaahi muxammad la aflagaadeeyo hadey dhacdona waa nin ilaahay naxariistiisii ka fogeeyey marka mareykan iyo rer yurub afrikaan eeshiyaan inta aan haysan diinta islaamka marnaba raali inaka ahaan mayaan marka in safaarado loo gubo oo waxaan qabaa inay xaq tahay waayo arimahan waa ka waan toobayaan waana dareemayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Caaqil

    Sc. dhamaantiina waan idiin salaamey.
    Waxaan Jimcaale usheegi lahaa hadalka uu kuhadlayo inuu ufiirsado. Arintu mataagna xisbiga cunsuriga ama Migration-ka ayaa sidaa yiri ee yuusan hadal kaa tagin. ma iisheegi kartaa jidka ufuran oo ay sameen karaan dadka intaa xumaan loo geystay? Mise waan iska uumusnaa? ogowna waa dad dareenkoodu kacay oo dhib weyn loo geystay. Waa dareemi kartaa qof dareenkiisu kacay wuxuu sameyn lahaa. Mid ha iloobin, in warbaahinta lagaa qabsaday oo ay sheegaan waxay ay doonaan. Marka islamka waxaa ufuran iney nabarka iyaga kudhacay mid lamid ah xanuunkiisa gaarsiiyaa wixii kusoo gardarooda waayo xushmad meesha wey dhaaftay. Qofkii kuxushmeeya ayaa laxushmeeyaa. iyagaa diiday in wanaag lagu wada noolaado, mana jirto wax xuriyad hadal layiraahdo, waxay iyagu doonaan wey yiraahdaan, waxay rabaana wey diidaan.

    Qofka dhahaya UN-ka halagu hor bananbaxo waxbuu weli fahmin ee ha ogaado UN-ka iney sameysteen kuwa filimka sameeyey oo ay ugu talagaleen iney kubur buriyaan wadamada islamka cid kale looma sameynin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. CIVILIZED BOY

    GAH GAH GAH GAH YAA MEESHA WAXBAA KA DHACAY WALEE, HADAN RAYIGAYGA DHIIBTO, WAXAAN KU BILAABAYAA HABAAR HORTA WAXANAN HABAARAYAA KUWII RASUULKA AFLAGADEYEY WAXAAN LEEYAHAY CADHO ILAHAY IDINKU DHACDAY, WAXA AAN U JAWABAYAA MAR LABAAD DADKAN LEH WAXBAAN LAYNAYNAA, HORTA RASUULKA N.N.K.H. ILAHAYBAABA KA NASAHAY XUMAAN IN MUSLIMIINTU KA AMUSTO MAAHA LAKIIN IN DAD LA LAAYO AAN WAXBA GEEYSAN AAD AYAAN UGA SOO HORJEEDA, IN LA MUDAHRAADO OO LA MUUJIYO IN LAGA XUN YAHAY WAA OK, LAKIIN DAD AAN WAXBA GEESAN IN LOO LAAYO DAD WAX GEESTAY MA TAAGEERSANI,WAXANA TAA DALIIL UGA DHIGAYAA SURATU NISAA QOFKII TAFSIIRKA DHAGAYSTAY AYAA GARANAYA. WA BILAAHI TOWFIIQ. WAXAAN KUSOO KOOBAYAA IN RASUULKA LA CAAYO QALADBA WEEYE, IN DAD INNOCENT AH LA LAAYANA QALADBA WEEYE.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  23. ahmed najid

    asc all ninkaan meesha iska leh dadka inuu khaldo ayuu raba sxb muslim aya tahay maxad gaalo uga baqaysa ama iska aamus dadka ha u jawabin dadkan halkan joga wa geesiyal adigase hadii ad gaal wax ka sheegto ma webpagekaan aya laga xiraya midakale nadiga oo la caayo waxay ka darantahay hoyada iyo aabaha oo la caayo hooyo ama aabona cidda cayda waad u jawabi lahay war miyaadan ka damqanaynin nabigena wax laga shegayo shit gaalo waa madax ka gooyn walaahi inaysan waligood ku daynayn hadaad dayso waligoodna way wadayaan hadii aanan talaabo laqaadin oo dagaal adah lagu qaadin safaarado ayaad sheegaysaaye madaxdooda ayaanu leeynaynaa nacaladbaa ku taalo yuhuud iyo nasaaraba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. craxman roble

    asc umada islamka ah jimcaale waxad amintaa in malin uun wadankada uu gacantiisa ku istagayo waxad ogata in aad tahay ruux muslin ah ha amini swdan basaboorka aay ku sii say waxad amintaa inad dhimaneeyso waqtiyada illaah waqti ka mid ah waxad ogata fariintadu in aay gareeyso umad badan marka nollol yar ood galadan ka heshay ha u baa ba in midada aqiradada waa xaq in la gubaa galkii cayay iyo galada amiricanka ah oo dhan qabiilka aad ku tilmamtay somalida in aay isku dileen waa wax amar ala ah ilaah ayana naga bixi doono lakin koleey xiligan waxi ka danbeeyo waxan kuu arkaa nin aan aqli badan laheey dadka muslinka ah ka daa daciifnimada wsc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. craxman roble

    soomliyaay hala leexdo somaliska iyo jimcaalaba meel ala meesha lagu arko xitaa salanta yaan laga qadin waa nin aan ka yabay waxa oow soo qoray markaan arka aniga sacadan waxi ka danbeeyo waan jaray jimcaloow imanka aya kuugu yar ee dadka ha danbajin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. Mujaahid

