Aabbe caruurtiisa baadi goobaya. Dhinaca kale ee sheekada

16

“Aabbe Soomaaliyeed oo caruurtiisa & xaaskiisa baadi goobaya” Waa mowduucii shalay
aan qornay ee ku saabsanaa aabbe baadi goobaya caruurtiisa. Arintaan waxay ku bilaabatay ka dib markii uu ila soo xiriiray nin lagu magacaabo  Abdullahi Moalim Mohamed oo ku sugan magaalada Nairobi. Ninkaan ayaa ii soo bandhigay in xaaskiisa iyo caruurtiisa ay kala lumeen oo mudo 3 sano ah uusan war ka helin.

Si islaamnimo iyo Soomaalinimo ah ayaan u go’aansaday in aan ka qeyb qaato
baadigoobta reerkaas. Alxamdulillah ilaah waa nagu guuleeyay in aan helno gabadha la baadi goobayay balse waxaa noo soo baxday in aysan arintu sida loo qurxiyay aysan ahayn ee uu jiro dhinac kale. Gabadha lagu magacaabo Kafiyo Yusuf Ahmed ayaa nasiib wanaagsan waxay akhrisatay mowduucii aan qornay iyada oo dhinaceeda soo bandhigay. Waxay sheekadu u muuqataa in aysan jirin wax kala lumay balse ay tahay arintu mid uu soo abaabulay Cabdullahi.

Waxaan xasuusinayaa akhristayaasha in arintaas aysan ahayn sidii uu Cabdullahi noo soo bandhigay isla markaana ay tahay dhibaato dhextaala familka oo aanan xalin karin. Anigu ma xukminayo dhibaatada kala haysata labada qof laakiin waxaan cadeynayaa in aysan ahayn sidii hore naloogu soo bandhigay ee ay labo waji leedahay. Gabadha lagu magaacabo Kafiyo ayaa ii sheegtay dhibaatooyin badan oo ay tabaneyso isla markaana aan ku habooneyn in boggaan lagu soo bandhigo.

Sidaa darteed arintaan anagu sidaa ayaan uga baxnay haddaan nahay Somaliska.com

Ugu dambeyntii waxaan ku soo afjarayaa codsi aan u dirayo Cabdullaahi oo aan ku leeyahay walaal in aad warbaahinta iyo shacab weynaha gaarsiiso sheekada qaaska ah ee dhexmartay xaaskaaga iyo adiga waxay iila muuqataa mid laga fiicanyahay. Waxaan leeyahay arintaan ku xaliya sidii Soomaalidu qilaafaadka ku xalin jireen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here