7 arimood oo raggu doonayaan balse aysan dumarka u sheegin

Waxaa jira waxyaabo badan oo raggu aysan u sheegin xaaskooda balse ay si ba’an u doonayaan. Dumarka ilaahay awood uma siin in ay akhriyaan waxa ku jira madaxa ragga. Ragga iyo dumarka Soomaalida ayaa qaasatan ku liita wadahalka.

Inta badan lamaanayaasha Soomaalida ma dhex marto sheego macaan ama in ay ka wada hadlaan arimaha reerkooda ee waxay isugu yimaadan in ay wax wada cunaan iyo galmo. Hadaba mowduucaan waxaan ku soo bandhigayaa 7 arimood oo raggu doonayaan balse aysan dumarka u sheegin.

1. Raggu waxay doonayaan xushmad – Ninkaagu intuu kuu yimaado ku dhihi maayo waxaan doonayaan in aad i xushmayso balse qodobkaan waa midka ugu muhiimsan ee raggu doonayaan. Dumarku waxay doonayaan jaceyl balse raggu waxay doonayaan in aad xushmayso oo aad ka dambeyso. Ninka ragga ah haddii uusan xushmad ka helin xaaskiisa waxaa meesha ka baxaya jaceylkiisa. Waa nin dhabarka laga toogtay oo kale.

2. Raggu waxay doonayaan in aad ka dambayso – Raggu waxay doonayaan xaas ay isku halayn karaan oo dhabar taagan xiliga dhibaatada iyo xiliga barwaaqada. Ma doonayaan haweenay markii uu ninku taajiryahay la socota markii xaaladu ku xumaatana ka tagaysa. Raggu waxay doonayaan xaas markii ay guriga yimaadaan ku soo dhaweynaysa hadal macaan. Ma doonayaan xaas habeenkii saq dhexe aroos ka imaanaysa. Raggu waxay doonayaan in markii ay guriga yimaadan in waxkasta diyaar yihiin.

3. Raggu waxay doonayaan galmo dheeri ah – Arintaan waa mid dumarku aysan ku baraarugsanayn balse xaqiiqada ayaa waxay tahay in dareenka raggu uu yahay mid xili kasta kacsan. Raggu waxay doonayaan in xaasku ay diyaartahay markii ay doonaan. Ogoow haddii aad ninkaaga ku tiraahdo .

  • Madaxa ayaa i xanuunaya caawa.
  • Diyaar ma ihi
  • Aan sugno sabtida iyo axada.

In uu seexanayo habeenkaas isaga oo xumaan dareemaya. Ragga markii uu galo rabitaan galmo waxay doonayaan in ay ka miro dhaliyaan. Hadaba haddii aysan jirin caqabad kaa hortaagan in aad la seexato ninkaaga. Dumaroow ogoow in ninkaaga uu doonayo galmo dheeri ah.

4. Raggu waxay ka fikiraan dumarka kale – Qodobkaan qalad ha u fahmin, macnaheeda ma ahan in ninkaagu uu ku qiyaanayo, ama uu xaas kale leeyahay iwm. Balse waxaa xaqiiqo ah in ragga oo dhan ay ka fikiraan dumarka kale qaasatan in ay maalin maalmaha ka mid ah xaaskale guursadaan. Arintaan waa mid loo baahanyahay in dumarku yaqiinsadaan isla markaana aqbalaan. Ninkaaga kama hor istaagi kartid in uu xaas kale guursado balse waxaad noqon kartaa mida uu ugu jecelyahay.

5. Saygaagu waxa uu doonayaa farxadaada – Arintaan dumarku kuma baraarugsana balse ragga oo dhan waxay doonayaan in ay xaaskooda ka farxiyaan. Raggu waxay saa’id ugu shaqeeyaan in ay kor u qaadaan heerka nolosha ee familkooda. Dumarka waxaa laga doonayaa in ay fahmaan juhdiga raggu u galaan farxadooda isla markaana ay uga mahadceliyaan balse aysan buuq la imaan xiliyada arintu isku toosi weydo.

