Af-soomaaliga oo ku soo biiray luuqadaha Google turjumi karo.

10

untitled Shirkada Google oo adeegyo badan oo dhinaca cilmiga farsamda internet-ka ah caalamka ku soo kordhisay ayaa luuqada soomaaliga ku soo dartay luuqadaha website-kooda turjuman karo.
Talaabadani waxay afka Soomaaliga ka mid dhigaysaa luqadaha tiradoodu 70-ka kor u dhaaftay ee ku jira qaybta Google Translate waxaana arintaasi dadka af Soomaaliga ku hadla u fududayn kartaa in ay turjuntaan erayada aysan ku aqoon afafka kale.

In kasta oo adeegani cusubyahay ayna tahay arintaasi tilaabo wanaagsa oo dhanka hor marka loo qaaday hadana adeegaas wuxuu u baahanyahay in la hor mariyo oo hada waxaa ka muuqda in uusan si wanaagsan oo la wada fahmi karo uusan mararka qaar waxaad galisay kuugu turjumayn.

Shirkada google yaa horay Soomaalida oga codsatay in ka kaalmeeyaan samaynta mashuraacaan oo ka mid ahaa adeegyo ay balan qaaday in ay soo kordhinayso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here