    As,dadka saliimka ah ee fiyow qalbigooda ilaah ayaa noosheegay inaysan waxba kaqaadaynin nbigeena suuban scw wallahu yasimuka minas,waqaala tacalaa wadduu ma canitum qad badatil baqdaa,u min afwaahihim wama tukhfii suduruhum akbar,waxaa daciifnimo ah waxaa dulli iyo wax laga yaqyaqsooda ah cida leh yaan rabshad lasamaynin siibo jimcaaale bro hadalkaada waxuu u egyahay mid kaxun raga safarada lagulayay mise aan kaxumayn caayda loogeeystay nbi muxumed csw mise ma lasocotaa hadii maanta ladaayo in wax kadaran imaani bari?cirdiga iyo sharafta rasuulkeena difaaca,waagi altixaad kadagaalamahyeen gedo siibo doolow iyo luuq ayaa lawaydiyay wadad fadwda looga danbayn jiray shekhow walaaleheen mareexaan amxaaro ayaa laynayso ma banaantahay inaan garab istaakno oon jihaadno?wuxuu yiri wadaadki ma banaano mana ah jihaad,waxa la waydiyay goormee ayuu banaanyahay dagaalka amxaarada?wuxuu yiri mar Alle markay soo gaaraan afgooye,kk luuq jihaad ma aho afgooye waa jihaad!!marka qof wareersan wuu jiraaye wado kana qiirooda difaacana nabiga cirdigiisa iyo sharaftiisa scw,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. NASRA

    asc walaalaha islaamka dhamaan waxa mahad usugnaatay xumana ka nasdahan allaa nabigeenii muxamedna scw illaahay ayaa ka dhigay qeyru qalqilaah xumana allaah ayaa ka fogeyey mida labaad in gaalada oo ah caduu allaa wacadul umatul islaam ay malin walba caayaan diinta iyo nabiga waa mid laga arkay shucuubta muslikaa alle wuxuu yiri WACTASIMUU BIXANDILAAHI JAMIICAA WALAA TAFARAQUU mida kale walalaaka qoray arikan walaal ilaahay wuxuu yiri gaalka naftiisa iyo malkiisa waa idinka xaraam nabadgaliya anaa abuuray anaana irsaqa laakiin waa goormaa taas waa intuusan diintaada iyo malkaga uu soo fara gashan qofka mujrinkaa ee diinta iyo nabiga caayo waa in lala shahiidaa naftaada iyo malkaga aad ka hor mariisa una hibaysaa sharafta diintaada iyo tan nabigaada subxanallaah war illaahaybaa konka iska leh asaana wax nooleeya asaana wax dila hadii anan ficil looga jawaabin maxa looga jawaabi lahaa baryo miyaaa walaahibaan ku dhaarteee waxa u sugnaday qofka xaqa ka gabada duli nimo mar walba waa dhimanaysaa xaqa ku dhimo ahoowna qof ku ad adag wuxuu illahay raali ka yahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. ahmed najid

    JIMCAALOOW SWEDISH PASSPORT 2MITTRES MARKII LAGUGU QABTO HAKAA DIFAACAAN NABIGA KUWA DIFAACANA ALLE JANADII HA IDIN GEEEYO AMMIIN AAMIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. duceysane

    asc dhamaan muslimiinta meel walba ay joogaan waxaan leeyahay gaalada alaha jabiyo kii qorayna ilaah waxaan ka baryaayaa in uu iqaab dag dag ah galiyo insha alaah teeda waxa la sameeyey waa wax sax ah aniga fikirkayga hadaan la sameyna way sii wadi lahaayeen waqtigi ku haboonaa waaye qeyr alaha siiyo laakiin dadkan swedhan joga ee muslimiinta may kacaan oo ay ka dhiidhiyaan waxa dhacaya mise alaha dhulka la jaro kuwii soo abaabulay kuwa lugta ku leh oo dhan ciqaabtana aduun iyo aaqiraba alaha ku fogeeyo insha alaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Sakariye

    asc waxaan salaamayaa islaamka meel waliba ay joogaan, waa arin aad u fool xun in nabigeena la aflagaadeeyo. midda kale waxaan qabaa in la muujiyo carada ay qabaab ummadda muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan. iyagaba meey ogolaadeen in anaga diimahooda iyo qashinka ay aaminsanyihiin maanta waxey ka bixin lahaayeey jawaab cad. marka waxaan leeyahay ummadda islaamaka meel kasta ay joogaan iney foojignaadaan haddii allah qadaro lana dhowro sharafka islaamka asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. daadir

    aad iyo aad baan uga xumahay waayo waxaasa iiga sii xun qofka qarinayo qiiradisa oo noqotay mid liidatay walaahi waxaan leeyahay shaqsi waliba oo islam ah ha u istago sharafta iyo kor u qadista iyo qirada islamka ay lee dahay ilaah ayaan ka baryeena wax waliba oo wanaag in uu inagu hanuuniyo shayaadiintan urayso mana suurtoobayso in ay af lagaado u gaystaana insha allah bi idnillahi karim…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga bulshada Soomaaliyeed ee Sweden. Kala soco wararka Sweden.