6. Ninkaaga adiga ayaa Muslim fiican ka dhigi kara – Qodobkaan waa mid ragga iyo dumarka Soomaalida labaduba ku liitaan. dumarka  Soomaalida iskuma dayaan in ninkooda ay ku dhiiri galiyaan diinta. Waxaa la ogaaday haddii xaasku ay ninkeeda ku dhiiri galiso diinta, sida salaada in uu xooga saarayo. U kici saygaaga salaada subax. Ku dhiiri gali in uu masaajidka aado.

7. Saygaagu waa ku jecelyahay, xitaa haddii uusan muujin – Ragga Soomaalidu kuma wanaagsana muujinta jaceylka. Inta badan kuma wanaagsana in ay xaaskooda ku yiraahdaan “Waa ku jeclahay”  balse taasi macnaheedu ma ahan in saygaagu uusan ku jeclahayn balse waxa uu ku liitaa in uu muujiyo jacaylkiisa. Taasna ragg badan ayaa la qaba.  Waa uu doonayaa in uu kuu muujiyo jacaylkiisa balse marar badan kuma guuleystaan raggu in ay jaceylkooda u muujiyaan sida saxda ah.

Qore: Abu Ibrahim Ismail – Turjumaad: Jimcale

37 comments

  1. Qaali

    marka hore waxaan idinku salamaa salanta islamka asc marla labaad hadalka aad soo galisay waa sax balse waxaa fikirkayga ah in aaysan raga wada ahayn saas balse waxaa jirta inta badan xaas ninkeeda usoo samirtay intuu waxba ahaysan ee markuu lacag yar isku arkay ama is dhahay tajir ba tahay nago kale guursada qofkaas mxu noqon karaa intee la ‘ eg oo niyad jab ah aya soo gaari kara gabdhaas oo inaas dulqaad muujinaysay markii uu abal uga dhigi lahaa inuu iyada madaxa saaro ayuu wuxu galiyay fikir iyo murugo badan. Tan labaad ninka isaga aya ka keensan kara axaaskiisa inuu waqti walbo iyo saacad walbo xitaa haduu madaxa xanuunaayo ama aaysan diyar ahayn laakiin raga qaar ayaaba aqoon sida xaaskooda uga keensan lahayeen iney u galmoodaan qofka marka uu isaga ka keensado adiga ayaba raadinaaya ama dhararaaya waqtiga uu maqan yahay waxa laga yaba adigoo diyaarah inuu yimaado lakiin raga soomaliyeed maha dhamaan waa qaarkood waxay ku garsiinaya inadan xita soo xasuusan galmo ama jecel tasina waa jahilnimo ku jirta hadalkaygana yaan loo arkin in an raa mucaarad ku ahay xitaa weey jiraan dumar saas ah. Tan sedexaad horay aaba u sheegay boqolsoon Alla u naxariistee in saq dhexe caano leesu kiciyo balse aan salada leesu kicin ilah hanaga dhigo kuwii diinta isku hogamiya Aamiin wabilaaho toowfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 31 Thumb down 4

    1. Abdirahmaan

      asc dhamaan asxaabta halaka isugu timid 7 qodob qodobka kalmada waa mid ka keensiya maxa yeelay waxa la argay gabadh xanuunsan oo aad u qandheesan oo seygeeda meel wada jeefa ayaa seygeeda la yaabay sida ay xaaskiisa u xanuunsan tahay korkeedana meeshii la taabta ay kulushahay qandha tarteed wiilkii intuu la yaabay ayuu waxoo soo qaatay saliid iyo masaajo siduu xaaskiisa qandhada ugu jibiyo kolkoo umariyay oo baalkana geliyay ayee gabadhii xanuunsaneed is celi weyday markaas bey ninkeedi doondoonatay asigoo dhahaaya qaali wad xanuunsan tahay ee iska dhaaf ayadan dhaheedo wan reestay kkk marka asxaabey wax walba adigoon codsan ayaa ka keensan gartaa xaaskaaga waana mahadsan tihiin asxaabta dhamaan

      Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 0

  2. Saredo

    Asc dhamaantin hadaan rayigayga kadiibto 7 arimood oo meesha kuqoran waxaan umalayna in 6 kamida nootahay muhiim o an samayn karno ama an samayn doono ama an samaynaba likin qodobka 7aad ad iyo ad baan udhibsanaa hadaan dumar nahay badan kayaga waayo waa qodob farxadii qoyska meesha kasaaraya iyo jacayl kii udhexeyay labada qof iyo is aaminki waana dhaawac wayn hadii anaga naloo banayn lahaa in an ninka nin kale laguur san lahayn way dareemi lahayen ragu xanuunka masayrka wayna nala qeyb san lahaayen.. Yan loo arag dhibaato waa rayigayga

