Aabe gabadhiisa dilay oo 18 sano lagu xukumay

0

Aabe bishii November ee la soo dhaafay gabadhiisa ku dilay magaalada Katrineholm ayaa maxkamad ku taala Nyköping ku xuntahay 18 sano oo xarig ah iyo in la musaafuriyo ka dib marka uu xabsiga dhameysto.

Ninkaan ayaa gabadhiisa kula kacay waxa loo yaqaan Dilalka Sharafta asagoo dareemay in ay ceeb u soo jiiday reerkiisa ka dib markii ay isfureen ninkeenda. Aabahaan oo lagu magacaabo Subhi Othman oo ka soo jeeda Ciraaq ayaa gabadhiisa si naxariis daro ah midi 53 jeer ku dhuftay asagoo markaas ka dib booliska isku dhiibay.

Wareysigii ay maxkamadu la yeelatay ayuu ninkaan sheegay in uu xal u waayay nolosha xumaanta ah ee gabadhiisa ay ku socotay. Wargeyska Aftonbladet ayaa qoray in aabahaan uu gabadhiisa colaad u qaaday ka dib markii ay ninkeeda isfureen ka dib shaki in ay xiriir ninkale la yeelatay.

Dilalka Sharafta ayaa waxay ku badanyihiin wadamada carabta iyo wadamo badan oo Muslim ah kuwaasoo ay waalidiinta ama walaalaha qofka looga shakiyo in uu sharafta qoyska meel uga dhaco ay dilaan.

Dilalka nuucaan ah ayaa ka mid ah qaladaadka waaweyn ee reer galbeedku ay ka aaminsanyihiin Islaamka ayadoo dad badani aaminsanyihiin in Diinta Islaamku ay fareyso dilalka nuucaan ah. Balse culumada Islaamka ayaa gaashaanka u daruuray dilalkaan oo sheegay in aysan boos ku lahayn Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here