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 3

  3. yaraani cade

    asx asxaabey horta aad iyo aad ayad u mahadsanatahiin fikirkiin waan wax jiro oo loo bahanyahay mar walbo laiku guubaabiyo waan la dahacay qodobad oo dhan lakiin raga isku mid mahan qofba alah si ayuu u abuuray ogoow ninba si ayuu aqliga u siiyyaay alah nin nagtiisa waa jacelayah si walbo ah ku jacel aladee hadii caaw iag qalee lagu dhahan dhib malahn waa xaaskaad dumarka qaaran rag waa kaban qaran waa jabisa macnaha wax waaye xiliga walbo hadii dhib kula soo gud boonado mid way ku kabta midna wey ku jabisa marka dumarka isku aqli mahan walalllayal alah noo deysto dumarka

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  4. Samiira

    Ascwrwbrt… aniga markaan akhriyay 7da arimoodba kolay waa wax muhiim ah laakiin qofkii maqaalka qoray inuu qoro ma ahayn ”Dumarka soomaaliyeed” ama ”ragga soomaaliyeed” sababtoo ah dadku isku wada mid ma ahan dumar ka fiican nimankooda oo intaasba iyagu u qabanaya ninka oo ninkii lasoo qaban la yahay oo balwad iyo qashin ka daba dhacay baa la arkay, sidoo kale rag wanaagsan oo dumarkii ku xumaadeen baa la arkay marka dadku waa isku jiraa ee ILaahay ha soo hanuuniyo intii lunsan oo dhan. wallaahu aclam.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  5. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka)

    Asc dhamaan waa idin salaamay marka aan ka hadlo fikirka aan ximbarsanahay 7 arimood waa arin muhiim ah ma dhahaayo Raga oo dhan wey wanaagsanyihin maxaa yeelay bini aadamka is ku wada mid ma aha waxaad arkeysaa Rag wanaajiyo xaasaskooda balse ku xumaado Dumerka waxaan leeyahay idinka neh Rag waa dhibteen ee is tajiya Ragiina hadii aad wanaajisaan waxaan u maleynaa abaalkiina in u yahay janada sida u sheegay Nabigeen muxamed (NNK) marka waxaa loo baahan yahay xushmad iyo jaceyl si ey caruurtiina ey idin tixgiliyaan (hooyo) waxaa tahay hooskii lagu harsan lahaay ee guriga (Aabe) adiga neh waxaa tahay Tiirka uu guriga ku taaganyahay marka labadiina waxaad guriga ka heysaan labo xumin oo muhiim ah marka ma ahan in qof kaliya guriga leyahay lasoco in aad wada lee dihiin guriga Dar Daaran aan u jeedinaayo walaashey mcn ee dhaqaneyso is ku day in aad fahamto odagaaga is ku day in aad ka ilaaliso wixi dhibaayo is ku day in aad ogaato waxa uu maanka ku haayo si aad u la qeybsato dheef iyo dhibaato wax ey yihiin is ku day in aad yeesho waxa uu kaa celiyo aad ka harto maxaa yeelay kala dambeyta waa shey qaali ah caruurta neh ey ka arkaan sida hoyo iyo aabe ey is ku ixtiraamaan la socoda owlaada aas aaskooda ugu horeeyo in u yahay guriga waxa ey ka arkaan waalid ayee ku dhaqmayaan marka idinka oo is ku daneenaayo caruurtina neh u danenayo ka fikira danta guud ee guriga xumaan yaa la i fahmin waxaan jacelahay reer dhin oo dhaqmaayo Qore abdirahman (wasiirka)

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  6. C/rashid xidig

    Jimcaale hadana ma arima jacayl ayu iskubadalay.cajib.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

    1. k.s

      Ku- C/rashid Xidig.’
      Sxb xaalku marba waa dhinac,marka maantay waa dhanka Jaceylka! Meeqa dad isjecel kala maqan? Sxb halagaa baashaalo cml.
      kkkkk ws,wr,br,

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. naana

    aniga 6 ariimod wan qabaa inaey sax yihin taan 7aad waxaan laqaba fikirka sareedo sababto ah naagta ninkeda wax kaste wey u sameyn karta lakiin guur kale qof uu dulqadan karo malahan maseerka wa qaraaryahay marka raaga xaaskoda u ficanyahay maxey xaaskale ugu fikiraan mise ilaah aya nobaneyay waye taas wa sax lakin qofka lanol oo wax kaste u kahelayo muxu niyada ugu jibinaya oo naag asageda mesha u kenaaya aniga waxan qaba hadey naagtisa qof ceshan weysay oo wajibkeda kaso bixi weysey haradsho xaas kale lakin hadey tisa kaso baxdo wajibkeda niyada yuu kadilin xaaskisa oo ha imaansado

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  8. ahmed norge

    asc all asxaabta walahay waa muhiim lkin ilahay hanoodaayo dumarkeena wax noo dhaama malaha ilahay dumar la aan nama dhigo siiba dumarka somaldia la aantood ilahay janada hageeyo dumarka somalida dhamaantood inta yar oo xuna ilahay hasoo hanuuniyo aamin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  9. ahmed

    asc sareedo dee sheekadii dumarka yurub ayaad keenatay walahay hadii naloo banayn lah in aan nimankalae laguursano nimanka kuteenoo dumarka yurub jooga aya lagu yaqana markii ladhaho diinto waxas waa khalad in raga lagu sameeyo ayay iyaguna lasoo boodaan dumarka ma khalad ba hada kohor ayaa waxa dhacday in gabar suaal waydiiso wadaad waxay waydisay sheekhaw diintu waxay tiri hadii ninka naagtiisa isaga oo u bahan ay diido nacald ayaa ku dhacaysa ee kawaran hadii naagtu iyadoo ninka u bahan uu diido isagana nacalad maku dhacaysa wadadkii waa qoslay suaasah africa ayaa wadadka lagu waydiiyay markaasu wuxuu yiri waa sheekadii dumarka qurbaha jooga markii ninka wax layiraahdo ayay bilcakis kusameeyaan cml looolz

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. Saredo

    @ahmed dumar ku miyay labo magac yeeshen de haday wadankii joogan iyo haday qurbo joogan waa isla dumarkii waxaa layiri oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri jeeyn dumar kuna xurmay kaamudan yihiin waa hooyada walaasha xaaskagi gabadhadi iwm marka de cagta kadhig anagana sidookale ayay nooga mudan yahiin asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  11. Runsheeg

    Asc asxaabta dhamaan waxaan qabaa su aal oo ah maxaa u sabab ah qoysaska yurub iyo amerika degan ee somalida ah bur burka iyo kala taga ku yimaada qoysaska is qaba markii ay yimaadaan isla markaana waqtigii ay joogeen somalia ama carabta ama afrikada kale ay isu jecel yihiin????Alle ayaan ka magan galay umadaha oo qilaafka ku soo badanaya Alle ha isu maceeyo in sha Allaahu asc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  12. Faa`ìd

    Waxaanba ku ogeyn Jimcaale arimaha socdaalka iyo dhacdooyinka Soomaalida quseeya arihii dhalinka kicinayey ayuuba bilaabay wager.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. Xalima

    ASC ALL waxaa ini ogeysiinaa oo aad ogtihiin in dumarka somaliyeed eyihiin kuwa ugu adkesiga badan dunida sidaas ani ma dhihin lkn baritaan la sameyay ayaa saal lagu soo ogaaday lkn nasiib daro waxedhacday markii raggi somalyeed ay noqdeen kuwa raaxo jecel isla markaana aan u shaqeesan, ninka somaliga waxuu doona in xaaskiisa uu kahelo wax walba oo naftiisa raaxo galinesa isla markaana asigii wax farxad ah malaga helayo haba yaraatee, taas waxa ula jedaa ninka somaliga waxu aminsanyahy mar hadii ugursaday naagtaan in ay ugu joogtoo isticmalkiisa iyo danihiisa asaga quseeya meshaasna waxuu kasaaray xaqii ee ku laheed lamanihiisa, qurbaha waxa ku argnaa rag k acabanaa dumarkoodii isla markaana aan gurigooda lagaheleen ilaa xiliga jiifk amahane, so marke sidee ku heaya nin somaliyeed waxa u jecel yahy hadii esan kahelin waxa ee jeceshahy sxbtiis? Ragga waxa ey dumarka ka donayaan ayaa raggana laga rabaa,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  14. C/rashid xidig

    Sxbayal aniga gabar aya yurub igajogto anigana k/africa ayan joga madama arimo jcayl laga shekaynhayo waxa ficnan lahayd dadka sidayda okala ah inad jimcalow warbixin udiyariso

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  15. ja

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. Sharmarke

    Aniga waxay ila tahay arrin aan lasoo darsin oon lasoo baadhin amase la sheegin waxa salka looga dhigay. Hase yeeshee wax run ihi waaku jiraan lakin ma wada ahan. Qodobka 4aad e sheegaya in ragoo dhamaan wada doonayaan dumar kale. Ta labaad waxa ka dhex muuqda fikirka guud ee uu maqaalku xambaarsanyahay, inaanu ahayn arrin caalamiya ah oo loo sameeyay wadama dhaqanka carabtu ku xooga badanyahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. umu aala yaazir

    asc jamcale waxan ka su gaynay warka reeraha adnah waxad so qoraysa arimo kale iyo shukansi kaf iyo kala dheerid kan u dhigayba ma ahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Shaxaari

    Aniga waxas hadan akhristo waan waalanayaa sida aan ku jeclahay dumarka ku wanagsan dhaqnka sariirta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  19. madaale

    asc all asxaabta runtii 7wada qodob waa mid aad u wada muhiimsan waana wax mesha ku jiro oo lawada qofood ii ifka iska dooratay looga bahanyahay lkn waxaa iska jiri karara mararka qaar in lawadaba qof yara xumado lkn dumarkeena sharta leh ilahayna quruxda ugu deeqay ee dumarka kale oo adunka joogo ugu qalisanyihiin ayaa ah quruxda dabecada iyo nadafada iyo diinta macan marka illahay ha inoo deesto cizi iyo karamana alla ha u siyaadiyo mid iska yara qalifsan way ku jirtaa lkn inta badan waa hersaro thnks jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Muntaas

    Asc asaxabta ahalkan an ku hadalno hadan u ka dhibto rayigayga 7 qodob midka mid ah saredan la qaba saredo xabibti warun ninka nagtisa wax kale wa ugu samri karta lk nagkale maya aniga ahan yurub majogo afrikan joga joga axmad walalo wasax gabadha waxwalbo way ugu dul qadan karta lk naagkale maya wa dhawac so garay gabdha mida kale walal wasax hadi ad arki laheden naagtadii o ninkale kula gursata subxanalah ma ahan in an xadgudbay lk wa rayi waxbad dili lahed ama wad is dili laheden waxana laga yaba gabadhi olala gursatay o qalbi jabsan inay wali iska jogto rerkii marka wa dhibka ugu badan e ay ragu ku xisabtamin e imanka isgaliya ragow o haweneydada ku ekaw

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  21. Massago Till Muntaas

    HORAA LOO YIRI NAAG RAALIYAAAHU NAAG LAMAAD HALAGU NASTO YEELI MEE WAXEEYU YEELI DIIDANA YUF LAMA LOO DHIGEEEY YASEE. HORTA ALLAH JALIILUL RAGA IYO DUMARKA QOFBA GOONI AW WAX U SIIYAY EXMBL GABDHA HADII LAGUURSADO NINKA AY NAFAQA KU LEEDAHAY HADEEY XATAA TAAJIRTAHAY,MAHAR,REERKEEDA OO LADHAQAALEEYO ,,DAAWO,DUUG,IWM NINKAA ALLA KU WAAJIB YEEELA OO IIDA LAGAMA RABO, SIDOO KALE NINKANA WAXAA ALLAH U OGOLAADAY INAW NAAG KALE LAGUURSA KARO HADAW AWOODO INAW MASUULIYADEEEDA QAADO AW REERKA ASIGA MAAMULO IWM MARKA XAAD UGU DIIDEEYSIIN HADEEYSIIN HADII LA,AWOOODO ???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. nafisa

    yaasalaam mantaa maa herkii jacelka laa maroyaa aqiyarey wan idinsalamaaay asc hadaan rayigeygaaa kaa dibto anigaa 6 arimod waa la sameyn karaaaa lkin tan 7 waa naguu adagtahaay hadaan dumaar nahaay waayo ninkeygo ii dhahaa soobarii cawaa nagtii kalaan adaaa inaa isdisho wax yaar ayaa kagaa dhimaan lkin raga jixinjix maa lahaan wayo waxaa lagaa yabaa gabdhan in ay said ku jeceshahy adigana niyadaa kaa dishay yaa allaah illahow an soo barii laa ii dhihin>kkkkkkkkkk anigaa ahan ninkeygaa wan dhuuqsanaaa illhow nag kale iga celikkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  23. Muntaas

    Asc jimcale walal waalo baah naa qodaba ad ka dhawajisay wadna ku mahadsantahay walalo wadna dadashay e dadalka si wad To. Masago walal nafaqo iyo lays kuma haysto e wa ahan sho ninka hadi u isa siyey gabdha maxa u didaya gabadha inay isi siso iyadana gabadh wanagsan hadi u qabo ninkii muxu qalbiga uga jabina mu iyad ku e kado waxa laga hela raga 100/5 in ta kale ma gudi karan wajibka saran inta badan gabadhi o raaliyo ah o dhaq mayso laga yabena duruf adag inay ugu dul qadatay marku shilimad helo yu ninka intu naag kale arko yu ilobo gabdhi hore sidas ayeyna gabadhi ku dhaqmad daysa marka kaas o kale ma xaq ayu gudi kara ogadana ragow wax badso waxbelay le dahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Runsheeg

    asc asxaabta dhamaan Rag iyo dumar ok lkn waxaan arkay dumar badan oo u sacabtumaaya markii uu aabahod ama walaalkod gur

    asc asxaabta waa salaamantihiin ok lkn Nafisa waxaa jiro dumarka qaarkiis oo ku farxa markii uu aabaheed ama walaalkeed uuguursanaayo naag labaad lkn ayada nin keeda uma ogola naag kale sabab?? ok Ragana Rabi baa u baneeyay afar naag hadii uu awoodo ee noodaaya aan guur – guursanee habla kale oo u baahan dhaqashada wanaagsan asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Abdullahi

    a.s.m. jimcaale shaqada socdaalka aan kugu ogaa eee goormee jacalkana keentay wlh cajiib qoraalkaan aqrintiisa waan ubagay aan ka aheen sirta aan ka qarinayo xaaskayga maba dhihi karo macaanto xaaskalaan guursanaa ninka ragaa waxaa laga rabaa rag nimadiisa in uu qarsado kkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Massago Till Muntaas

    SAX WAAYE WAAN KUGU RAACAY NINKA INTA BAAHIDA LOOGU SAMROMARKOOW JEEBKA BUUXSADO WAXAW RABO SAMEEYO MAFIICNO WAANA WAXA XAQDARADA KEENI KARO IN 2-MADA QOFOOD KALA AAMIN BAXAAN LKN SANADKAAN DANBE GUURKU WAXAW ISKA NAQDAY SIDI MAAMUL GOBALEEDYADA ISKA CALEEMA SAAR AH WAX KHAYRE ALLAHA NAGU SOO AADIYO INTI HEYSATAN ALLAHA U MACEEYO ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Run Sheeg

    waa salaamantihiin dhamaan ,, Jimcaale wallee waxaad ka dhawaajisay waxa loo baahan yahay naagaha soomaali waxaa la yaabay isbuuci hal mar iney tahay raaxada iyo habeen oo kilya iyo oo mugdi ah weliba oo halmar lee ah . yaabka yaabkiisa .. jimcaaloow naagahaan waxyaalahaan ku soo gulaangul see wax u fahmaan , raga qeeli badan ayaa ka soo yeertay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. abdiraxman abuu maxmed

    asc dhaman aqristayaasha bogga intaa kadib runtii waxaa qalad ah in mowduucani iyo arimaha ow kahadlayo jimcale saas ma aha walaalayaal jaceyl iyo galmo in meesha ow ku soo qoro waxaan ka codsanaa jimcaale in ow kasaaro mawduucani waa fikrkayga kana fiirso arimahaan oo kale waad mahadsantahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. Saredo

    @Ron shege koley waxaan filayaa dumarka mugdiga jecel waxa jira dumar badan oo burburan marka dee waxay doonayan inusan xaajigedu ka qashuucin o ay sidaas kuqan ciso ok tan 2ad o ah dumarku galmo maraban waxaa sabab u ah hoowshii guriga ayad nagu siiday seen iyo ilmihii qofku haduu daalo awood malaha .is cawin tuna jacayl badan ayay keenta marka labada lamane howsha islaqabtan hadaba ragu hacawiyan xaaskoda haday rabaan raaxo badan o jogta ah wixi gafa xaal ban ka baxshay asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  30. Saredo

    Waxaan layabay dadka qaar kood waxaa moodaa in ay umalaynayan in jimcale uu ushaqeeyo midaynta reeraha somaliyeed haday waayana an qancayn.marka arimahaan jimcale sodabacay wamuhiim waayo dad badan baa kafa idaya marka walaalo jimcale noso badi sheekoyinka arimaha jaceylka dacdooyinka arimaha socdaalka iwm wakaaga had celinayna antayada wax garanaysa tack

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. Geo'orge afrax

    waxoow soo turjumay Mr.Jimcaale asso yiri: “Dumaroow ogoow in ninkaaga uu doonayo galmo dheeri ah.”

    Cajiib, marna ka jara Xubinta dareenka, marna dhaha, !naa soo dhigo!

    Galmada maxaa muhuum aas aasi ah ka dhigay!? wa arin qalafsan.

    war gab dhaha masaakiinta ah sida u dhaama.

    buugga eey arintaani ku taal aa ah:{Sex In Islam } oo waxaa Qoray nin la yiraahdo: Abu Ibrahim Ismail oo MAREEYKAN AH.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  32. IFRAH

    alxamulilah ilahayow adaamahad oo dhanku sugnatay wan kaga mahad celina wax kasta oo ad i sisay anigana ilahayow iga dhig qof ilahay xuan ka nasahay muslnta kalana allow u danbi dhab un naxariiso cadabana ilahay ban ka magan galnay ilahay khayr hasiiyo seygayga qaaliga ah hana xafii melkasta o ku ugan yahay anigana ilahay qof wanagsan ha iga dhigo ow my qaali mahadsanid 1000 jeeeeeeeeeeeer ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, jimcale adina thankx bro

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  33. Samiira

    @Sareedo, walaaley ninka Ilaahay swt ayaa u baneeyay inuu 4 guursado waase hadii uu awoodo ee wax raggu iska keen sadeen maaha waa aayat Qur’aan ah oo ku jirta suurat An-Nissa ee haku dambaabin InshaAllaah. Ninka aan awoodin inuu guursado 4 yacni xag caafimaad iyo xag dhaqaalaba ayaan guursan karin maadaama uusan cadaalad fali karin sinaba. Walow innagu ( Dumarku) aynaan jecleyn in ninkeenu inala guursado oo ay xanuun tahay hadana waa aayat ka mid ah aayaatka Ilaahay swt.Wallaahu Aclam.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  34. janagale

    waxaan filayaa in ayjiraan 7 qodob ee kuqoran meesha waana wax aydhaqan uleedahay soomaalidu ragg iyo dumarba waana dhaqan soojireen ah oo ilaa awoow yaheen ayku dhaqmijireen waxaana filayaa waxaa inoogu wacan jahlinimada waayo waxaadan aqoon ulahaynba wuxuu kulayahay ceeb shaygu haduu ceeb kulayahayna waad ka xishoon marka ALLE ha inafa hansiiyo xaqa dhamaanteen ba walaala yaal

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  35. sundus

    waxaan raba inaan waydiiyo walaalkay hadaan ninkayga saaldii u kaciyo oo wax walba aan u sameeyo oo hadana howshii gurigii la iga rabo oo mar walba aan wanaagii kadaba wado oo jacaylkiina la ii muujinayn soo arin dhiba maahan ileen waxaad tiri raga somalida jacaylka ma muujiyaane dee ragana u sheeg waxay ku xunyihiin anaga kaliya dhibaatado nagama socoteeeeee.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 5

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.